Author Topic: Maxaa sababa kabaabyada?  (Read 91675 times)

0 Members and 7 Guests are viewing this topic.

Offline Nasra

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Maxaa sababa kabaabyada?
« on: January 15, 2009, 11:23:06 AM »
Waxaa in mudo 3 maalin i kabaaban farta bidix oo aan ka dareemayo kabaabasho oo faraha kale ka duwan marka fadlan ii soo sheega waxa sababta ay farta kabaabashada uga baa bi'i la dahay? iyo Waxyaaba keena kabaaabashada?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Maxaa sababa kabaabyada?
« Reply #1 on: January 15, 2009, 09:57:52 PM »


Kabaabyada ama kabuubyada (Paraesthesia / Tingling / Pricking / Numbness / Pins & Needles sensation) waa dareen qofka ka dareemo maqaarka.
Dareenka kabuubyada waxaa loo kala qaadaa mid joogto ah iyo mid ku meelgaar ah.

Kabuubyada aan joogtada aheyn waxay u badanyahay gacmaha iyo lugaha, waxayna ka dhalataa cadaadis la saaray dareen side (nerve) taasoo ka dhalanaysa in dareenka uu ka tago qeybta neerfahaas uu dareenka siinayay.
Dareenka wuxuu si aayar ah ugu soo laabtaa gacanta ama lugta la cadaadiyay in muddo ah ka dib.
Waxay kaloo ka timaadaa kabuubyadaan haddii aad iska joojisay daawooyinka qaar ka mid ah oo aad qaadan jirtay sida "Paroxetine ama Fluoxetine".

Kabuubyada joogtada ah waxay tilmaamaysaa in ay jirto:
  • Dhibaato xag neerfo ah
- Akhriso waa maxay Neerfe / Neerfo?: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5549.0
  • Dadka waayeelka ah in qulqulka dhiigga ee lugaha iyo gacmaha uu laciifo
  • Nafaqo darro iyo yaraanshada fitamiinnada qaar sida fitamiin B5 iyo B12.
  • Cudurrada kala ah: Sonkorowga ama Macaanka, shaqo yarenta qanjirka troodhka.
  • Jirro kala goysyada ah oo dhaawacday neerfo sida roomaatiisamka, xanuun ku dhaco jalaqda una badan dadka kumbuyuutarka aadka u garaaco "Carpal Tunnel Syndrome".
  • Dhaawac toos ah oo ku dhaco neerfaha.

Waxaa kaloo jiro cillado kale oo badan oo keeni karo kabuubyada sida:

Haddii kabuubyada ay noqoto mid joogto ah waxaad u baahantahay in aad la xiriirtid dhakhtar guud si uu u kala sooco cudurradaan aan kor ku soo sheegnay, kadibne daryeel u heshid

Badanaa kabuubyada ku dhacdo gacmaha iyo lugaha waa mid ka dhalatay cadaadis ku yimid neerfo, khaas ahaan sida aad sheegtay in ay tahay kabaabyo kaa heyso far kaliya.
Bal gadaal u fikir ma jiraan cadaadis dhawaanahaan aad saartay fartaada tusaale ahaan in aad imtixaanno ka shaqeynaysay oo qalinka cadaadis kaa saaray farta ama suxulka aad meel ku dhufsatay ama cillad kale ay jirto

Haddii aad qabto su'aalo kale oo dheeraad ah halkaan ku soo gudbi: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Nasra

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Maxaa sababa kabaabka?
« Reply #2 on: January 26, 2009, 06:15:11 PM »
Waa mahadsantahay dhakhtar, Weli farta wee i kabaabsantahay xataa farta ku xigta ayaa hadane kabaab soo bilaabeyso, ma jiraan wax daawo ah oo joojiya kabaabyadaasi? Fadlan iisoo qor jawaab deg deg ah.

Offline Nasra

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Maxaa sababa kabaabka?
« Reply #3 on: January 26, 2009, 06:18:26 PM »
Waadna ku mahadsantahay Dhakhtar

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Maxaa sababa kabaabka?
« Reply #4 on: January 28, 2009, 09:28:57 PM »
Waa mahadsantahay dhakhtar, Weli farta wee i kabaabsantahay xataa farta ku xigta ayaa hadane kabaab soo bilaabeyso, ma jiraan wax daawo ah oo joojiya kabaabyadaasi? Fadlan iisoo qor jawaab deg deg ah.

Walaal waa in aad u tagtaa dhakhtar haddii dareen la'aanta faraha ku fideyso, waxaa keeni karo dhowr shay oo laga hortagi karo.
Ha yaraysan arintaan maxaayeelay waxaa dhici kara in haddii dareenka ka tago farta uu qulqulka dhiigga saameyn ku yeelato kadibna farta ay qalasho.

Mahadsanid
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55916
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162225
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106923
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57930
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62256
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig