Author Topic: Cuntooyinka ay Birtu ku Badan Tahay  (Read 48395 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Cuntooyinka ay Birtu ku Badan Tahay
« on: January 08, 2009, 08:51:44 PM »


Iron ama bir ama feero waa nafaqo lagama maarmaan u ah dhismaha iyo helidda dhiig caafimaad leh.
Quudka muhiim ayey u tahay maxaa yeelay waxay door ka cayaartaa sameynta maadada hemoglobin, waa qayb ka mid ah unugga dhiigga guduudan, ee jirka siiya ogsijiinta. Haddii kaydkaaga birtu hooseeyo, waxa laga yaabaa inaad dareentid daal badan oo aad arag dillaatid sidii qof bukka oo kale.
Aad isbitaalka haddii aad u maleynaysid in kaydkaaga birtu hooseeyo.

Cuntooyinka Birta ama Feerada Qaniga ku ah:
  • Hilibka: Hilibka lo'da, digaagga maqaarka leh, shellfish, kalluunka, beerka iyo kilyaha
  • Jaallaha ukunta: Aad ayey dhiig yarida ugu fiican tahay
  • Digirta la engejiyey, digirta kala dhanbalan iyo digirta cagaaran
  • Khudradda caleenta cagaaran sida bagalka iyo ansalaatada
  • Furutada la engejiyey sida sabiibka iyo ananaaska
  • Naatiska iyo dufanka looska
  • Miraha sida siiriyaalka birta lagu xoojiyey, rootiga feerada lagu daray, rootiyada mirihii oo la isku wada shiiday ah

Jirkaagu wuxuu birta ama feerada cuntooyinka xoolaha uga soo nuugaa si ka fudud cuntooyinka geedaha. Si aad jirkaaga ugu caawiso inuu birta ka soo nuugo geedaha, cuntada ku darso Fitamiin C. Waxyaabaha Fitamiin C laga helo waxaa ka mid ah: furutada ama casiirka burtuqaalka, yaanyada, qaraha, istarowbari, khudradda iyo furutada inta badan midabkoodu xooggan yahay. Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Fitamiinnada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html
Cuntooyin ka dooro dhammaan kooxaha cuntooyinka kuna darso cunno birtu ama feeradu ku sarreyso ugu yaraan hal mar maalintiiba.

Halkaan ka akhriso cashirka Dhiigyarida iyo Astaamada lagu garto

http://somalidoc.com


Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!


Offline Towfiiq

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Cuntooyinka ay Birtu ku Badan Tahay
« Reply #1 on: January 11, 2009, 04:44:06 PM »
Qoraal wax-tar leh.

Thanks

Offline Jamaal

  • Newbie
  • *
  • Posts: 11
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Cuntooyinka ay Birtu ku Badan Tahay
« Reply #2 on: September 05, 2009, 05:26:54 PM »
Thanks brth


 

Su'aal: Dhidka badan iyo Cabsida"xishoodka"?

Started by AhmeddaahirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15847
Last post October 19, 2016, 06:58:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxan qabaa cabsi ah in aan dadka ka cabsado sida meelaha dadka badan joogan?

Started by FaraxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21110
Last post May 11, 2011, 04:28:24 PM
by Shenamic
Su'aal: Birta dhiiga oo badan? Wareega dhiiga oo yar? Qufac markii aan ordo?

Started by DurdurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15534
Last post May 19, 2011, 08:49:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jiraa Natural Viagra - Maadaama Kiniiniga Viagra Dhib-badan yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 78266
Last post August 12, 2015, 01:45:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cuncunka inta u dhaxaysa labada biri ee dilac yar oo xanuun badan wata?

Started by AyanitaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48105
Last post November 17, 2009, 07:36:08 PM
by SomaliDoc