Maxay yihiin?Bararka qaniinyada cayayaanku waa jawaabta uu maqaarku ka bixiyo sunta ay maqaarka ku duraan cayayaanka kala duwani. Aad bey caadi ugu tahay carruurta qaarka u nugul.
Cayayaanada qaarkood ayaa waxay sameeyaan mid ama dhowr qaniinyo oo jirka ku reeba meelo cuncun leh ilaa iyo dhowr maalmood. Mararka qaarkood waxay noqdaan meelo biyo ku jiraan, khaas ahaan lugaha.
Halkee ayey ku dhacdaa?Badanaa qaniinyada cayayaanku waxay ku dhacdaa meelaha muuqda halkaas oo cayayaanku uu ka heli karo maqaarka.
Mararka qaarkiis ayaa waxaa dhici karta qaniinyo koox cayayaan ah kuwaas oo ku xamaarta dharka hoostiisa.
Mararka qaarkood ilmuhu xasaasiya ama alerji ayuu u yeelan karaa marka uu cayayaan qaniino.
Ka dibna waxay yeeshaan meelo bararan oo u eg meel cayayaan ka qaniinay oo ka fog meeshii hore oo ilmaha lag qaniinay.
Tusaale ahaan, waxaa dhici karta qaniinyada cayayaan lug qaniino inay keento barar jirka iyo gacmaha ah.
Laakiin tani way degtaa wakhti ka dib, laakiin waxaa laga yaabaa inay mar labaad soo kacdo haddii cayayaankii hore uu mar kale qaniino ilmaha.
Sidee loo daaweeyaa?Dhibta ugu weyn oo qaniinyada cayayaanku waa cucun. Kulaylkuna midaan waa kaga sii daraa. Ku qaboojinta meesha wax qaniineen mara qoyan ayaa laga yaabaa inay caawinto.
Carruurta qaarkeed waxaa caawima lowshanka calamine lotion ama waxyaallaha kale oo qaboojiya maqaarka.
Mararka qaarkood waxaa la isticmaalaa kareemka hoos u dhiga xasaasiyada, laakiin waxay ku sababi karaan maqaarka xasaasiyad.
Haddii furuuruc ku bilawdo meesha kareemka la mariyo, waa in si degdeg ah loo joojiyaa.
Mararaka qaarkood isticmaalida daawada hoos u dhigta xasaasiyada dhakhtarka ayaa kula taliya qoyska haddii cuncunku siyaado yahay habeenkiina uu ilmaha kicinayo.
Waxay khatar u yihiin infakshanka bakteeriyada haddii qaniinyadu keento xoqida oo uu nabarku dusha kaco.
Waxaa laga yaabaa markaas in la isticmaalo wax lagula dagaalo caabuqa si looga hortago infakshan.
Qaniinyada badankeed waxay degtaa dhowr berri ka dib.
Haddii cuncunku sii socdo, ama nabara badani jiraan, waxaa laga yaabaa inay muhiim tahay in la raadiyo talo dhakhtar si loo xaqiijiyo in nabaradaani aanay ahayn kuwa ay keeneen wax kaleeto balse qaniinyada cayayaanka.
Cudurro ma keenaan?Cayayaannada kala duwan ee dadka qaniino qaar badan ayaa bini'aadanka u soo gudbiyo cudurrada la is qaadsiiyo sida: Kaneecada "Mosquitos" Shilinta (Ticks), Boodada ama caarada (Mites), Dhiqlaha ama kutaanta (Bugs), Injirta (Lice) iyo Huunyada ama tagfida (Fleas).
Waa cilmi gooni ah oo la barto mana ahan wax halkaan lagu soo koobi karo mid walbo cudurrada kala duwan ay keenaan iyo sida loo daaweeyaba, laakiin waxaan isku dayaynaa soona dhawaynaynaa qof walba oo si habaysan oo fudud qoraallo wacyi galin nooga soo diyaariyo.
Tusaale ahaan, shilinta waxay keentaa dhowr cudur oo ay ka mid yihiin:
1- Lyme disease: cudurka ku dhaca maqaarka, lafaha iyo neerfaha oo wato qandho, daal iyo ifilo oo kale waxaana lagu daaweeyaa antibayootik.
2- Rocky Mountain Spotted Fever: Cudur murqaha iyo maskaxda ku dhaco waxaana lagu daaweeyaa antibaayootik.
3- Ehrlichiosis anaplasmosis: waa cudur laatiin ameeriko u badan.
4- relapsing fever: cudur wato qandho siyaad ah, madax xanuun, murqo xanuun, lafo xanuun, qufan iyo firiiric maqaarka ka soo yaaco.
Iyo illaa 8 cudur oo kale oo kala duwan qaarkoodna ay yihiin kuwa halis ah oo qofka u dhiman karo ama u naafoobi karo.
Tusaale ahaan, boodada waxay keentaa xanuun laga qaado qaniinyadeeda oo loo yaqaano "demodicosis" kaasoo jirka barar, cuncun iyo xididada oo soo bararo ayaa lagu arkaa.
Tusaale ahaan, Injirta waxay gudbisaa xanuun jirka ku dhaco oo loo yaqaano "Pediculosis", akhriso qoraal aan uga hadalnay arrintaas hadda ka hor:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,634.0.htmlTusaale ahaan, kaneecadu waxay gudbisaa tobaneeyo cudur oo ay ka mid tahay malaariyada / duumada, qandhada dengue, yellow fever iyo kuwa kale.
Tusaale ahaan tagfida waxay gudbisaa xanuunka daacuunka iyadoo doolliyada iyo bini'aadanka u kala gudbiso.
Haddii aad su'aal caafimaad qabtid iigu soo qor halkaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.htmlhttp://somalidoc.com