Author Topic: Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?  (Read 28924 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Manaal

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?
« on: January 19, 2009, 01:46:47 AM »
Asc.
walaal waxaan ahey gabadh uur leh,  ilaa 3 bil.
waxaa leygu sheegey cudurka RUBELLE VERUS, dhiiguu ku jiraa bey yirahden,
 cudurkaan ma iiga sheegi kartaa  somali ahaan wuxuu yahay? Waxaan maqley in uu qatar u yahay ilmaha caloosha, inkastoo ilaahey wax walba awoodo.
Iyaga waxey dhaheen uurka ka hor ayaad laheyd veruskan markaa kama iman  karto hada qatar.
waxey qatar ku iman kartaa ayey dhaheen kuwa iyagoo uur leh ku dhaca.
markaa walaal hadad fahantey ii soo faahfaahi khayr alah ku siiyee.  Jawaab dag-dag insha-alaah   thanks
Wsr wb




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?
« Reply #1 on: January 20, 2009, 01:38:28 AM »
Rubella afsoomaliga waxaa lagu dhahaa (jadeecada Jarmalka) waa cudur uu keeno fayrus. Carruurta marka uu ku dhaco waa ku fudud yahay oo caadi ahaan lama dareemo. Wuxuu keenaa firiiric, qanjiryada oo barara iyo xanuun cunaha gaara oo waqti yar socda.

Cudurka Rubella wuxuu aad ugu xun yahay dhallaanka uurka ku jira. Wuxuu waxyeello xun u gaysan karaa aragooda, maqalkooda, wadnahooga iyo maskaxdooda. Jeermiska cudurka Rubella haddii uu hooyada gaaro saddexda bilood ee ugu horeeya ee ay uurka leedaha wuxuu waxyello u gaystaa tobankiiba sagaal dhallaanka uurka ku jira.
Xaaladdan cudur waxaa loo yaqaanaa cudurka rubella ee uurka ku dhaca (congenital rubella syndrome) (CRS).

Mararka badan, dumarka uurka leh waxaa qabadsiiyey cudurka rubella carruurtooda ama carruurta asxaabtooda.

Cudurka rubella wuxuu u baahaa sida jadeecada (measles) iyo qaamo-qashiirta (mumps). Wuxuu jeermiskiisu la siman yahay ka hargabka.
Rubellaha waxaa laga qaadaa qufaca iyo hindhisada qofka qabaa inta aanu garan inuu cudurka qabo.

Rubellaha aad ayaa la isu qaadsiyaa sida ugu fiican oo lagu xafidi karo hooyada doonaysa ilmaha iyo carruuteedaba waa iyada oo la talaalo iyada iyo ilkmaheedaba ka hor inta aanay uurka yeellan si loo joojiyo fidida infakshanka.

Halkaan ka sii weydii haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Manaal

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
maxaa lagu daweyn karaa haweeney uur leh oo Rubella Verus qabto???
« Reply #2 on: January 22, 2009, 12:43:39 AM »
ASC:,
Walaalayaal aad baad u mahadsan tihiin sida fiican eed iigu soo sharaxdeen (Rubella), ilaahey ajar iyo xasanaad allaha idinka siiyo.
waxaan kaloo idin weydiin lahaa idinka oo raali ah, ma ii sheegi kartaan waxa uu igaga bixi karo mar hadii leygu sheegey?  ma is talaali karaa anigoo uur leh?  ilaahey ha ila garab galo.   Waxaan u baqayaa ilmaha uurka ku jiro. :'(.
walaal insha alaah dhaqso iigu soo jawaaba, waayo dhaqtarka ayaan balan la leeyahay 29.1.09.
waxaan rabaa in aan ula tago taladiina dhaqtarka, insha-alaah.
 wabilaahi tawfiiq WWB.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?
« Reply #3 on: January 24, 2009, 11:26:50 PM »
Waa maxay Rubella?
Rubella (oo loogu yeero German measles ama Jadeecada Jarrmalka) waa infakshan fayras keeno si aadana la isu qaadsiiyaa wuxuuna ku badan yahay carruurta wuxuuna kaloo ku dhacaa waayeelka.
Waxaa dhici karta in aanu lahayn wax calaamad ah ama yeesho qandho sahlan, barar canija ah, xannuun isgoysyada ah iyo furuuruc wajiga ah kaas oo qaata laba ilaa saddex maalmood. Ka doorsashadu badanaa waa degdeg wayna dhamaataa.
Rubelluhu wuxuu ugu khatarsan yahay 20ka asbuuc ee ugu horreeya uurka. Waxay keeni kartaa in ilmuhu dhasho isagoo indha la' wadnaha cilad ka qaba, ama leh iin garashada ah. Xaalladaas waxaa loogu yeeraa Congenital Rubella Syndrome (CRS).

Sidee Rubelluhu ku fidaa?
Rubelluhu wuxuu ku fidaa si la mid ah hargabka waxaana lagu gudbin karaa qufaca iyo hindhisada qof cudurka qaba.
Calaamadaha rubelluhu waxay qaataan ilaa laba asbuuc inay samaysmaan waxaana laga yaabaa in dadka qabaa aanay garan inay qabaan. Inta waqtigan lagu jiro, waxaa laga yaabaa inay ku fidin karaan cudurka dadka kale khaasatan dumarka uurkoodu bilawga yahay oo aan ka talaalayn. Uurku intuu yar yahay waa marka ilmaha khatartiisu ugu sarrayso.

Yaa qaada Rubella?
Qof waliba waa qaadi karaa haddii aan cudurku horay ugu dhicin, aan la talaalin, ama sabab darteed qofku aanu yeellan difaac adag. Badanaa talaalku wuxuu bixiyaa difaac laakiin 5 ilaa 10% kuwa talaalan ayaa qaadi kara rubellaha sababtoo ah ma aanay yeellan difaac adag oo ku filan jirka.

