Author Topic: Hepatitis B iyo Hepatitis AG  (Read 19577 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Muhiim

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Hepatitis B iyo Hepatitis AG
« on: January 18, 2009, 05:36:15 PM »
 Asalaamu caleykum .

 Waxaan hawada idin soo  marinaa salaan aad u qiimo badan, salaan kadib waxaan codsanaa in la ii kala shafrxo faraqa u dhaxeeyo

 hebatitis B iyo hebatitis ag ,  iyo midkasta sida looga hortagi karo ama la isaga daaweyn karo .

 Fadlan jawaab ii soo dira ama webka ku so qora .

 Muhiim




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Hepatitis B iyo Hepatitis AG
« Reply #1 on: January 19, 2009, 12:51:00 AM »
Halkaan ka akhriso qoraallo ku saabsan Cagaarshowga B (Hepatitis B)
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=633.0
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1094.0


Hepatitis AG maxaa ula jeeddaa?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Muhiim

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Hepatitis B iyo Hepatitis AG
« Reply #2 on: January 19, 2009, 04:02:27 PM »
Asc.

 Walaal dhaqtar ayaa qoray iska baar dhiigaan marka laba nooc dhiig hepatitis waaye

 Mahadanid

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Hepatitis B iyo Hepatitis AG
« Reply #3 on: January 20, 2009, 01:30:05 AM »
Hepatitis AG ma ahan nooc ka mid ah cagaarshowgyada.

Cagaarshowga wuxuu u kala baxaa noocyadaan kala ah Hepatitis A, B, C, D, E, F iyo G

Waxaa dhici karo in aad ula jeedo Hepatitis B surface antigen  oo loo soo gaabiyo (HBsAg) oo ah borotiin jirka laga helo markii qofku ku dhaco cagaarshowga B.

Waa baaritaan lagu ogaan karo in qofku uu qabo cagaarshowga B.
Waa baaritaanka ugu horreeyo oo sheegi karo in qofku qabo cagaarshowga B
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Muhiim

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Hepatitis B iyo Hepatitis AG
« Reply #4 on: January 22, 2009, 03:10:58 PM »

 Asalaamu caleykum .

 Walaal waa sida aad shegtay ayaan u maleynaa waayo HBsAg NOOCAAS ayaa posotive ah , waana iska qaaday waxa dhaqtarka uu yiri posotive, Waxa uuna dhaqtarka yiri waa in aad si joogto ah u timaadaa isbitaalka si loola socdo xaaladaada, Waxaana ahay xaas uur 8 bil leh .

 Wax la ii soo qoray kaliya daawooyin vitamine ah kaliya.


 Fadlan bal nooca HEPATITIS B , waxaan ka aqriyey webkaan , balse midkaan AG ayaan fahmi waayey,

 Dr Ilaah ha kaa ajar siiyo waxii talo iyo tusaale ah adigaa kaa sugayaa ?

  Wabilaahi towfiiq

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Hepatitis B iyo Hepatitis AG
« Reply #5 on: January 25, 2009, 12:09:17 AM »
HBsAg oo laga soo gaabiyay "Hepatitis B surface antigen" waa lid-jir-dhaliye* oo laga helo feyraska keeno Cagaarsowga B ee maahan nooc kam mid ah cagaarshowyada.
Haddii dhiigga laga helo HBsAg waxay tilmaamaysaa in cagaarshow cusub ku haayo.

Faaidada baaritaankan waa in la ogaado in qofku qabo cagaarshowga B iyo dabagalka daaweynta cagaarshowgaba.

Haddii dhiiggaaga laga helo HBsAg waxaad qabtaa cagaarshowga B

* Lid-jir dhaliye : Antigen (Waa wax jirka aan ka mid aheyn oo soo galo)
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Muhiim

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Hepatitis B iyo Hepatitis AG
« Reply #6 on: January 25, 2009, 12:59:15 PM »

 Asalaamu caleykum .

Dr aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay ,

 Salaan kadib maadaama aan qabo cagarshow uur 8 bil ahna aan leeyahay maxey u dhibi kartaa uurka aan leeyahay?

  sidoo kale seygeyga(xaaska) sidee ayaan ugu badbaadi karaa maadaama aan ogahay in la is qaadsiiyo .

 muxuuse ugu hortagi karaa .

 Ilaah ha kaa ajar siiyo

 Wabilaahi towfiiq

Offline Muhiim

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Hepatitis B iyo Hepatitis AG
« Reply #7 on: January 28, 2009, 06:32:16 PM »
Asalaamu caleykum.

 Dr waxaan kaa sugaayey jawaab ee ilaah ha kuu fududeeyo howsha aad heyso

 Wabilaahi towfiiq

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Hepatitis B iyo Hepatitis AG
« Reply #8 on: January 28, 2009, 10:25:52 PM »
Dumarka oo dhan waa in laga baaraa cagaarshowga nooca B mar kasta oo ay uur yeeshaan.
Xitaa hadii aadan lahayn calaamadaha lagu garto cudurka, waxaa dhici karta in aad qabto cagaarshowga nooca B. Hadii aad qabto cudurka, ilmahaaga ayaad u gudbin kartaa marka aad dhaleysid. Markaa ilmuhu wuxuu qabi doonaa cudurkaan halista ah inta uu nool yahay oo dhan. Akhbaarta wanaagsani waxay tahay, in ilmahaaga si sahlan looga dhowri karo cudurka iyada oo la talaalayo, laga soo bilaabo marka uu dhasho.

Sidee baa cagaarshowga nooca B loo fidiyaa?
Hadii aad cagaarshowga nooca B qabtid, ilmahaagu waa uu kaa qaadi karaa marka uu dhalanayo, marka dhiigaaga iyo ilmahaagu ay is gaaraan. Cagaarshowga nooca B waxaa kale oo lagu fidin karaa marka uu qofku galmoosho la sameeyo qof kale oo fayruska cudurka keena sida, ama uu dhiigiisu qofkaas gaaro. Qaab kale oo lagu kala qaado waa marka dadku isticmaalaan irbado aan jeermiska laga dilin marka ay jirkooda xardhayaan (tattooing), marka ay duranayaan dhegaha iyo meelo kaleba, ama marka ay isticmaalayaan daroogooyinka sharci darada ah.

Sidee baan ilmahayga uga dhowri kara, hadii baaritaanku sheego in aan cagaarshow nooca B qabo?
# U sheeg isbitaalka in aad qabto cagaarshowga nooca B inta aadan dhalin ka hor.
# Xaqiiji in ilmahaaga loo bilaabo dhowr talaal oo uu qaadan doono 12ka sacadood ee noloshiisa/eeda ugu horeysa
# U sheeg dhakhtarka cida daryeeli doonta ilmahaaga.
# Fiiri in ilmahaaga la siiyo tallaalada u dhiman ee cagaarshowga nooca B.
# Xaqiiji in ilmahaaga baaritaan dhiiga ah lagu sameeyo marka 9-15 bilood jirka inta u dhexeeyo uu jiro, si loo eego in talaalkii uu jirkiisa difaac u dhisay, ama hadii uu u baahan yahay talaalo dheeraad ah.
Caruurta oo dhami waxaa la siin doonaa sadex talaal oo cagaarshowga nooca B ah, kuwaas oo ka qeyb ah talaalada caadiga ah ee ilmaha la siiyo. Hadii aad cagaarshow nooca B ah qabtid, laakiin, ilmahaagu waa in ay qaadashada talaalada u bilaawdaan isla marka uu ilmuhu dhasho, talaalada kale ee cagaarshowga ee u dhimana lagu siiyaa waqtigii loogu tala galay.

Ma nuujin karaa hadii aan qabo cagaarshow nooca B?
Haa, waad nuujin kartaa—laakiin waa kadib marka ilmahaaga loo bilaabay qaadashada talaalada cagaarshowga.
U sheeg rugtaada caafimaadka hadii aad isku aragtid naasaha ibtooda oo ku dil-dilaaca ama nabaro naaska ku yaala.

Hadii aan cagaarshowga nooca B qabo, sideen uga ilaalin karaa inuu u gudbo dadka kale?
Cagaarshowga nooca B waa cudur si sahlan u faafa. Dadka cudurka qaba—xitaa hadii aysan xanuun dareensanayn—waa in ay ka taxadiraan in aysan u gudbin cudurka dad kale.
# Waa in aad nadifisaa dhiigaaga meelaha uu garo nabaradana aad faashad/sharooto ku dabooshaa. Meeshii ay wax gaareen ku nadiifi warankiilo. Marka aad dhiigaaga taabatid kadib gacmahaaga nadiifi.
# Ha la isticmaalin dadka kale sakiimaha lagu xiirto, cadayga, cidiyo jarka, ama wax kasta ee uu dhiig, candhuuf, ama dareer kasta ee jirka ka yimaadaa uu gaari karo.
# U sheeg wehelkaaga in aad cagaarshoow nooca B qabto oo uu iska soo baaro. Isticmaala kondom ilaa aad ka ogaato in galmo la wadaagaagu uu ka difaacan yahay cudurka.
# Dadka kale ee aad la nooshahay (caruur iyo dad waaweynba) ha is baareen si ay u ogaadaan in ay u baahan yihiin talaalada cagaarshowga nooca B.

Haddii aad qabto su'aalo kale ama walaac, halkaan ka weydii
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa ugu muhiimsan oo u qaadan karaa cudurka Hepatitis B?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8895
Last post August 08, 2011, 08:09:33 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka Hepatitis B ma laga bogsoon karaa?

Started by Cabdiqani_ysfBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 14972
Last post March 30, 2015, 01:27:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Goobaha webiyada maraan iyo hepatitis B?

Started by DrhanadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3883
Last post November 26, 2016, 10:37:38 AM
by SomaliDoc
Somali Culture & Hepatitis

Started by Waxbaro!Board Topics in Healthcare

Replies: 1
Views: 23191
Last post February 14, 2013, 09:23:37 AM
by Hashi1
Cagaarshowga B (Hepatitis B)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 110673
Last post November 10, 2019, 01:15:07 PM
by Kheyre