Author Topic: Isku-buuqa Maskaxda (Mental Distress)  (Read 56331 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Isku-buuqa Maskaxda (Mental Distress)
« on: January 02, 2009, 10:04:06 PM »


Waa Maxay Isku-buuqa Maskaxdu?
Dadka qaba isku-buuqa maskaxdu waxay isku arki karaan dhibaatooyin ah xagga fikirka, dareenka, ama dhaqanka. Marka si kale loo eego, fikirkooda, dareenkooda iyo dhaqankooda ayaa isku qasan. Waxay taasi si weyn waxyeello ugu geysan kartaa xiriirka ay dadka kale la leeyihiin, shaqadooda, iyo ku-istareexa noloshooda.
Lahaanshaha isku-buuqa maskaxdu waa dhibaato ku adag qofka iyo qoskaba. Laakiin, ma aha wax ceeb ah.

Maxaa Keeni Kara Isku-buuqa Maskaxda?
Waxa muhiim ah in la fahmo in qabista isku-buuqa maxkaxdu aanuu ahayn khalad u qofku iska leeyahay. Marmarka qaarkood dadku waxay rumeystaan in isku-buuqu ka yimaado cadawnimo, ciqaab ama ilaysi. Balse dhakhaatiirtu waxay rumeysan yihiin inay jiraan waxyaabo keeni kara isku-buuqa maskaxda oo ay ka mid yihiin:
# Kiimiko maskaxda ku jirta oo isku dhayli-tirsaneen
# Walwal iyo dhibaatooyinka maalin kasta qofka haysta
# Dhacdooyin maskaxda u xun oo qofka soo maray
Waa dhib sidii loo garan lahaa xaqiiqada sababaha keena isku-buuq kasta. Marmarka qaarkood dhib jirka soo gaara ayaa keeni kara calaamooyinka cuduradda maskaxda ku dhaca.

Isku-buuqa Maskaxda Miyaa layska Dhaxlaa?
Cilmi-baaristu waxay tilmaamaysaa in dadka qaarkii ay dhici karto inay dhaxal u leeyihiin inu ku dhaco isku-buuqa maskaxdu. Sababta oo ah waxa jira waxyaabo badan oo adag oo keeni kara, waa in arrintan aad kala tashatid dhakhtarkaaga.

Miyaa la kala Qaadaa Isku-buuqa Maskaxda?
Isku-buuqa maskaxdu ma aha hargab ama jadeeco oo kale, mana aha wax la kala qaado.

Waa Maxay Noocyada Waaweyn ee Isku-buuqa Maskaxdu?
Dhibaatooyin Walwal ah (Anxiety)
Dhibaatada Isku-buuqa ee ka Dambeeya Dhaawac ama Dilis (Post Traumatic Stress Disorder) (PTSD)
Murugo (Depression)
Isku-buuq ah Marna Niyad-kac Marna Niyad-jab (Manic Depressive Distress)
Cudurka Maskaxda ee loo Yaqaano Iskiitsofiriiniya (Schizophrenia)

Halkaan ka waydii su'aalo haddii aad qabtid
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Salma

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re:what is it depression or mental distress
« Reply #1 on: January 16, 2009, 06:24:32 PM »
a/s dr...........
     I exprience following signs recently
          -lack of memorizing recent things or hapened
          -been anxious
           -disturbed by loud noise
            -punic oftenly
and haven't gone to see a docter yet :-\
also is it normal to exprience some sote of depression/mental distress in our life cycle?.
 wiil it perish alone without taking medication.please if there's any help information to follow let me know
 coz prevention is better than cure! 
                                                          by salma.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Isku-buuqa Maskaxda (Mental Distress)
« Reply #2 on: January 19, 2009, 12:25:00 AM »
Walaal calaamadaha aad dareemeyso waxaa keeni kara dhowr cudur, waana sax in ka hortaggu uu ka fiicanyahay daaweynta.
Lakiin si loo ogaado waxa aad dareemeyso u tag dhaqtar.

Waxaad u baahan doontaa wareysi iyo baaritaanno kalaba.
Mahadsanid
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Mahadislan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Isku-buuqa Maskaxda (Mental Distress)
« Reply #3 on: February 22, 2012, 04:53:03 PM »
Assalamu calaykum..
Aad bd u mahadsanthay Dr. wxn isku arkay inbadan oo ka mid ah calaamadahan siiba
1. sida fikirkayga, dareenkayga iyo dhaqankayga o isku qasan
2. ku istareexa nolosha oo igu yar
3. walwal maalin kasta ah
4. ilowsho badan

Dr. wax kiimiko ama daawoyin kale ahba ma qaadan, dhacdooyin xun iyo xasuusna ma lihi.. Just waa fakar bdn oo nolosha ah, luck of self-image, iyo waliba high expectations aanan gaarayn.. iyo niyad jab

Marka dear Dr. mxn uga bixi karaa, igala tali plz, mxn uga hortagi karaa



Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Isku-buuqa Maskaxda (Mental Distress)
« Reply #4 on: March 10, 2012, 05:05:30 PM »
Qofka noocaaga oo kale waxaa la siiyaa labo talo mid laakiin aniga waa isugu kaa darayaa:
1- Noqo qof eebe ku xiran, oo quraan akhriska ku dadaal isagaa kaa baabi'in doono wewelka, nolol cariiriga iyo fakaraka badan.
2- La xiriir takhtar psychatric ah, waxa aad ka cabanayso waa "Depression" waxaadna u baahan tahay daawooyin lidka ku ah anti-depressentaska.

Labada talo midda kore waa la isku hubaa faaidadaeeda, waxyeello side effect ahna ma lahan.

Wixiii aad su'aal aad qabto waad na soo waydiin kartaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ladan-cadeey

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Isku-buuqa Maskaxda (Mental Distress)
« Reply #5 on: April 01, 2012, 01:26:26 AM »
asc somalidoctor waxan ku waydin laha su'aal marki aan xanaaqo waxaan isku arkaa madax xanuun aad ah neerfaha wuu i xanuna inta aan xanaaqsanahay marka waxas cudur miya mise  waa wax iska caadi ah .   su'aashayda kale waxan ahay qof aad u fikirta oo markasta maskaxda iskala hadasho madaba prblem iska jiro marka firikiskaas aad ah wax dhibaato miyu igu reebi karaa ina iga so jawaabtan ayaan idinka codsan lahaa waad mahadsan tihin dhaman

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Isku-buuqa Maskaxda (Mental Distress)
« Reply #6 on: April 06, 2012, 06:21:16 PM »
Iska cabir cadaadiska dhiigga marka ugu horeyso, hadduu caadi yahay iska yareey fikirka sida aad ka dhawaajisayne waxa kugu kiciyo waa problems jira.

Iska xalli problemskaas, haddii aadan xallin karin is bar sidii aad ula tacaali lahayd adigoo fakar iyo walwal is galin, haddii aad awoodi waysid la xiriir takhtar ku taqasusay caafimaadka maskaxda isagaa kaa caawin doona insha'llah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26474
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: XANUUN MEESHA DHAXDA AH EE KU AADAN XUDUNTA ILAA ISKU WEERKA OO DHAN?

Started by SiihaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21471
Last post April 26, 2011, 06:57:47 PM
by Drkheyre
Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 44034
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47834
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29393
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc