Author Topic: Xasno iyo Faarax (Sheeko gaaban)  (Read 46756 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Xasno iyo Faarax (Sheeko gaaban)
« on: December 17, 2008, 08:40:09 PM »
Xasno waa gabar 18 jir ah kuna nool gobol ka mid ah gobollada soomaliya, faaraxne waa dhaqtar ka shaqeeya isbitaalka magaalada.

Xasno waxa ay u timid dhaqtar faarax waxaana dhax maray sheekadaan:

Xasno: ditoore waan xanuunsanahay, uurne waan leeyahay?
Faarax: sidee laguu hayaa?
Xasno: waxaan leeyahay wadno garaac, wareer iyo tabardarro, uurkeygane waa 7 bilood.
Faarax: meeqo ayaa xanuunsatahay?
Xasno: 3 bil ayaan isku arkay calaamadahaan

Dhaqtar faarax wuxuu indhaha ka eegay xasno, wuxuuna u diray baaritaan.
Baaritaanka ka dib faarax wuxuu u sheegay xasno in dhiig yari hayso wuxuuna weydiiyay su'aashaan

Faarax: xasno, cunno nafaqo leh ma cuntid miyaa, qof uur leh ayaa tahayee?
Xasno: maya
Faarax: maxaa dhacay?
Xasno: ditoore ugub ayaan ahay, in ilmaha ay igu weynaadaan ayaan ka baqayaa.
Faarax: maxaa cuntaa hadda?
Xasno: hal jeer kaliya ayaan wax cunaa!
Faarax: in cunnadu ilmaha weyneysiiso yaa kuu sheegay?
Xasno: naago qaraabo aan dhahay!
Faarax: qeybta uureyda ee isbitaalka ma u tegtay?
Xasno: haa
Faarax: goormee, baaritaanno malaguu sameeyay, wax daawo ahne malagu siiyay?
Xasno: 4 bil ka hor ayaa la ii qoray kaniiniyaal badan.
Faarax: kaniiniyaashii ma dhameesatay?
Xasno: maya
Faarax: maxaa dhacay?
Xasno: maba qaadan waan iska joojiyay
Faarax: maxaa dhacay?
Xasno: waxaa la ii sheegay in kaniinayaasha ay ilmaha weyneeyaan
Faarax: yaa kuu sheegay?
Xasno: anigaaba aqaanno gabar qaadan jirtay oo ilmaha lagu soo qalqalay.

Akhristaheenna sharafta lahow, ka jawaab su'aalahaan soo socda:
1- Xasno warkeeda maxaa ka jiro?
2- Qeybta uureyda maxay ka hilmaameen in ay xasno u sameeyaan?
3- Xasno uurjiifkeeda suu noqon doonnaa?
4- Ma jirtaa daawo ilmaha weyneysiiso oo qofka uurka leh la siiyo?
5- Sidee xasno u wacyi galin laheed?

Sheekadaan waa mid run ah, waxaana idinkugu soo gudbinayaa in aad la socotiin dhibaatada aqoon darrida heysato umaddeena somaaliyeed ee bal ra'yigaaga ka dhiib

Waxbaro!


Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!


Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Xasno iyo Faarax (Sheeko gaaban)
« Reply #1 on: May 15, 2015, 08:46:15 PM »


DHIBAATADA NAFAQO-DARRIDA XILLIGA UURKA

Sheekadaan waxay na tusinaynaa dhibaatada wacyi la'aanta iyo aqoon yarida heysato bulshada qeybo ka mid ah.

Caruurta miisaankii ilaahay ugu talagalay kama waynaadaan, waxyaabaha miisaankooda kordhiyane kama mid ahan cuntooyinka ay hooyada cunto, bal waxay cuntada hooyada ku caawisaa in fool sahlan oo dhib lahayn ay u hesho sida ad ku arki doontaan qoramadaan.

Asbaabaha ugu badan ee keento in caruurta lagu qalo hooyooyinka waxaa ugu horreeyo in hooyada ay miskaheeda yaryihiin oo uusan cunugga si sahlan u soo dhex mari karin.
Waxaa ku xigto haddii cillad xagga uurka ay jirto sida in uurjiifka uu qalloocan yahay ama uusan kafka / miskaha uusan u soo daadigin tani waxay ka imaan kartaa hadduu daciif yahay ama hooyada aysan awood u lahayn in ay cunugga soo riixdo ama foosha fududaato, waxyaabaha keeni karo in hooyada ay daasho oo ay joojiso giijinta murqaha minka waxaa ka mid ah nafaqo darrida iyo dhiig yarida, taas ayaba keento in cunugga lagu qalo hooyooyinka noocaas ah.

Gabadhaan la qalday, waxay halis ugu jirtaa in uurjiifkeeda uu halis galo ama si sahlan u dhali wayso oo ay ku qasbanaato in lagu qalo, waa haddii ay ku nooshahay meel lagu qali karo oo lagu kala badbaadin karo iyada iyo uurjiifkeeda.

