Author Topic: Su'aal: Hilmaanka iyo Xifdin La'aanta Caruurta?  (Read 40275 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Mahamoud

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Hilmaanka iyo Xifdin La'aanta Caruurta?
« on: January 14, 2009, 09:35:25 AM »
scwwb,walaalayaal salaan kadib waxan jeclaan lahaa inaan halak addinka soo gudbiyo sulaal ku saabsan, xifdilaan ,
waxa jira wiil dadiisa jirta 9jira ah , wiilkaasi mudo haddeer laga joogo waxa uu soo gabayaa xifdiga , qraanka ama maadooyinka kale , waayo sanad illaa sanab iyo badh ka hor waa fiicana waxa loosoo dhiga ama casharkii loosheego waa xafidi jiray hadderse , hadder haddad u mariso ama ukhrido casharkii , maba xafidayo , waan ku wareeray ,,
xanuun uu qabaana majiraan , haddaanay ahay waxkhti hore ayuu waxa uu kasoo dhacay Dariishad, ama Daaqad isagoo ciyaala oo jira 3jira -,kabacdi marmarka qaar waxa uu keenee san-goror mudo dhexe hadder waaka joogasay mudo dheer muu gororin , markii soo dhacayna waxa uu dhulka ku dhiftay wejiga ama fooda madaxa markaa lafteeda wax ka yimi dhiigbadan , markaa waxaan jeclaan lahaa anigoo aan ku ogayn dhibkale oo an u asteeyo aan ahay fooda wejigaa wakhtigaa uu wejiga udhacay ciladkale ama wax kale oo kudhacay majiraan ,
markaa walaal illaahay cilmiga hadiin siyaadiyeen suashaas iiga soo jawaaba addinkoo mahadsan , wabillaahi tawfiiq by scww






Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Hilmaanka iyo Xifdin La'aanta Caruurta.
« Reply #1 on: January 16, 2009, 12:59:01 AM »


Dhibaatooyinka hilmaanka ama wax xifdin la'aanta ee caruurta waa mushkilo soo waajahdo waalidiinta iyo macallimiinta.

Waa dhibaato laga dareemo dhibcaha uu ardayga ka keeno iskuulka ama xifdinta quraanka ee dugsiga.

Hadii cunuga waxbarashadiisa uu horay ugu fiicnaan jiray, wixii loo akhriyane uu xifdin jiray, haddane uu is badalay waxay u baahan tahay waraysi iyo u fiirsasho dheeri ah, sababtoo ah isbadakaas degdegta ah waxa ugu badan ee keeno waa cillad nafsi ah oo cunuga ku soo korortay.
Waalida iyo macallinkaba waa inay u foojignaadaan isbadallada ku dhaca caruurta si ay u waraysteen una ogaadaan haddii ay wax jiraan.

Waxyaabo badan ayaa keeni karo in la arko arrintaan waxaana ka mid ah:
  • In jawigii dugsiga ama guriga is badalay
  • In qaabkii waxa loogu akhrin jiray is badaly
  • In dugsiga ama iskuulka uu dhib ka haysto tusaale: macallin ama arday uu dhibsanayo
  • Inuu tartan kula jiray caruur kale oo ay ka kormareen taasoo niyad jab ku abuurtay
  • In casharkii uu xifdin jiray uu batay ama meelo ay ku adag tahay xifdinteeda inuu marayo
  • In niyad jab ama welwel uu jiro, taasoo diirad saarista ka luminayso
  • In saacadaha uu hurdo ay yar tahay
  • Inuusan haysan waqti uu ku nafiso, maxaayeelay waalidiinta qaar ayaa waqtiga caruurtooda oo idil buuxiyo
  • In cunuga culeys ka saaran yaha iskuulka, maadaama caruur badan ay iskuul iyo dugsi isku dhigtaan.

Waxaan aaminsanahay in ay sahlanaan doonto xallinta mushkiladaan haddii aad waraysi fiican la yeelatid cunugaaga ama macaalliinkiisa.

Haddii aan u soo gudbo su'aashaada, iima muuqato wax dhibaato jir ahaaneed oo u keentay wiilkaaga xifdin la'aanta.
Daaqadda uu ka soo dhacay 6 sano ka hor xiriir toos ah lama laha xifdin la'aantaan soo korortay maxaa yeelay jugta mar hore ayay ahayd, in muddo ahne wuu fiicnaa.

Talooyin:
Waxyaabaha aad dooneysid in cunugga kuu xifdiyo, in ku filan oo maskaxdiisu qaadi karto u akhri, markuu xifdiyo in kale ugu dar kadibne ka wada dhageyso. (taasi waxaan ula jeedaa in qaabkii hore aad badashid, maxaa yeelay sida muuqato waxaad jeceshahay in sidii hore uu u xifdiyo laakiin haddii aysan suurta galaynin inta uu awoodo hadda u akhri.

Waxaa kaloo muhiim ah in caruurta la dhiirageliyo, niyadda loo dhiso mar walba ay wax xifdiyaan, taasi waxay sare u qaadaysaa hammigooda, inay wax xifdiyaan way isku khasbayaan, awood xifdin dheeraad ah in ay la soo baxaan ayaa dhici karto.

Hana ku taxallujin waqtiyada qaarkood in uu wax xifdiyo sida markii caruurta kale ay fasax ku jiraan ama ciyaar ku maqan yihiin, maxaayeelay maskaxdiisa ma joogto oo ciyaartiii saaxiibadiis ayuu ku maqan yahay.

Ka ilaali cunugaaga niyadjabka, ha ku tilmaamin in uu noqday qof madax adag, dabaal ama doqon ama quraankane neceb, tani waxay keensan kartaa dhibaato kale oo ah in uu noqdo qof waxbarashada diido, una arko waxbarashada wax aad u dhib badan lana baran karin.

Haddii ay wax is badali waayaan muddo 3 bil gudahood markaa tallaabooyinkaan qaadid ka dib, waa la xiriiri dhakhtar caruurta ah si loo waraysto, loona qiimeeyo xaaladiisa, waxaa laga yaabaa in waxyaabo aadan dareemi karin in uu dhakhtarka ka dareemo cunugaaga.

Akhriso waxa dhalinyada u keeno Hilmaanka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4524.0
Haddii aad qabto su'aalo kale, ku soo gudbi qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 23637
Last post September 06, 2011, 09:46:03 AM
by SomaliDoc
FILIN: Faaidooyinka Kala Durkinta Caruurta (Child Spacing)

Started by AdminBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 33884
Last post November 08, 2009, 04:38:03 PM
by Admin
Su'aal: Vitamin C, Haddii Caruurta aad loo siiyo, Dhibaato mise Faa'iido?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10460
Last post October 12, 2017, 02:47:38 PM
by SomaliDoc
Tilmaamtaada Ee Uurka Caafimaadka Leh, Dhalmo iyo Daryeelka Caruurta

Started by ShenamicBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 2
Views: 23569
Last post January 27, 2015, 12:58:16 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Caruurta isku kaadisa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14102
Last post August 21, 2011, 03:10:50 PM
by SomaliDoc