Author Topic: Galmada Xilliga Uurka (Jawaabo Muhiim Ah)  (Read 250136 times)

0 Members and 5 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Galmada Xilliga Uurka (Jawaabo Muhiim Ah)
« on: January 02, 2009, 10:04:50 PM »

Maalmahaan, dadku waxay si ka fudud si kasta oo hore uga hadlaan galmada. Si kasta ha ahaatee, dadku mararka qaarkood way ka weji gabxaan iney ka hadlaan galmada iyo uurka waxaana laga yaabaa iney dhibaato ka qabsato iney su'aalo ku saabsan galmada ula yimaadaan takhtarkooda ama kalkaalisadooda. Sidoo kale, haweenka iyo ragguba inta badan cabsidooda iyo dareemmadooda iyagaa isku qarsada.

Haddii kani uu yahay ilmahaagii ugu horreeyey, waxaa laga yaabaa inaadan ogaannin in uurku uu yahay waqti dareenkaaga badalmo uu adiga iyo aabbaha ilmaha isu kiin beddelo. Waxaa laga yaabaa inaad dareento daal, niyad kacsanaan, farxad, diiqo, rajo, cabsi, hooyonnimo iyo qurux, lur iyo soo jiidasho la'aan. Aabbuhu, dhinaca kale, waxaa laga yaabaa inuu dareemo inuu ku faano inuu ilmo aabbo u noqdo ama uu ka wel welo mas'uuliyado cusub.
Waxaa laga yaabaa inuu dareemo inuu adiga iyo ilmaha kobcaya difaac idiin noqdo ama uu ka masayro culeys saariddaada uurka cusub.

Isbeddelladaan dabiiciga waxaa laga yaabaa iney saameeyaan sida uu midkiinba midka kale ka dareemayo iyo rabitaanka galmada. Shayga ugu muhiimsan ma ahan waxa aad dareemeysiin iyo sida aad ugu maleyneysaan inuu xun yahay, ee waa isla wadaagidda dareemmadaas. Sidaan, ayaad ku sameyn kartaan isbeddello si aad xiriirkiinna galmo uga yeeshaan mid labadiinnaba idiin wanaagsan.

Waxaa soo socda qaar ka mid ah jawaabaha su'aalaha ku saabsan galmada ee inta badan dhiba lammaaneyaasha ilmaha filanaya. Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid, ama haddii aad dhibaato galmo aad qabtid waqtiga uurkaaga oo aadan adinku xallin karin, talo weydiiso takhaatiirteenna adigoo kala soo xiriira emailkaan help@somalidoc.com. Inkastoo, laga yaabo inaad u maleyso in su'aashaadu ay tahay mid nooc ah, dadka kale waxay dhab ahaantii qabaan walaac kaas la mid ah.

Su'aalaha dhiba haweenka uurka leh

Miyey rabitaannadayda galmadu noqonayaan kuwo yar waqtiga uurka?
Ma jiraan labo haween ah oo dareema si isku mid ah waqtiga uurka. Haweenka badankoodu, uureysigu ma beddelo xiiseyntooda galmada.
Haweenka qaarkoodna, xakamaynta dhalmadu waxay u ahayd carqalad, isla markaana waxaa laga yaabaa inuu uureysigu u yahay waqti xorriyad. Waqtiyo dhowr ah, haweenka qaarkood ayaa laga yaabaa iney dareemaan iney "luminayaan qaabkooda iyo sida ay u eg yihiin" waqtiga uurka.
Qaar ayaa laga yaabaa iney ka fogaadaan galmada, iyagoo dareemaya rabitaanka oo aad u yar. Kuwa kale ayaa laga yaabaa iney doonayaan galmada iney lammaanahooda uga helaan dib u xaqiijinta inuu weli jecel yahay waxayna u arkaan mid soo jiidasho leh.
Haddii aadan xiiso u haynin galmada, kala hadal lammaanahaaga. Waxaa laga yaabaa iney lammaanahaaga ku adag tahay inuu fahmo haddii aadan kala hadlin.

Miyey galmadu wax u dhimi kartaa ilmaha?
Suuragal ma ahan in ilmaha ku jira ilmo galeenka wax loogu dhimo galmo sameynta. Biyaha uu ilmuhu ku dhex sabbeynayo, xuubka biyaha celinaya, caloosha, derbiga uur ku jirta, iyo lafaha sinta ayaa ka shaqeeya iney ilmaha ka dhowraan in la dhaawaco.
Haddii galmo sameyntu ay lur ama xanuun leedahay, kala hadal takhtarkaada.
Galmada waqtiga uurku maahan mid xanuun leh hadidi uusan xanuun kale jirin.

Ma waxyeello ayey leedahay in la isku biyo baxo (shahwad la isku daayo) waqtiga uurka?
Dad ayaa ka cabsi qaba arintaan iyagoo aaminsan in caruurta wax u dhibayso haddii sidaan la sameeyo laakiin shahwo waxyeello uma lahan ilmaha.

Intee ugu badan ayey galmadu ammaan tahay (dhibaato keeni karin) waqtiga uurka?
Inta ugu badan ee aad galmo sameyso adiga ama ilmahaaga idin saameyn meyso, ilaa inaad qabto dhibaatooyin halistoodu sarreyso mooyaane laguuna sheegay inaadan galmo sameynin. Lammaaneyaashu waxay isu tagaan marar kala duwan waxayna xataa ku kala duwan yihiin bil ilaa bisha kale.
Haweenka qaarkood ma xiiseeyaan galmo muddada saddexda bilood ee ugu horreysa uurka. Tan waxaa laga yaabaa iney ugu wacan tahay daalka iyo isbeddellada ku yimid hormoonnada. Dareemmadaanu waxay badanaa isbeddelaan saddexda bilood ee ugu horreysa markaasoo rabitaanka galmada iyo tamar korortay laga yaabo iney yimaadaan.

