SIDEE WAQTIGAAGA UGA MIRO DHALIN KARTAA?
Dadka dhamantooda si kastoy u kala duwantahay xaladahooda sida(qof hodan ah,qof faqiir ah,qof jaahil ah qof caalim ah,qof wayn iyo qof yarba) waxa ay kawada simanyihiin in qof waliba uu haysto 24saac malinkasto oo ay qoraxda soo baxdo ilaa ay ka dhacdo balse kala duwanaanshaha waxa uu ka imaanaya qof waliba iyo sida uu u maareeyo 24ka saac uu haysto malintii.
Wali midkeena ma is waydiiyay meeqa (imisa) saacadood ayaa ka beer darowda malintii ama isbuucii? Bal wax yar fikir oo xisaabi?Sida caadiga ah ardayga waxa uu haystaa 16saacadood oo waxqabad sax ah waa marka laga reebo 8saac oo hurdo ah, sidaa awgeed kala duwanashaha ardayda waxa ay ka imaanaysaa awooda uu arday kasto u leeyahay maareenta waqtigiisa iyo ka miro dhalintiisa waxaana laga maarmaan ah in aynu ogaano maareenta sacadaha hal maalin waxa ay saamayn toos ah ku leedahay maareenta sacadaha guud ee isbuca. Waxaana diraasad laga sameeyay arintan ay xaqiijiyeen in maarenta waqtiga iyadoo qofka isticmaalayo jadwal xadidan ama nambaraysan ay hormar iyo guul ku talaabsiisay baarayaal,Arday,bal dowlado ku yalo calamka aynu manta ku noolnahay, kuwaaso ku talaabsaday hormar uu manta calamka ku intifaacay.
Waxaana tusaale sax ah u soo qaadankarnaa caalimka wayn ee lagu magacaabo Otto Schmidt kuna takhasusay cilmiga Geo-Physics mar wax laga waydiiyay jadwalkisa shaqo ama wax qabad waxa uu ku jwabay sida tan(waxan malintii ku buuxin jiray jadwalkayga shaqoyin ,wax qabad iyo wax soo saar isla markana waxan dareemi jiray in uu waqtigayga ku filnayn riyada aan doonaya in aan xaqiijiyo mustaqbalka sidaa awgeed waxaan go'ansaday in aan 1saac ka jaro waqtigayga jiifka taas oon u arkay in ay tahay jidka kaliya oon ku xaqiijinkaro riyadeeda mustaqbalka.)
Shaqo adag,iyo dadaal fara badan oo ay wehliyaan sabar calimkaas waxa uu awood u yeeshay in uu daboolka ka qaado xaqiiqooyin cusub oo ku saabsan cilimiga Geo-Physics . waxa uuna kula dardaarmay ardayda dhalinyarada ah in maalmahooda dhalinyarnimo aysan hurdo aan faaido lahayn ku dhamaysanin maxaa jira qofka bani'admka isagaba noloshiisa (3/1) waxa ay tahay hurdo.
Suasha tagan waxa ay tahay sideen uga miro dhalin karnaa Waqtigeena?Hababka ugu wanaagsan ee lagu nidaamiyo waqtiga waxa ka mid ah in qofka uu isticmaalo jadwal xadidan ama nambaraysan kasoo awood u leh hagista nolol maalmeedkiisa ha ahaato (Jiif,waxbarsho,cuntayn,TV fiirsasho IWM) inkastoon ognahay in ay nafta ku dhib badantahay in lagu tadbiiqiyo ama lagu hago jadwal xadidan lakin taas micnaheda mahan in uu qofka iska noolaado jadwal la'an.
Hadaba si nafta aan u barno jadwalkas waa in jadwalka ku samaynaa ku celcelin badan si nafta ay ula qabsato iyadoo marka hore ay aad muhiim u tahay in aan nafteena u dajino jadwal ay awoodi karto in ay ka baxdo iskana ilaalinaa culayska saaidka ah oo aynan awoodi Karin si kastoo culayskaas uu u wanaagsanyahay. Maxaa jira diinteena suuban ayaaba na faraysa dhexdhexaadka umuuraha dhamantooda.
Marka aad dajisato jadwalkii kugu haboonaa si aad uga tilaabsato caqabadaha kusoo wajahaya ama dhibka kaga imankara tadbiiqinta jadwalka maxaa kula gudboon?
Waxaad isbuucii ka doorata 3maalin oo ad u bixinayso ayamaha tijabada saxda ah ee jadwalkaaga,. maxaa jira?Waxaad ogaan kartaa maalmahaas dhibaatooyinka soo wajahaya jadwalkaga iyo meesha ay kasoo wajahayaan. Waxyaabaha ugu fiican uu qofka ogaanayo malmahaas waxa ka mid ah in uu xisaabinkaro waqtiga ka dayacmaya iyo sida uu ugu dayacmaayo ha ahaato malintii(24saac ) ama isbuucii oo idil, taas oo awood buuxda u siinaysa in uu ogaado dhinacyada u daciifka ka yahay iyo in uu dib u xisaabiyo naftiisa si uu awood ugu yeesho in uu wax ka badalo hab dhaqankiisa iyo habsami socodka nolo maalmeedkiisa. Sidaasna uu ku tadbiiqiyo jadwalka nidaminta waqtigiisa.
Yaa saamayn ku leh ka miro dhalinta jadwalka nidaminta waqtiga ?Si uu u najaxo jadwalka niaaminta waqtiga waa in ay jiraan waxyaabo qofka ku saacido arintaas hadii kale waqtigeena dabaysha ayuu naga raacayaa waxyabaha ugu muhiimsan oo samayn ku yeelankara waxa ka mid ah:
1-Reerka: iyagoo noqonkara hub 2afle ah taasoo micnaheeda uu yahay in ay ku saacidi karaan qofka meel marinta iyo najixinta jadwalkiisa ama ay noqdaan masdarkii fashilka jadwalka
2-Saaxibada ama dadka ad wada shaqaysan oo iyaga aan ka yareysanin dhinaca dowrka kan reerka hadi aysanba ka ahmiyadwaynayn.
3-goobta aynu ku noolnahay iyo waxa ku hareeraysan
4- iyo waxkaston is dhihikarno waxa ay samayn toos ah ama mid dadbanba ku yelankaraan meel marinta ama ka miro dhalinta jadwalkeena.
Marka ay saacidaan qofka walxaha aan kor ku soo xusay waxa qofka awood buuxda u yeelan karaa xaqiijinta hadafka uu hiigsanayo taasna waa waxa ugu muhiimsan uu qofka bani'admka ahi u shaqyanayo darteeda.
Ugu dabayntii waxaan idiin wada rajaynayaa in aad nafsadiina u dajisan jadwalka nidaminta waqtiga oo aad awood u leedahay fulintiisa waana ku kalsoonahay in aad gaari doonto hadafkaga.
Guntii iyo gabogabadii waxaan halkan si gaar ah uga mahadcelinaaya saxibkeena Dr Mahdi (ADMIN) oo kawada marqaati kacayno in waqtigiisa uu ku bixiyaywebkan in uu abuuray Webpage macaan oo miro dhalay walina uu sii miro dhalayo harkiisna uu nawada kulmiyay dhamantena melkaston jogno.
Waxana si guud mahadnaq balaran usoo jedinaa Xubnaha madalayasha ah ee webka ahna dhakhaatiirta bari insh.Alaah.
Good Luck all of U and MAHADSANIDIIN
By:Abdulmunim Ahmed Mohamed
Faculty of Medicine-University of Gezira
Sudan-Wad-Madani