Author Topic: Su'aal: Lugo Qallooc Qandho iyo Xanuun Leh?  (Read 15241 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Towfiiq

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Lugo Qallooc Qandho iyo Xanuun Leh?
« on: January 10, 2009, 08:25:14 PM »
ASALAMU ALEYKUM WB

Marka hore waxaan u mahadcelinayaa dhalinyarada isku xil saartay habsami u socodka Site-kan oo wax tar weyn u ah dadka soomaaliyeed.

Marka xigta, walaal, Magaceyga waa Yusuf Ali, 3 Bil ka hor waxaa telefon iga soo wacay gabar aan qabo oo degan Magaalada Muqdisho, waxay ii sheegtay in wiil aan dhalay uu xanuunsanayo, Qandho Badan, Habeenkii uu aadaarayo, Tilmaamayana inay xanuunayaan Lafaha (Lugaha) dhowr dhaqtar ayaa loo geeyay waxay u soo qoreen daawooyin ay igu sheegtay xanuun baabi,ye iyo Fitimin.

Wiilkii 1-Bil kadib wuxuu keenay in muuqaalka Lugaha ay is badalaan, Lugaha ay soo godmaan (Jilbaha ay isku yimadaan) Soomaalida waxay yiraahdaan DALBO, dadka marka ay soconayaan jilbaha isku xoqa (Lakiin sawir ay ii soo dirtay ayaan ka naxay wiilkii) xiligan wax xanuun ah ma jiraan lakiin muuqaalkii wiilka lugaha waa is badaleen, waxaan ka baqayaa in cudurkan intaan uu ka sii weynaado.

Bal hadii aad wax fikrad ah ka heysiin, ama aad waydiin kartaan dhaqaatiirta halkan ku jirta ama aad saaxiibta tihiin inaad iga siisaan jawaab ama talooyin aan kula dhaqaaqo wiilkaas.

Mahadsadiin
Yusuf Ali




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Su'aal: Lugo Qallooc Qandho iyo Xanuun Leh?
« Reply #1 on: January 11, 2009, 12:23:37 AM »
Welcome Towfiiq!.

Waxaa jiro cudur lagu magacaabo "Gedef" oo ku dhaco ilmaha da'doodu u dhaxeyso 9 bilood illaa 3 sano, inkastoo dhici karto in intaa uu ka bato.
Calaamadaha ugu caansan cudurkaan waxaa ka mid ah: madaxa oo weynaado, maqaarka oo jilco, caloosha oo weynaato, kala goysyada oo bararaan, gacmaha ama lugaha oo qalloocdaan.
In feeraha ay adkaadaan taasoo saabka ka dhigeyso mid hore u soo baxsan.
Qasab maahan in calaamadahaan oo idil laga helo hal qof, laakiin qaar ayaa ka soo muuqan karo.

Cudurkaan maahan mid qatar ku ah nolosha caruurta inkastoo uu keeni karo curyaannimo ama qalqallooc lafaha khaas ahaan kuwa lugaha, gacmaha iyo lafdhabarta oo joogto ah.
Waxaa cudurkaan uu ka dhashaa fitamiinka loo yaqaannoo "D" oo ku yaraado jirka.

Inta xanuunkani uusan keenin qallooca lafaha waxaa ka horreeya barar kalabaxyada ah, xanuun, dikaan iyo qandho.

Waxaa lagu daaweeyaa cudurkaan in xanuunka laga jabiyo caruurta lana siiyo fitaamiinno, laakiin waxaa jira nooc ka mid ah gedefka loona yaqaanno (Vitamin D-resistant Rickets) oo macnaheedu yahay Gedefka fitaamiinka waxba ka tarin, noocaan oo ah mid si dhakhso ah u keeno lagu qallooca oo ladaba dhinacba u qalloo cin karo.

Haddii marka cudurkani ku dhacayo cunugga uu yahay socod barada lugaha way godmaan oo waxay u ekaadaan qaanso camal (Bowlegs)
Laakiin ilmaha ka weyn ama ka yar intaa waxay yeeshaan "Dalbo".

Ma jiro daawo ama qalliin lagu sixi karo qallooca ay keento gedefka haddii cunuggu uu la weynaado.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan "GEDEFKA" http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1139.0.html

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah, halkaan ka weydii
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Towfiiq

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Lugo Qallooc Qandho iyo Xanuun Leh?
« Reply #2 on: January 11, 2009, 04:28:19 PM »
Mahadsanid, Walaal

Aad ayaana u fahmay dhamaan qoraalkii-dii, Cunuga wuxuu jiraa 3.sano, Netka ayaan ka raadiyay sawir u eg muuqaalka cudurka aan ku arkay cunuga, waana kan.



Muuqaalka Cunuga waa sawirka I (Fig I),

Daawada hadii ay tahay kaliya fitaamiinno D, Ma jiraan cuntooyin laga heli karo Fitamiinadaas D ah..

Warbixinta ku lifaaqan sawirkana waa kan, (English)

http://www.orthoseek.com/articles/bowlegs-kk.html

Mar labaad waad mahadsan tihiin
Yusuf Ali

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Lugo Qallooc Qandho iyo Xanuun Leh?
« Reply #3 on: January 13, 2009, 10:21:14 PM »
Cunnooyinka laga helo fitamiin "D"-ga waa:
1- Caano
2- Kalluunka noocihiisa kala duwan
3- Beerka
4- Jaallaha ukunta
5- Farmaajada
6- Siiriyaalka

FG: Waxaa kaloo muhiim ah in caruurta ay helaan ileys qorax si fitamiinka jirkooda uga faaideysto.

SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33218
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32248
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23442
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41570
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29373
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc