Dumarka oo dhan waa in laga baaraa cagaarshowga nooca B mar kasta oo ay uur yeeshaan.
Xitaa hadii aadan lahayn calaamadaha lagu garto cudurka, waxaa dhici karta in aad qabto cagaarshowga nooca B. Hadii aad qabto cudurka, ilmahaaga ayaad u gudbin kartaa marka aad dhaleysid. Markaa ilmuhu wuxuu qabi doonaa cudurkaan halista ah inta uu nool yahay oo dhan. Akhbaarta wanaagsani waxay tahay, in ilmahaaga si sahlan looga dhowri karo cudurka iyada oo la talaalayo, laga soo bilaabo marka uu dhasho.
Sidee baa cagaarshowga nooca B loo fidiyaa?
Hadii aad cagaarshowga nooca B qabtid, ilmahaagu waa uu kaa qaadi karaa marka uu dhalanayo, marka dhiigaaga iyo ilmahaagu ay is gaaraan. Cagaarshowga nooca B waxaa kale oo lagu fidin karaa marka uu qofku galmoosho la sameeyo qof kale oo fayruska cudurka keena sida, ama uu dhiigiisu qofkaas gaaro. Qaab kale oo lagu kala qaado waa marka dadku isticmaalaan irbado aan jeermiska laga dilin marka ay jirkooda xardhayaan (tattooing), marka ay duranayaan dhegaha iyo meelo kaleba, ama marka ay isticmaalayaan daroogooyinka sharci darada ah.
Sidee baan ilmahayga uga dhowri kara, hadii baaritaanku sheego in aan cagaarshow nooca B qabo?
# U sheeg isbitaalka in aad qabto cagaarshowga nooca B inta aadan dhalin ka hor.
# Xaqiiji in ilmahaaga loo bilaabo dhowr talaal oo uu qaadan doono 12ka sacadood ee noloshiisa/eeda ugu horeysa
# U sheeg dhakhtarka cida daryeeli doonta ilmahaaga.
# Fiiri in ilmahaaga la siiyo tallaalada u dhiman ee cagaarshowga nooca B.
# Xaqiiji in ilmahaaga baaritaan dhiiga ah lagu sameeyo marka 9-15 bilood jirka inta u dhexeeyo uu jiro, si loo eego in talaalkii uu jirkiisa difaac u dhisay, ama hadii uu u baahan yahay talaalo dheeraad ah.
Caruurta oo dhami waxaa la siin doonaa sadex talaal oo cagaarshowga nooca B ah, kuwaas oo ka qeyb ah talaalada caadiga ah ee ilmaha la siiyo. Hadii aad cagaarshow nooca B ah qabtid, laakiin, ilmahaagu waa in ay qaadashada talaalada u bilaawdaan isla marka uu ilmuhu dhasho, talaalada kale ee cagaarshowga ee u dhimana lagu siiyaa waqtigii loogu tala galay.
Ma nuujin karaa hadii aan qabo cagaarshow nooca B?
Haa, waad nuujin kartaa—laakiin waa kadib marka ilmahaaga loo bilaabay qaadashada talaalada cagaarshowga.
U sheeg rugtaada caafimaadka hadii aad isku aragtid naasaha ibtooda oo ku dil-dilaaca ama nabaro naaska ku yaala.
Hadii aan cagaarshowga nooca B qabo, sideen uga ilaalin karaa inuu u gudbo dadka kale?
Cagaarshowga nooca B waa cudur si sahlan u faafa. Dadka cudurka qaba—xitaa hadii aysan xanuun dareensanayn—waa in ay ka taxadiraan in aysan u gudbin cudurka dad kale.
# Waa in aad nadifisaa dhiigaaga meelaha uu garo nabaradana aad faashad/sharooto ku dabooshaa. Meeshii ay wax gaareen ku nadiifi warankiilo. Marka aad dhiigaaga taabatid kadib gacmahaaga nadiifi.
# Ha la isticmaalin dadka kale sakiimaha lagu xiirto, cadayga, cidiyo jarka, ama wax kasta ee uu dhiig, candhuuf, ama dareer kasta ee jirka ka yimaadaa uu gaari karo.
# U sheeg wehelkaaga in aad cagaarshoow nooca B qabto oo uu iska soo baaro. Isticmaala kondom ilaa aad ka ogaato in galmo la wadaagaagu uu ka difaacan yahay cudurka.
# Dadka kale ee aad la nooshahay (caruur iyo dad waaweynba) ha is baareen si ay u ogaadaan in ay u baahan yihiin talaalada cagaarshowga nooca B.
Haddii aad qabto su'aalo kale ama walaac, halkaan ka weydii
SomaliDoc