Author Topic: Cagaarshowga C (Hepatitis C)  (Read 30355 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cagaarshowga C (Hepatitis C)
« on: January 28, 2009, 10:13:49 PM »
Waxaa jira dhawr nooc oo ah viral hepatitis oo ay ku jiraan A,B,C,D iyo E. dhammaan fayrasyada waxay dhaliyaan dhibaatooyin isku mid ah laakiin waxaa loo faafiyaa siyaalo kala duwan. Saa daraadeed siyaalaha looga hortegayo si aynan dadku u qaadin feyraska way kala duwan tahay iyaduna. Qoraalkaani waxay ku saabsan tahay oo keliya cagaarshowga nooca C.

Waa maxay astaamaha cagaarshowga nooca C?
Xaalado badan dadka qaba cagaarshowga nooca C waxaa laga yabaa inaysan dareemin. Dadka qaarkii waxaa laga yaabaa inay dareemeen jiro hargabka oo keli ah oo aan u baahneyn daaweyn. Marka ugu horeysa ee aad qaado feyraska cagaarshowga nooca C waxaa laga yaabaa in dadka qaarkii arkaan in kaadidoodu u ekaato madow indhahooda iyo maqaarkooduna waxaa laga yaabaa inay noqdaan jaale. Astaamahani waxaa laga yaabaa inay ku baaba’aan toddobaadyo yar laakiin tan micnaheedu ma aha in infekshinkii isna uu sidoo kale baxay. Haddii aad qabto astaamaha cagaarshowga, ama aad u maleynayso in khatar lagu geliyey, waa inaad la tashataa dhakhtarkaaga. Baaritaanka dhiiga ayaa sheegaya inaad qabto cagaarshowga nooca C. marka huxitaanka beerku jiro in ka badan lix bilood jirada waxaa loogu yeeraa cagaarshowga nooca C ee soo noqnoqda (chronic hepatitis C).
Astaamaha cagaarshowga nooca C ee soo noqnoqda waxaa laga yaabaa inay noqdaan:
# Daal yar ilaa mid daran
# Rabitaanka cuntada oo kaa yaraada
# Lalabo iyo matag
# Feeraha dhexdooda oo ku xannuunta
# Xumad ama
# Xannuun isgoysyada ah

Xannuunka beerku ma khatarbaa nooca C?
In ka badan boqolkiiba 70% dadka qaba waxaa laga yaabaa inay sii wadaan feyraska dhiigooda oo ay noqdaan kuwa wakhti dheer sida ama uu ku soo noqnoqdo. Waxaa la rumeysan yahay in ilaa 15% ilaa 20% oo dad ahi oo ah kuwo sida xannuunkan oo uu ku soo noqnoqdo uu ku dhici doono cirrhosis, oo ah nabar ku dhaca beerka. Tan waxaa laga yaabaa inay qaadato 20 sanno inuu ku koro. Sannado ka dib, tiro yar oo dad ah oo qaba cirrhosis ayaa waxaa laga yaabaa inay qaadaan kansarka beerka. Dadka sida cagaarshowga nooca C waxay qabayaan infekshinkaan noloshooda oo dhan waxayna ku faafin karaan feyraska dadka kale haddii aysan taxadarin.

Sidee loo faafiyaa cagaarshowga ee nooca C?
Dhiig Feyraska cagaarshowga ee nooca C waxaa laga helaa dhiiga qofka qaba. Haddii dhiig leh uu galo qof kale dhiig mareenkiisa, waxaa laga yaabaa inuu qofkaasi qaado feyraska. Habka ugu caamsan ee ay dadku ku qaadi karaan cagaarshowga nooca C waxaa weeye wadaaga qalabka daawada ee laysku duro sida irbadaha silingayaasha iyo qaadooyinka.
Xannuunka beerka waxaa sidoo kale oo faafin karaa:
# Isticmaalida taatuuga iyo qalabka jirka laysaga durduro oo aan si wanaagsan loo nadiifin oo aan jeermiga looga dilin.
# Isticmaalka caddeyga, makiinada laysku xiiro ama shey kasta oo shakhsiyeed oo qaadi kara dhiig qof jiradan qaba.
# Hal qof dhiigii oo gaaraya meel dilaacsan oo qof kale.
# Dhiig ku shubidda
Galmada Khatarta aad ku qaadi kartaa xannuunka beerku nooc C aad ayey ku yar tahay wakhtiga galmada. Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa inay khatartu ka weyn tahay haddii uu jiro dhiig, tusaale xilliga caadada.
U gudbinta Hooyadu ilmaha Hooyooyinka qaba waxaa laga yaabaa inay wakhtiyo dhif ah u gudbiyaan ilmahooda cagaarshowga nooca C intay uurka leeyihiin amase markay dhalayaan, khatartu waa yartahay uu ilmuhu uga qaadayo feyraska nuujinta.

