Author Topic: Minka oo banaanka u soo baxo (Uterine Prolapse)  (Read 34592 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Ifrah

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Minka oo banaanka u soo baxo (Uterine Prolapse)
« on: January 11, 2009, 02:51:36 AM »
asc daqtarkeena soamliyeed waagabar horay su,aal aad ugusoo jawaabatay wallahi jawabtiina ad ugu riyaaqay  waana kaaga mahad celnyaa waxan qaba su,aal ah minkayag oo wax yaroo kamid ah ay baanaanka yalla markaan kuu qiyaaso waaxubinta suulka intiisa horeoo kale maogi wax u sababa ah waxa dhalay 3 canug oo isku xigxiga  mid walbo waxan u dhalay si caadi ah hada ilaa kan iigu wayn oolaygusoo jiidaymahee hada kan iigu yar waa 10bilood intaas ayaan sidan minka banaanaka u yalaa marka dr waxan rabay maxa xal ah dhaqatiirtaan waxay igu dheheen marka waxan ku dayaynaa inaad samaysid jimcsi si murqahaaga u adakaadaaan oo minku isu uruuriyo lakin taas wax kasoo naaso acad malahaan  marmarka qaar xoogaa kor ayuu u noqdaa mararbadan hoos ayuu usoo degaa wax dhib  oo aan ku qabo majirto hada lakin ba maxatalo??? aad baan kuugu  mahada celenaya dr




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal kusaaabasan minka ama ilmogalenka
« Reply #1 on: January 13, 2009, 11:32:26 PM »


Waa maxay soo raaraacsiga minka?
Soo raaraacsashada minka ama waxa loo yaqaanno (Uterine Prolapse) waa xaalad minka uu ka soo durqo booskiisii lagu yaqiinnay una soo dhaadhaco hoos isagoo ka soo muuqan karo xubinta dhalmada ee haweenka.

Haddii minka uu soo muuqdo uuna soo gaarin siilka waxaa loo yaqaannaa "raaraacsasho aan dhameestirneen" laakiin waxaa dhici karta in uu soo wada baxo uuna noqdo mid dhameestiran.

Maxaan dareemi karaa / doonaa?
Badanaa xaaladaha sahlan ee min soo raaraacsiga haweenka wax calaamado iskuma arkaan inkastoo qaarka kalane ay dareemi karaan calaamadahaan hoos ku xusan:
1- cadaadis iyo culeys miskaha ah
2- Xanuun dhabarka iyo caloosha qeybteeda hoose
3- Xanuun waqtiga galmada
4- Caabuq kaadi heysta oo soo noqnoqdo
5- Dareerto siilka ah
6- Saxaro adeyg
7- Xanuun markii la kaadinayo
8- Kaadida oo baxsato ama dagdagsiiyo kaadi

Maxaa keeno soo raaraacsiga minka?
Minka waxaa ku hayo booskisa murqo iyo seedo xoog badan oo ilaah ugu talo galay, wuxuuna soo bixi karaa kaliya markii uu ku yimaado dabacsanaan taasoo keeni karto in ay sii xajin waayaan minka uuna hoos u soo laalaadsamo:
1- Duqoobista waxay keentaa murqo dabacsanaan jirka oo dhan taasoo ay ku jirto murqaha xajiya minka
2- Dhaawac gaaro haweenta xilliga dhalmada (weliba kuwa dhasoyda ah ama kuwa dhalay ilmo waaweyn)
3- Waxyaabo kaalmeyn kara in murqaha dabacsan ay soo raaracsamaan sida Cayilka, Qufaca iyo Jiirashada.

Yuu ku dhacaa soo raaraacsiga minka?
Wuxuu ku badanyahay haweenta dhashoyda ah ama haweenta dhalmo-deyska ah (Tanoo ka dhalato markii ugxansidaha uu hawlgabo isagoo joojiyo soo deynta hormoonka "Istirojiin" oo xoojiyo murqaha minka.)

Ma badantahay xaaladdaan?
Aad uma badno laakiin waxuu qofka jaaniskiisa siyaadaa markastoo da'diisa kororto.

Sidee lagu ogaadaa soo raaraacsiga minka?
Waa in dhakhtarka uu sameeyo fiisito miskeed isagoo dareemi karo inta uu soo baxsanyahay minka.

Sidee loo daaweeyaa raaraacsashada minka?
Daaweynta waxaa loo kala qaadaa qalliin iyo qalliin la'aan, iyadoo ay ku xirantahay heerka uu gaarsiisanyahay raaraacsiga minka.
Daaweynta aan qalliinka aheyn
1- Jimicsi: waxaa jiro jimicsi loogu talo galay adkeynta murqaha miskaha oo lagu magacaabo "Kegel Excercise", kani wuxuu noqon karaa daawada kaliya ee la isticmaali karo markii ay xaaladdu tahay mid sahlan (Sida loo sameeyo jimicsigaan waxaan uga hadli doonnaa qoraal gooni ah)
2- Qalab ka sameysan cinjir oo lagu taageero minka surkiisa (farraatiga) si uusan u soo dhicin, waa qalab joogto loo gashanayo, si joogto ahne loo nadiifinayo, waana in la iska siibaa galamo walbo ka hor.
3- Haweenka dhalmo deyska ah waxaa la siiyaa hormoon maadaama uu ka maqan yahay hormoonkii aan kor ku soo xusnay.
Daaweynta qalliinka ah
1- Saarista minka, waxaa la sameeyaa markii minka oo idil ka soo baxo booskiisa. (uur ma jiri doono haddii la bixiyo minka)
2- Minka oo lagu celiyo booskiisa iyadoo la adkeynayo seedahiisa laguna qabanayo shakaal loogu tala galay.

Maxaa dhibaato ay keeni kartaa soo raaraacsashada minka?
Haddii aan la daaweyn waxay carqaladeyn kartaa kaadinta, saxaro dhigidda iyo galmadaba.

Ma laga hortagi karaa raaraacsiga minka?
Waxaa jirto dhawr tillaabo oo haddii aad sameyso iska yareyn kartid khatarta cudurkaan:
1- Culeyskaaga xakamey
2- Samey jimicsi joogto ah 'Kegel Excercise'
3- Cun cunno isku dheeli tiran.
4- Jooji sigaar cabidda
5- Haddii aad dhalmo goysay isticmaal daawooyinka lagu badalo hormoonka (HRT)
6- Ha qaadin culeys xad dhaaf ah leh
7- Haddii aad leedahay qufac joogto ah iska daaweey.

Haddii aad qabto su'aalo caafimaad iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ifrah

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
su,aal kusaaabasan minka ama ilmogalenka iyo mar kale??
« Reply #2 on: January 17, 2009, 12:36:15 AM »
asc warwab   dr aad &aad baad u mahasantahay   waa helay jawaabtaadii waxaan rabay inaan  kuu sheego waxa ku jiratay jawaabtadii  dr in duqnimada ay ka mid tahay sababt soo raariciso minka iyo islaanta dhashoyda ah  marka aniga ahaan waxan ahay 28 jir waxaan dhalay 3 caruur ah waxaan  rabay dr inaan ku waydiiyo maxa dhacaya hadii aan uuur ku qaado sidan ma inaaan soo daadiyaa mise xal kale walaheli karaa maxa yeelay shaki inaan uur leeyahay ayaa jira mide kale hada xanuun kuma qabo dhaqtarkayga ay i sheegay inay waxani yihiin minkaygi waa wax yar ooo gacanta taabanayso marakaan ku qiyaasana waa suulka xubintiisa hore ookale  markale aad baan kuugu mahadacelnayaa asc

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal kusaaabasan minka ama ilmogalenka
« Reply #3 on: January 19, 2009, 12:51:36 AM »
Insha'allah wax dhib ah arki maysid ee ilmaha ha iska soo daadin.

Raac tallaabooyinka aan kuu sheegay lana xiriir dhakhtarkaaga.

Mahadsanid.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Nimco Jama

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Minka oo banaanka u soo baxo (Uterine Prolapse)
« Reply #4 on: June 07, 2016, 07:41:50 PM »
Asc walalayal waxan idin waydiiyay makaanka dumarka zise ma leeyahay cabirkiise se mala ogaan karaa dumarkuse miyay kala makaan waynyihin dhakhtar aan u tagay hada ka hor ayan jawabta ka shakiyay makaankaygu inu dhanka bidixda u yaryahy ayana is moodsiiyay dr i fahfahi cabirka makaanka intu le eg yhy

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Minka oo banaanka u soo baxo (Uterine Prolapse)
« Reply #5 on: June 23, 2016, 12:19:11 PM »
Cabirka makaanka wuu kala duwanaan karaa, waxayne ku xiran tahay in hooyada horay u soo dhashay iyo in kale.
Badanaa haweentu marka aysan dhalin, cabirka makaanka waxaa lagu qiyaasaa 7.5 cm dhirir iyo 4.5 cm ballac.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Maxaa keena inuu sanka korkiisa finan yar oo malax ku jirto kasoo baxo=?

Started by CfatahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23364
Last post June 16, 2009, 10:44:01 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Wuxuu igu dhahay waxaa MINKA kaga yaal nabar?

Started by UmmbishaarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6893
Last post April 11, 2016, 01:03:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa Sababa Cuncunka Minka/farjiga dumarka ?

Started by MayusufBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 22517
Last post July 08, 2015, 04:39:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Minka hadi uu furanyahay uurna aan jirin ma ciladbaa?

Started by Umu caaishaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6340
Last post March 25, 2016, 10:11:57 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Minka waxaa kaga yaallo Fibroid?

Started by Faarah 1988Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 5776
Last post January 15, 2018, 05:51:02 AM
by Akhaa Binu Jowhari