Sidee kaga hortegi karnaa Congenital Rubella?
CRS iyo rubellaha waa laga hortegi karaa, sida ugu fiican oo looga hortegi karo ilma iin leh waxa weeye in la xaqiijiyo in dumarka oo dhan la laga talaalo rubella KA HOR inta aanay uurka yeellan.
Waa in uurka la iska ilaaliyaa haal bil talaalka ka dib waana in dumarka uurka yeeshay aan la talaalin ilaa dhalida KA DIB.
Carruurta oo dhan in la talaalaa waxay caawimaysaa joojinta inuu dadka dhexdiisa ku fido cudurku.
Waxa lagu taliyaa in carruurta oo dhami qaataan talaal laba qadar ah MMR (Jadeeco, Qaamaqashiir iyo Rubella). Mid waxaa la siiyaa markuu ilmuhu jiro da’ahaan 12 bilood midka labaadna markuu ilmuhu 4 sano jiro. Tani waxay ka ilaalinaysaa saddexda cudurba.
Waxaa kaloo lagu dhiiri gelinayaa inay istalaalaan si ay naftooda iyo tan dadka kaleba u badbaadiyaan.
Dhamaan dadka dhashay intii lagu jiray ama laga soo bilaabo 1966 waa inay hubiyaan xaalladooda talaal si ay u xaqiijiyaan inay qaateen laba qadar oo ah talaalka MMR. Waxaa lagu dhiirigeliyaa inay is talaalaan si ay u xafidaan naftooda iyo tan bulshada.
Dhiiga oo la iska qaado KA HOR uurka aad ayuu muhiim ugu yahay si loo eego in qofka dumarka ahi leeyahay difaac kaamila ee rubellaha. Haddii difaacu hooseeyo ama aanu jirinba, Waa in talaalka MMR ama Rubellaha lagu celiyaa. Dhiig kale ayaa la qaadaa 6 - 8 asbuuc ka dib si loo xaqiijiyo in talaalkii sameeyey difaac adag.

Dadka khatarta ugu jiraa waa kuwee?
Dadka ku dhasha wadamada aan bixin talaal taxane ah waxay u baahnaan karaan talaalka rubella. Khaasatan dadka ku dhasha wadamada Asia iyo Afrika ayaa lagu adkaynayaa talaalka rubellaha inta aanay uurkooda u horreeya yeellan maadaama intooda badani aanay lahayn difaac.
YEELASHADA INFAKSHANKA RUBELLAHA INTA ILMUHU YAR YAHAY MA BALAN QAADAYO DIFAACA LIDKA RUBELLAHA MUSTAQBILKA. BAARITAANKA DHIIGA UURKA KA HOR AYAA LOO BAAHAN YAHAY SI LOO XAQIIJIYO DIFAACA.

Xaggee talaalka laga hellaa?
Dhakhtarkaaga, rugta qorshaynta qoyska, xarunta caafimaadka adeega talaalka dawlada hoose ee wadanka aad ku nooshay ayaa ku siin kara talaalka MMR.
Xasaasiyada talaalka MMR dhibta ka timaada waxaa ka daran dhibaatada ka timaada infakshanka rubellaha marka uur la yeesho. Waxa badanaa ka yimaadaa talaalka waxa weeye adoo dareema in aadan fiicnayn, qandho aad u hoosaysa iyo hadday dhacdoba furuuruc yimaada lix ilaa kow iyo taban berri talaalka ka dib. Dadka la talaalay cudurka kuma fidinayaan kuwa kale.

Yaa qaadanaya Talaalka Rubella?
• Dadka u xasaasiyada u leh antibiyootik neomycin.
• Dumarka uurka horayba yeeshay ama qorshaynaya inay uur yeeshaan bisha talaalka ay qaateen.
• Dadka cudurka qaba ama qaadanayaa daawada hoos u dhigta habka difaaca jirka sida cortisone ama prednisolone.
• Qofkasta oo qaba infakshan aad u xun.

Yaa loo ogaleyn Talaalka Rubella?
• Haweynta uurka leh
• Qof xanuunsan xilliga talaalka
• Qof xasaasiyad ku qabo tallaalada
• Qof qaadanayo daawooyinka hoos u dhigo difaaca jirka
• Qof lagu shubay dhiig 3 bil ee ugu dambeysay
• Qof qaba cudur maskaxeed oo weliba baaritaan ku socdo

Sidee lagu daaweeyaa Cudurka Rubella?
Cudurka Rubella malahan daawo loogu talo galay maadaama calaamadaha la dareemayo ay tahay mid fudud.
Qo waliba oo qaba cudurka Rubellaha waa inuusan u dhawaan haweeney uur leh.

Haddii ay jiraan su'aalo dheeri ah, halkaan ka weydii
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 27094
Last post February 05, 2011, 04:08:18 PM
by SomaliDoc
Inka badan 18-caruur ah oo u geeriyootay cudurka shuban biyoodka

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 7400
Last post April 30, 2011, 02:09:22 PM
by Drkheyre
Su'aal: Maxa lagu gartaa qofka qaba cudurka Cagaarshowga?

Started by FatxifoosBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 14895
Last post September 27, 2011, 08:35:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudurka Dengue fever maxaa soomali lagu yidhaahdaa?

Started by Farhan09Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9268
Last post January 07, 2012, 02:24:29 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee Lagu Gartaa Oo Loo Daaweyn Karaa Cudurka GALAHA?.

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13745
Last post May 19, 2012, 04:41:32 PM
by SomaliDoc