Sidee baan isaga ilaalin karaa qaadida cagaarshowga nooca C?
Wakhtigan xaadirka ah ma jiro tallaal lagaga hortago inuu qofi qaado cagaarshowga nooca C.
# Hala wadaagin cadey qofna, makiinada laysku xiiro, soofaha cidiyaha, ama maqaska ciddiyaha maadaama ay kuwani jeexi karaan jirka oo ay qaadsiin karaan.
# Haddii aad ku lug leedahay jir daldaloolin, xardhid,koronto isticmaalid ama akubanjarka, had iyo jeer hubi in sheyga daloolinaya maqaarka uu nadiif yahay oo jeermiga laga dilo wakhtiga isticmaalka.
# Shaqaalaha daryeelka caafimaadka waa inay isticmaalaan awaamiirta xaddidaada infekshinka ee caadiga ah.
# Meel alaale meeshii suurto gal ah, isticmaal galoofyada gacanta ee halka mar la isticmaalo haddii aad qof siiso gargaarka degdeg ah ama aad nadiifiso dhiig ama dheecaanka dhiiga.
# Isticmaal canjirka galmada wakhti kasta oo aad sameyso galmo. Dadka qaba cagaarshowga ee nooca C ee xiriirka wakhtiga dheer ee xasiloon leh waxay u baahan yihiin inay tixgeliyaan isticmaalka kondhomka oo ay kala hadlaan dhakhtarkooda.
Dadka iskudura daroogada:
# Had iyo jeer dhaq gacmahaa ka hor duritaanka iyo ka diba.
# Waligaa ha wadaagin irbado iyo saliinge, qaadooyin, alaabta lagu qaado dhiiga, filtarada, tourniquets iyo biyaha kuwan waxaa laga heli karaa farmashiilayaasha.
Nadiifinta iyo qaadida dhiiga daatay:
# Isticmaal galoofyada halka mar la isticmaalo isticmaal waraaqaha tuwaalka ah ee bacda ku jira.
# Ku dhaq meesha biyo diiran iyo jeermi dile, biyo raaci oo qalaji.
# Ku rid galoofiska la isticmaalay bac balaastig ah, xir kuna rid sanduuqa qashinka.
# Ku dhaq gacmaha biyo saabuun leh oo diiran dhammaana qalaji.

Baaritaan ma leeyahay Cagaarshowga nooca C?
Haa. Sameynta baaritaanka jirka lidka ku ah ayaa wuxuu kuu sheegayaa inaad qabto xannuunkan iyo in kale.
waxaa laga yaabaa inay qaadato laba ilaa saddex bilood (mar marka qaarkood wakhti ka dheer) laga bilaabo wakhtiga aad qaaday ka hor intaan baaritaanka dhiigi uusan sheegin lidka jirka ee Cagaarshowga nooca C. haddii aad qabto cagaarshowga nooca C baaritaanka jirka lidka ku ah ayaa waxaa meynaya shaybaarada ku takhasusay oo sameyn kara baaritaan dheeraad ah oo la yiraahdo cagaarshowga ee C PCR si loo go'aamiyo haddii fayrasku weli ku jiro dhiigaaga ama beerka.

Maxaan sameeyaa haddii aan qabo cagaarshowga nooca C?
Waxaad yareyn kartaa qaadashada aalkolada, ilaalin karnaa qaadashada cunto isu dheeli tiran, ilaalina caafimaadkaaga guud.
Waxaad sidoo kale sameyn kartaa:
# La tasho dhakhtarkaaga oo la soconaya xaaladaada oo haddii ay lagama maarmaan tahay kuu diraya dhakhtar takhasus leh.
# Iska tallaal feyrasyada xannuunka beerka ee kale ( oo ah xannuunka beerka nooca A iyo B).
# Kala hadal xaaladaada daryeelaha caafimaadkaaga markaad lagugu sameynayo wax kasta oo ah nidaam caafimaad iyo ilkaba.
# Si dhameystiran u wada dabool meeshii ku dilaacsan ama nabar faashad aan biyo gelaynin.
# Samee had iyo jeer galmo ammaan ah
Haddii aad qabto Cagaarshowga ee nooca C waa inaadan:
# Ku deeqin dhiig iyo xubin jirkaaga ah toona.
# Wadaagin qalabka laysku duro.
# Wadaagin waxyaalaha shakhsiyeed sida cadayada ama makiinadaha.