Galmo ma sameyn karaa waqti kasta oo uurka ka mid ah?
Galmada badanaa waa la oggol yahay inta uu uurku jiro oo dhan ilaa iyo dhowrka toddobaad ee ugu danbeeya. Takhaatiirta qaarkood waxay dareensan yihiin in waqtiga dhowrka toddobaad ee ugu danbeeya, galmadu laga yaabo iney keento xuub dillaac waqtigiisa ka soo hormara.

Takhaatiir badan ayaa dareen xooggan ka qaba jawaabta su'aashaan. Waxaa kuugu wanaagsan inaad raacdid talada takhtarkaaga.
Galmada waa in la joojiyaa waana inaad takhtarkaaga wacdaa haddii:
# Biyahaagu ay soo burqadaan ama galka biyuhu uu dillaaco.
# Uu dhiig hoostaada ka imaanayo.
# Aad xanuun xagga hoose aad ka dareento.
# Uu ilmo galeenku isku soo giigsamayo, isu soo ururayo ama fool waqtigeedii ka horreysa ku qabato

Haddii aan lahaa taariikh dhicis, weli galmo ma sii sameyn karaa?
Haddii aad lahayd uur dhicisoobay, waa inaadan galmo sameynin saddexda bilood ee ugu horreysa ee uurkaaga. Takhtarkaaga ayaa kuu sheegi doona inaadan raacin baabuur kac-kacaya ama inaadan ka qayb qaadan hawlo jir ahaaneed oo waaweyn ama jir dhis. Xannibaadahaan waxay mandheerta ka caawinayaan iney si ku filan ugu kobocdo si markaas uureysi guul leh uu dhaco.

Cadaadiska waqtiga galmadu wuu i dhibaa laakiin xanuun iguma hayo.
Haddii miisaanka lammaanahaagu uu ku dhibayo, in booska la beddelo ayaa caawin karta.

Aad ayey u adag tahay inaan lammaanahayga kala hadlo sida aan dareensanahay.
Marmar, ragga qaarkood jir ahaan "way damaan" waqtiga uurka lammaanahooda. Badanaa dareenku waa iska kumeel-gaar, waana inaan loo arag diidmo. Lammaanahaagu waxaa laga yaabaa inuu qabo walaacyo kale oo xoogaa ah iyo dareemmo isku dhafan oo ku saabsan uurka, kuwaasoo laga yaabo iney ka dhigaan inuu dhaqmo si aan kala jelcaan lahayn inyarna kuu nuglaado. Waxaa sidoo kale laga yaabaa inaad ku lug yeelato nolosha gudahaaga ku jirta taasoo laga yaabo inuu dareemo inaadan isaga dan u lahayn. Iskala hadla dareemmadaan.

Su'aalaha dhibaatada u keena aabbayaasha ilmaha filaya

Waxaan u baahanahay inaan galmo sameeyo, laakiin ilaa iyo markii ay uurka qaadday lammaanahaygu ma daneyneyso galmo, Tani waxay dhexdeenna ka abuurtaa xurguf. Maxaan sameyn karaa?
Waxoogaa qaab isu samir ah ayaa ah xalka ugu wanaagsan. Ka wada hadla dhibaatooyinka iyo dareemmada. Galmo sameynta inyar ama helidda wax la isaga jabiyo oo u baahan ka qayb qaadasho yar oo dhinaceeda ah ayaa laga yaabaa iney xal noqoto.
Mararka qaarkood haweenka way ku adag tahay iney dareemaan galmo markaasoo aysan dareensanayn inuu ku habboon yahay. U sheeg iney weli tahay mid soo jiidasho leh aadna jeceshahay iyadoo uur leh. Tan waxaa laga yaabaa iney qurux iyo xiiso ay ku dareento.

Markaan dareemo ilmaha oo dhaqaaqaya annagoo galmo sameyneyna, waxay dhammeysaa xiisaha aan u hayo galmada.
Waxaa laga yaabaa inaad ka wel welsan tahay in laga yaabo in ilmaha aad waxyeeshaan. Ilmuhu si wanaagsan ayuu u dhowran yahay isla markaana haraatida iyo is rogiddu shaqo kuma lahan hawshaada galmada. Haraatida ilmuhu waxaa laga yaabaa iney ku xusuusiso doorka lammaanahaaga ee sidii hooyo oo kale. Waxaa laga yaabaa inaad u dareento sidii qof saddexaad oo la socda galmadiinna. Waxaa laga yaabaa iney idin caawiso inaad isku daydaan boos kale si markaas aadnaan u dareemin dhaqaaqa ilmaha.

Haddii aad qabto su'aalo intaa ka badan, waad na soo weydiin kartaan.

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Sidee uurka looga hortagi karaa hadduu dhakhtarka ku taliyo?

Started by CeeblaaweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 75395
Last post June 28, 2015, 11:26:21 AM
by SomaliDoc
Su'aal: maxaa sababa gabadha uurka leh oo aan kaadida xejin karin?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 39620
Last post March 30, 2011, 01:35:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haween uurka laga joojiyay, masiin karaa plis 21?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 20432
Last post May 14, 2011, 10:14:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xulbadu maxay u tartaa hooyada uurka leh iyo ilmaha uurjiifka ah?

Started by FarhyaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25818
Last post July 05, 2016, 11:28:25 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa sababa xanuun ku yimaada raga xiliga galmada?

Started by Shamso MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 20662
Last post September 16, 2015, 02:20:23 PM
by SomaliDoc