Waxay kaloo halis ugu jirtaa Xasno in foosha ay ku daahdo oo ay dhiig baxdo ama dhiigyari u dhimato ama wadnaheeda howlgabo dhiig yarida awgeed, maadaama ay Ugub tahay oo ay dhici karto in foosha ay ku daahdo ama ay ku dhiig-baxdo intaba.

Haddii ay meel xarumaha caafimaad ka fog ay ku nooshahay Xasno ama qalliinka ay fikrad qaldan ka aaminsan tahay waxaa dhici karto in cunugga ku dhex meydo oo minka ku dhex dhinto, waana dhibaatooyinka dhiigyarida uureyda ay la kulmaan.

Haddii ilaahay u fududeeyo oo ay dhasho waxaa dhici karto in ay dhasho cunug korriinkiisa jir ahaaneed iyo maskax ahaaneed aan dhameestirneyn maadaama uu ku soo kobcay nafaqo-darri.

Cilmi-baaris la sameeyay waxaa lagu ogaaday caruurta u dhasho hooyooyinka dhiig-yarida leh in caruurtooda ay ka maskax yaryihiin ama ka garasho yaryihiin caruurta kale.

Waxaa muhiim ah in xarumaha daryeelo uurreyda in ay ka wacyi galiyaan fikradaha noocaan oo qaldan, waana midda ka muhiimsan inta aan daawo loo qorin ka hor.

Waxaa habbon dadka aamisan fikradda gabadhaan oo kale in lagala hadlo dhibaatada ay nafaqo darrida iyo dhiigyarida ay u keento maamada uurka leh iyo uurjiifka intaba.

Takhaatiirta waxay isku waafaqsan yihiin in Sonkorowga ama Kaadi-macaanka uu uurjiifka ku weyneeyo hooyooyinka qaba xanuunkaas, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Sonkorowga Uurka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1842.0.html

Fadlan haddii aad fikrad ka qabto ama wax aad ku darsan lahayd ku soo gudbi bogga qoraalkaan.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Barow

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Xasno iyo Faarax (Sheeko gaaban)
« Reply #2 on: May 26, 2015, 08:26:20 AM »
1- Xasno warkeeda maxaa ka jiro?

wa sax Dre Xasno warkeda ah in la yiri ilmaha aya kugu waynayo o lama yaabayo aniga..!
waayo aniga xaasle ayan ahay waxana u so gaday xaskeyga makina qudarta shida waxan dhahay qudarta shiido cab o waxey igu jawabtay iga tag ilmaha igu waynanaye. o wa run hadalka xasno e kutiri kutenta ah.

2- Qeybta uureyda maxay ka hilmaameen in ay xasno u sameeyaan?

Qeybtan xasno waxey ka hilmamen sida ila muqata aqonse uma lihi aniga wa fikirkeyga.
marka hore iney ku booriyan dawada o ay qadato iney u ficintahay ayada iyo ilmaha
marka xigta inay ku yirah dan dawadan marka dhameysato so laabo si an u ogano isbadalka.
in ay la wadaagan nolosha Xasno ay ku cusubtahay si ay ula saxiibto xasno dhaqatirteda.

3-Xasno uurjiifkeeda suu noqon doonnaa?

Walahi Alle aya og sida ay noqon donaan urjiifta. lakin Xasno HP-geda aya dhacayo nafaqadarada owged.

4- Ma jirtaa daawo ilmaha weyneysiiso oo qofka uurka leh la siiyo?

ma qaan dawo nucaas ah mana maqlin abid.

5- Sidee xasno u wacyi galin laheed?

waxan u wacyi galin laha sidan
marka hore waxan la wadagi laha cabsida haysa xasno iyo taxadarka ay ku jirto o ah inay ayada iyo ilmaheyda cafimad ku kalayimadan.
waxan marka u hosgalin lahaa xasno wadada ay rabto inay wax ku badbadiso inay mar marka qar wax halajinayso.
dadkale o arinta ay wado sameyay o dhib so garay iyo dad kale o sida kale sameyay o fiicnaaday
waxaana uga dhigi lahaa wax hada dhacay o kale is niyada ugu dhisanto o cabsida ay uga baxdo.
 
mahasanid dre


 

Su'aal: Sidee lagu dheereyn karaa xubin gaaban?

Started by Ahmed99Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 61264
Last post June 20, 2011, 01:40:46 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Lamaane gaaban caruurtooda ma ka dhaxli karaan?

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 4419
Last post May 20, 2015, 02:23:38 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan ahay Qof Gaaban ee maxaa sameyaa?

Started by Hanad.200Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5895
Last post May 06, 2017, 09:15:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Siigo gaaban dhib ma leedahay?

Started by GuudlaaweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4682
Last post December 05, 2015, 11:46:09 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Hal lug oo gaaban oona qaliiran?

Started by Muqtaat2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4034
Last post January 14, 2019, 10:24:11 PM
by SomaliDoc