Dhibaatooyinka hilmaanka ama wax xifdin la'aanta ee caruurta waa mushkilo soo waajahdo waalidiinta iyo macallimiinta.
Waa dhibaato laga dareemo dhibcaha uu ardayga ka keeno iskuulka ama xifdinta quraanka ee dugsiga.
Hadii cunuga waxbarashadiisa uu horay ugu fiicnaan jiray, wixii loo akhriyane uu xifdin jiray, haddane uu is badalay waxay u baahan tahay waraysi iyo u fiirsasho dheeri ah, sababtoo ah isbadakaas degdegta ah waxa ugu badan ee keeno waa cillad nafsi ah oo cunuga ku soo korortay.
Waalida iyo macallinkaba waa inay u foojignaadaan isbadallada ku dhaca caruurta si ay u waraysteen una ogaadaan haddii ay wax jiraan.
Waxyaabo badan ayaa keeni karo in la arko arrintaan waxaana ka mid ah:
- In jawigii dugsiga ama guriga is badalay
- In qaabkii waxa loogu akhrin jiray is badaly
- In dugsiga ama iskuulka uu dhib ka haysto tusaale: macallin ama arday uu dhibsanayo
- Inuu tartan kula jiray caruur kale oo ay ka kormareen taasoo niyad jab ku abuurtay
- In casharkii uu xifdin jiray uu batay ama meelo ay ku adag tahay xifdinteeda inuu marayo
- In niyad jab ama welwel uu jiro, taasoo diirad saarista ka luminayso
- In saacadaha uu hurdo ay yar tahay
- Inuusan haysan waqti uu ku nafiso, maxaayeelay waalidiinta qaar ayaa waqtiga caruurtooda oo idil buuxiyo
- In cunuga culeys ka saaran yaha iskuulka, maadaama caruur badan ay iskuul iyo dugsi isku dhigtaan.
Waxaan aaminsanahay in ay sahlanaan doonto xallinta mushkiladaan haddii aad waraysi fiican la yeelatid cunugaaga ama macaalliinkiisa.
Haddii aan u soo gudbo su'aashaada, iima muuqato wax dhibaato jir ahaaneed oo u keentay wiilkaaga xifdin la'aanta.
Daaqadda uu ka soo dhacay 6 sano ka hor xiriir toos ah lama laha xifdin la'aantaan soo korortay maxaa yeelay jugta mar hore ayay ahayd, in muddo ahne wuu fiicnaa.
Talooyin:Waxyaabaha aad dooneysid in cunugga kuu xifdiyo, in ku filan oo maskaxdiisu qaadi karto u akhri, markuu xifdiyo in kale ugu dar kadibne ka wada dhageyso. (taasi waxaan ula jeedaa in qaabkii hore aad badashid, maxaa yeelay sida muuqato waxaad jeceshahay in sidii hore uu u xifdiyo laakiin haddii aysan suurta galaynin inta uu awoodo hadda u akhri.
Waxaa kaloo muhiim ah in caruurta la dhiirageliyo, niyadda loo dhiso mar walba ay wax xifdiyaan, taasi waxay sare u qaadaysaa hammigooda, inay wax xifdiyaan way isku khasbayaan, awood xifdin dheeraad ah in ay la soo baxaan ayaa dhici karto.
Hana ku taxallujin waqtiyada qaarkood in uu wax xifdiyo sida markii caruurta kale ay fasax ku jiraan ama ciyaar ku maqan yihiin, maxaayeelay maskaxdiisa ma joogto oo ciyaartiii saaxiibadiis ayuu ku maqan yahay.
Ka ilaali cunugaaga niyadjabka, ha ku tilmaamin in uu noqday qof madax adag, dabaal ama doqon ama quraankane neceb, tani waxay keensan kartaa dhibaato kale oo ah in uu noqdo qof waxbarashada diido, una arko waxbarashada wax aad u dhib badan lana baran karin.
Haddii ay wax is badali waayaan muddo 3 bil gudahood markaa tallaabooyinkaan qaadid ka dib, waa la xiriiri dhakhtar caruurta ah si loo waraysto, loona qiimeeyo xaaladiisa, waxaa laga yaabaa in waxyaabo aadan dareemi karin in uu dhakhtarka ka dareemo cunugaaga.
Akhriso waxa dhalinyada u keeno
Hilmaanka:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4524.0Haddii aad qabto su'aalo kale, ku soo gudbi qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com