Author Topic: Kombuyuutarka Uurka (Ultrasound)  (Read 33081 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Kombuyuutarka Uurka (Ultrasound)
« on: January 07, 2009, 02:28:10 PM »
Ultrasound waa baaritaan isticmaala mowjado dhawaaq si loo eego ilmahaaga, ilmo galeenka iyo mandheerta. Waxaad awoodi doontaa in aad maqasho garaaca wadnaha ilmahaaga isla markaana sawirro ayaa lagu arki doonaa shaashadda.
Ultrasound ma ahan raajo xanuunna ma keento. Baaritaankan wuxuu qaadanayaa ilaa iyo 20 daqiiqadood waxaana lagu sameyn doonaa xafiiska takhtarkaaga ama rugta caafimaadka.
Ultrasound waxaa loo isticmaalaa si:
• Loogu hubiyo taariikhda dhalidda.
• Loogu hubiyo koritaanka iyo miisaanka ilmaha.
• Loogu arko haddii ay jiraan wax ka badan hal canug.
• Loogu eego calaamadaha cilladaha lagu dhasho. Haddii ay muujiso in ay jiri karayaan cillado lagu dhasho, baaritaanno kale ayaa la sameyn doonaa.
• Loogu eego sababaha dhiig baxa ama dhibaatooyinka kale keena.
• Loogu hubiyo booska ilmaha goor danbe oo uurka ka mid ah.
Inkastoo ilmahaaga laga yaabo in la arko in wiil iyo gabar yahay, ultrasounds looma sameeyo in lagu ogaado jinsiga ilmuhu uu yahay. Waxaa lagu weydiin doonaa
haddii aad dooneysid in aad ogaatid jinsiga uu ilmuhu yahay haddii ultrasound la sameeyo. Ultrasound mar kasta ma muujiso jinsiga uu ilmuhu yahay.

Si aad isu diyaarisid
• Waxa laga yaabaa in lagaa codsado in aad cabtid 1-2 koob oo ah biyo ka hor baaritaanka si kaadi-haystaadu u noqoto mid buuxda. Haddii ay buuxdo, ha kaadin ilaa ka dib baaritaanka.

Waqtiga Baaritaanka
• Waxaad ku seexan doontaa miis iyadoo calooshaadu aysan daboolneyn.
• Gel diirran ayaa maqaarka lagaa marinayaa. Bir ayaa lagu kala fidinayaa gel-ka si sawirro loo qaado.
• Waxaad awoodi doontaa in aad sawirrada ka aragto shaashadda.
• Shaqaaluhu waxay kaala hadli doonaan wax ku saabsan sawirrada.

Haddii aad wax su’aalo ama walaac ah qabto, halkaan ka weydii
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Yaasiin

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Kombuyuutarka Uurka (Ultrasound)
« Reply #1 on: June 18, 2011, 12:11:54 AM »
salaan kadib imasa bilood baa kubuyutarka uurka naagta lasaari karaa sida noormalka u ah wax uusan cunuga kadhibeyn waxaan maqlay shucaaca baa caruuurta lagu dilaa

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Kombuyuutarka Uurka (Ultrasound)
« Reply #2 on: June 20, 2011, 01:09:46 PM »
Ultrasound ama Kombuyuutar sida soomaalida u taqaanno waa qalab aan wax dhibaato ah u geysanayn uurjiifka, wax shucaac ahne ma lahan.
Marka ugu horreyso oo la saari karo waa uurjiifka markuu 6 illaa 10 isbuuc jirsado, marmarka qaar waxaa laga sameeyaa xagge hoose ee haweenta uurka leh (vaginal ultrasound technique).
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Sidee uurka looga hortagi karaa hadduu dhakhtarka ku taliyo?

Started by CeeblaaweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 75388
Last post June 28, 2015, 11:26:21 AM
by SomaliDoc
Su'aal: maxaa sababa gabadha uurka leh oo aan kaadida xejin karin?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 39616
Last post March 30, 2011, 01:35:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haween uurka laga joojiyay, masiin karaa plis 21?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 20429
Last post May 14, 2011, 10:14:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xulbadu maxay u tartaa hooyada uurka leh iyo ilmaha uurjiifka ah?

Started by FarhyaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25814
Last post July 05, 2016, 11:28:25 AM
by SomaliDoc
haweenka uurka leh dawooyinka antibiotics-ka dhib ma u keenaysaa?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32359
Last post June 22, 2009, 08:13:49 AM
by Cmqalinle