Author Topic: Cad ka-qaadista (Biopsy)  (Read 15976 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cad ka-qaadista (Biopsy)
« on: December 25, 2008, 09:04:30 PM »
Biyobsi waa marka in yar laga gooyo xubin si shaybaar loo geeyo, oo loo baaro. Sida badan waxaa loo adeegsadaa baarista kansar. Qayb kasta oo jirka ah waa la baari karaa, sida haragga, xubin amase cuf. Sawir X-ray amase iskaan baa lagu ogaadaa halka la doonayo in lagu sameeyo Biyobsi.
Waxaana la samayn karaa mar qalliin la wado. Dhakhtarkaagu wuxuu eegi doonaa, oo kaala hadli doonaa, marka labaad ee uu kusoo booqdo, kuuna sheegi doonaa nooca daawaynta ah ee aad u baahnaan karto.
Haddii aad leedahay ellerji ood diiddo dawooyinka qaarkood, ama cuntada amase wax kaleba, u sheeg dhakhtarkaaga baaritaanka ka hor.
Haddii aad uur leedahay amase aad ka shakisan tahay, u sheeg dhakhtarkaaga baaritaanka ka hor.
Biobsiga fududi wuxuu qaadan karaa ilaa 15 daqiiqo.
Wuu ka badan karaa waqtigu haddii dhowr meelood lagaa baarayo, amase loo baahan yahay sawirro kala duwan.

Isu diyaarinta
• Ha cunin asbiriin amase ibubarafiin toddobaad ka hor marka lagaa qaadayo biyobsi.
• Kala tasho dhakhtarkaaga dawooyinka laguu qorey ee aad qaadan karto.

Inta uu socdo baadhitaanku
• Waxaa lagugu jiifin doonaa miis.
• Waxaa lagugu baari karaa raajo ama iskaan amase ultra-sound ah si loo ogaado halka lagaa goynayo.
• Waa la nadiifinayaa meesha.
• Dawo suuxdimeed ayaa la mariyaa meesha la goynayo. Xanuun baad dareemi kartaa.
• Marka la suuxiyo meesha, waxaa lagu mudaa irlbad yar si loo tijaabiyo.

Unugyo yaryar baa markaas laga soo gooyaa. Marmarka qaarkood inyar baa lagaa jeexi karaa.

• Haddii aad dareento wax dhibaata ah u sheeg dhakhtarka.
• Markaas baa laga saaraa irbadda.
• Waa la cadaadiyaa markaasaa lagu duubaa faashad. Haddii markaa lagu jeexay, waxaa lagu sameeyaa daawayn iyo tolmo.

Baaritaanka ka dib
• Waxaa laga yaabaa inaad bararto ama xanuunsato oo ay damqato halkii lagaa qalay.
• Haddaad u baahato waxaad adeegsan doontaa dawooyinka xanuun illowsiiska, kuwaasoo aanay ku jirin asbiriin.
• Dul saar baraf meesha lagaa qalay, si uu uga dhaco bararka iyo damqashadu. Ku hay barafka ilaa 20 daqiiqo, deedna ka daa barafka ilaa 30 daqiiqadood ugu yaraan.
• Iska ilaali 24ka saacadood ee hore dhaqaaq badan iyo inaad sare u qaaddo wax ka culus 5 rodol. Haddii aan si kale laguu tilmaamin, markaa wixii ka danbeeya noloshaadii caadiga ahayd baad ku laaban doontaa.
• Jawaabta baaritaanka waxaa loo dirayaa dhakhtarkaaga. Isaga ayaa dhakhtarkaagu kuu sheegi doona wixii ka soo baxay.

La hadal dhakhtarkaaga haddii aad leedahay:
• Dhiigbax, dheecaan, barar kordhayo iyo xanuun badan oo ka imanaya meeshii lagaa qalay
• Xanuun ay kaa joojin waayeen dawada xanuun illowsiintu

Haddii aad wax su’aal ah hayso, halkaan ka weydii.


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Woman Who Had Both Breasts Removed After Biopsy Error!!

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 4
Views: 6913
Last post October 07, 2007, 01:55:13 AM
by Pharmacist
Su'aal: Waqtiga uur qaadista?

Started by XaraffBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8679
Last post October 31, 2016, 05:15:10 PM
by SomaliDoc
Dheecaan ka qaadista Dhuuxa Lafta (Bone marrow biopsy)

Started by SomaliDocBoard Radiology & Medical Imaging

Replies: 0
Views: 23571
Last post December 12, 2008, 11:22:31 AM
by SomaliDoc