cagaarshowga nooca C daawo ma leeyahay?
Isku dar cusub oo oo ah daawooyinka interferon iyo ribavirin ayaa si aad u hagaajiyey natiijada dadka qaba cagaarshowga nooca C. daaweyntan waxay ka caawin kartaa inay yareyso huritaanka beerka waxayna fayreska baabiin kartaa dadka boqolkiiba 30 ilaa 65%.
Waa muhiim inaad la hadasho dhakhtarkaaga.

Wixii macluumaad dheeraad ah iyo su'aalaba halkaan ka waydii
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Cagaarshowga C (Hepatitis C)
« Reply #1 on: September 27, 2011, 11:28:09 PM »
Marka hore Somalidoc waad mahadsan tahay.
Marka xigta, Dhakhtar waxaynu og nahay in inta badan ay dadka Soomaaliyeed aamin san yihiin in ay daawada cudurkaan Cagaarshowga ugu fiican tahay uguna fudud dahay Dab ku gubista Beerka, kala goys yada labada gacmood meesha ay Saacadda ku xidhanto (wrist) madaxa meesha jeegada ka hooseysa iyo meelo kale oo jirka ka mid ah. Haddaba Dhakhtar, aaminsanaantaas in la Gubo xididdada qaarkood ma tahay daawada cudurka Cagaarshowga? (waxa jira dad badan oo gubis lagu daaweeyey, oo ku doodaya in ay daawooyinka & cirbaddaha ay Dhaqtaradu qoraan aanay waxba ka daaweyneyn cudurka Cagaarshowga). Marka Dhaqtar qof aamin san in aysan daawo aan dab ku dhajin aheyni daawo u noqoneynin, haddii daawada khasab lagu siiyo miyuu ku dawooba hayaa? Haddii ay gubistu dhag tahay, noocyada cudurka oo dhan ma lagu daaweyn karaa?
_______
Dhakhtar tan kale, haddii uu qof wada qabn cagaarshow & tiifow, ka waran?...
~> MAHAD SANID SOMALIDOCTOR.
Talo SAARO Allaah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Cagaarshowga C (Hepatitis C)
« Reply #2 on: October 07, 2011, 03:39:52 PM »
Waa sax soomaalida waxay gubista ku daaweysaa cudurro badan oo uu ka mid yahay cudurka cagaarshowga, laakiin caafimaad ahaan gubistu daawo maahan.

Mideeda kale cudurka cagaarshowga wuxuu leeyahay muddo gaaban uu xanuunkiisa soo muuqdo qaarkooda waa 10 biri illaa 12 biri kadibna wuu qarsoomaa oo jirka ayuu galaa, taasina macnaheeda maahan in qofka uu caafimaaday laakiin calaamadihii ayaa  qarsoomay sida: indhocasaantii, qandhadii, lalabadii, mataggii iyo cunno xumadii.

Marka dadka qaar waxay aaminaan in gubistii ay cudurka daaweysay oo calaamadihii ka baabi'isay laakiin laba goorba marxaladda uu cudurka maro ayaa sidaas ah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxa lagu gartaa qofka qaba cudurka Cagaarshowga?

Started by FatxifoosBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 14900
Last post September 27, 2011, 08:35:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa ugu muhiimsan oo u qaadan karaa cudurka Hepatitis B?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8896
Last post August 08, 2011, 08:09:33 PM
by SomaliDoc
Wellcome plz cidii wax ka taqan cudurka haypetits i mean cagaarshowga

Started by BadbaadoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 15816
Last post August 13, 2010, 06:41:30 PM
by Abdulrazzak
Uur miyaad leedahay? Iska baar cagaarshowga nooca B

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 26522
Last post November 10, 2010, 07:52:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka Hepatitis B ma laga bogsoon karaa?

Started by Cabdiqani_ysfBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 14974
Last post March 30, 2015, 01:27:58 PM
by SomaliDoc