Author Topic: Waa maxay cillada Leukopenia?  (Read 23858 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Saiid6666

  • Newbie
  • *
  • Posts: 21
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Waa maxay cillada Leukopenia?
« on: January 16, 2009, 09:08:15 PM »
waamaxay cudurkan leucopenia maxaa lagu gartaa waa cudur noocee ah maxaase xariir ah uu la leeyahay cudurka cancerka mala daweeynkaraa ,hadii ladaweeyn karose maxaa lagu daweeyaa lafaha ma galaa please ii soo dir full infor mation




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Waa maxay cillada Leukopenia?
« Reply #1 on: January 19, 2009, 12:52:03 AM »


Tirada Unugga dhiigga cad ee hoos u dhacda (WBC) waxaa loo yaqaannaa Leukopenia ama Neutropenia.
Kiimiko isku daaweyn, shucaac isku daaweyn, daaweyno kale ama jirro sdia kaankarada ayaa laga yaabaa iney keento tirada WBC oo hoos u dhacda.

Unugyada cadcad ee jirkeenna wuxuu eebe ugu talagalay ka hortagga iyo la dagaallanka cudurrada iyo bakteeriyada jirkeenna soo weerarto sidaa darteed tirada WBC oo hoos u dhacda waxay kaa dhigaysaa qof u nugul cudur. 
 
Badanaa calaamadda ugu horeyso oo caabuq lagu garto waa qandho. Dadka badankooda ee kansarka qaada waxaa loo sheegaa iney iska hubiyaan heerka 2 goor maalintii iyadoo tirada WBC-goodu uu hooseeyo. Dhakhtarkaaga ama kalkaalisada ayaa laga yaabaa iney ku siiyaan sharraxaadyo. Ha qaadannin wax daawo ah sida Tylenol si aad hoos ugu dhigto heerkulka ilaa inuu takhtarku ku faro mooyaane. 

Hoos u dhaca unugga dhiigga cad wuxuu kansarka u keeni karaa dhowr dariiqo, in kansarka uu ku dhaco lafta dhuuxeeda oo ay soo saari weyso unugyada, ama daaweynta kansarka oo keeno iyadane leukopenia.

Daaweynta hoos u dhaca unugga dhiigga cad waxay ku xirantahay heerka ay gaarsiisantahay iyo cudurka keenayba.

Marka "Leukopenia" maahan cudur ee waa calaamad cudur oo ay keeni karaan dhowr cudur oo kala duwan.
Marka uu WBC-gaagu hoos u dhaco, waxaad u baahan doontaa inaad qaadato daryeel dheeraad si aad uga hortagtid cudur.

Si aad Gacan uga Geysatid Ka-hortagidda Cudur:
 
Nadaafadda
• Gacmahaaga ugu yaraan 15 ilbiriqsi ku dhaq biyo diirran iyo saabbuun.
Dhaq cunidda ka hor, markaad cunto diyaarineyso, iyo musqusha ka dibba. Qof kasta oo ku daryeelayana sidaas oo kale ha sameeyo.
• Mayro ama qubeyso maalin kasta haddii laguu oggol yahay. 
• Qubeys xunbo leh ha sameynin ama ha isticmaalin tubbo biyo kulul.
• Maqaarkaaga si dhow uga hubi dillaac, finiinic, guduudasho, iyo bararid.
• Ka dib marka aad kaadiso ama saxarooto, mar kasta biyaha isaga raaci dhinaca hore una raaci dhinaca danbe. Gacmaha iska dhaq. 
• Sakiin koronto ah u isticmaal xiirashada si aad uga fogaatid dillaac.
• Isticmaal caday jilicsan si aad ilkaha isaga nadiifiso markaad cuntada cunto ka dib iyo inta aadan seexannin ka hor. Haddii aad ilko sanaaci ah qabtid, nadiifi subixii iyo fiidkiiba.
• Kormeer afkaaga maalin kasta. Wac takhtarkaaga haddii aad isku aragto wax guduudasho, dhibco cad, dillaac, ama soo kuusasho ah. 
• Xiro weji dabool ama qolka isaga bax marka la nadiifinayo.
• Ha isticmaalin waxyaabaha hoosta la iska mariyo ama tanbooni.
• Isticmaal kondom marka aad galmo sameyneysid. Ha isticmaalin rabarka makanka afkiisa lagu xiro (diaphragm) ama IUD.
 
Ammaanka Cuntada
• Ha cunin cunnooyin ceeriin ama aan la karin sida: Furuto ama khudrad markaas la keenay.
• Kari hilib, kalluun iyo ukun si wanaagsan la sameeyey.
• Isticmaal caano la soo karkaiyey, farmaajo, garoor ama labeen.
• Cabitaannada ha uga tagin dibedda wax ka badan 2 saacadood.
 
Talooyinka Kale
• Nasasho badan qaado. Isku day inaad hesho ilaa 8 saacadood oo hurdo ah habeenkii. 
• Soco, ama ugu yaraan ku fariiso kursi, 3-4 goor maalintii. Naftaada la jaanqaad aadna ha isu daalin. 
• Ka fogow dadka cudurrada qaba sida hergebka, ifilada, xanuun hergeb, buruqyo, bus-buska, jadeecada iyo quman.
• Ka fogow dadka isa soo tallaalay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.
Tallaaladu waxay noqon karaan loo qaatay dabaysha, rubella, qumanka, jadeecada, qandhada jaallada ah, ama furuqa.
• Takhtarkaaga weydii ka hor inta aadan is tallaalin marka ay tirada WBC-daadu hoos u dhacdo.
• Xidho gacno gashi markaad beer ka shaqayneysid. Ka fogow geedaha iyo ubaxyada dheryaha ku jira.
• Fiiltarka kulsiiyahaaga bil kasta iska beddel.

Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii aad isku aragto:
• Qandho ka sarraysa 100.5° F ama 38° C 
• Qar-qaryo ama dhidid
• Wax calaamado cudur ah sida guduudasho, diirranaan, barar, dheecaan kaa imaanaya, ama xanuun
• Dhidid
• Dareento inaad aad u daallan tahay
• Cuna xanuun ama af xanuun 
• Qufac
• Xanuun ama gubasho marka aad kaadineyso
• Kaadi daruur ama dhiig leh

Haddii aad wax su’aalo ama walaac ah qabtid, iigu soo gudbi qeybta su'aalah: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66606
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69622
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62549
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46813
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45044
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc