Author Topic: Saameynada Liddiga ah ee Daaweynta Kansarka  (Read 15026 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Saameynada Liddiga ah ee Daaweynta Kansarka
« on: December 19, 2008, 06:23:44 PM »
Daaweynta kansasrka, sida shucaaca ama kiimiko ku daaweynta, waxaa loo isticmaalaa in lagu baabi'iyo unugyada kansarka ee jirka ku jira. Unugyada kansarku waxay u koraan una qaybsamaan si ka deg deg badan sida unugyada caafimaadka qaba.
Daaweynta kansarka waxaa loo sameeyaa si ay uga shaqayso unugyadaan sida deg degta ah u koraya. Shucaac iyo kiimiko ku daaweyntu waxay saameyn karaan unugyada caafimaadka qaba, ee sida deg degta ah u koraya iyagoo sababaya saameyn lid ku ah.

Dadka badankoodu waxay la kulmaan waxoogaa saameyn lid ah. Saameyntaan liddiga ah iyo sida ay u daran tahay waxay ku xiran tahay daaweyntaada iyo sida jirkaagu uu uga jawaabo. Kuwa ugu badan waxaa ka mid ah:
# Daallanaan
# Shuban ama saxaro adayg
# Lur ama xanuun afka, cirridka iyo cunaha ah
# Lalabbo ama matagid
# Xanuun
# Timaha oo kaa bida oo loo yaqaanno "alopecia"
# Dhibaatooyinka maqaarka iyo ciddiyaha ah oo ay ku jiraan finiinicyo, guduudasho, cun-cun, maqaarka oo fiiqma, engegnaan, canbaar ama qorraxda oo qofka aad u dhibta
# Diiqo ama caabuqid dareemid

Saameynt liddiga ah ee dhiigga waxaa ka mid ah:
# Unugyada dhiigga ee cas-cas oo aad u yaraada oo loo yaqaanno dhiig yari.
# Unugyada jirka oo aan heleynin ogsijiin ku filan.
# Unugyada dhiigga ee cad-cad oo aad u yaraada loona yaqaanno "neutropenia". Tani waxay jirka ku adkaysaa in uu la dagaallamo jeermisyada.
# Unugyada dhiig xinjirowga sameeya oo aad u yaraada. Tani waxay jirka ka dhigtaa mid u nugul nabarrada aan dillaacin iyo dhiig bixidda.

Takhtarkaaga la hadal si aad ula socodsiiso sida aad dareemeyso inta daaweyntaada kansarku ay socoto.
Haddii aad wax su'aal ama walaac ah qabtid, halkaan ka weydii
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Daawada "Colgate" iyo Kansarka Mindhicirrada.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 26007
Last post November 20, 2018, 03:32:30 PM
by SomaliDoc
Kansarka Malawadka "Colo-rectal Cancer"

Started by Hasan_c.h.cBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 20915
Last post November 17, 2007, 01:43:21 PM
by Hasan_c.h.c
Kaankarada/Kansarka Naasaha (Breast Cancer)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 20847
Last post December 12, 2008, 11:56:31 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Ilaalinta uurka ma kenta kansarka makaanka?

Started by BadriyaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 9981
Last post October 02, 2010, 08:29:24 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee lagu ogaadaa cudurka kansarka?

Started by LaabtaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 39447
Last post March 02, 2013, 07:32:35 PM
by Ahmed_07