Author Topic: Su'aal: Tolmada firconiga haddii la furo ma loo galmoon karaa?  (Read 2684 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdikaadir

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
GABADH QODABKII FIRCOONIGA LAGA FUREY OO NABARKII KU YAALO MA LOO GALMOON KARAA?
AC marka hore waad mahadsan tahiin Dhakhatiirta bulshada Somaliyeed ka haqabtirey mawduuca Caafimadka intaa kadib waxaan jecelahay inaan idinla wadaago dhacdo wiil aanu sxb nahay ku dhacdey, Ahmed waa inan aanu sxb nahay waxuu guursadey sadex cisho ka hor

waxuuna guursadey Gabadh si xun loo qodbey (fircooni) waliba si xun loo qodbey, habeenkii aqalgalkooda aya waxaa gabadhii laga furey lix qodob kor iyo hoos ah hablahii kalkaalisooyinkana waxay ku yidhaahdeen si aanu mar labaad isku xidhin waa inaad isla caawaba howshaada qabsataa markaa inantii nabar baa ku yaala dhiigna wuu ka socdaa Ahmedna wuu yaaban yahay waxuuna ka baqanayaa inuu mar labaad is qabsado inantiina nabar baa ku yaala markaa diktoore maxaa xal ah?