Diseases and Conditions > Cudurrada Haweenka

Calaamadaha Khatarta ah ee Uurka

(1/1)

SomaliDoc:

Haddii aad qabto ama la kulanto mid ka mid ah calaamadahan hoos ku xusan isbitaalka gaar:

Calaamadaha Khatarta" ah waxaa ka mid ah:

* Xanuun joogto ah oo dhabarka hoose ah
* Dhiig ama xinjiro ah oo farjiga ka imaada
* Qoyaan siyaado ah oo hoosta ka yimaado
* Ibida "madheerta" oo buqda ama dillaacda
* Majuujin ama "kor u dhifasho ilmaggaleenka"
* Cunugga oo dhaqaaqiisu yaraado
* Qandho
* Matag iyo/ama shuban isku xig-xiga
* Xanuun markaad kaadshayso
* Suuxdin iyo siririd
* Madax-xanuun joogto ah
* Indho-madoobaad Halkaan ka akhriso qoraal faahfaahsan oo ka hadlayo astaamaha aan dabiiciga ahayn ee hooyada uurka leh isku aragto iyo siyaabaha loola tacaali karo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1203.0
Haddii aad qabto su'aal aad doonaysi in aan kaaga jawaabo, halkaan ku soo qor: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com

Navigation

[0] Message Index

Go to full version