Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Maxaa keena taranka raga oo yaraado?

<< < (2/2)

Adow:
waxaan rabay inaa waydiiyo dhaqaatiir maxaa keena in xaniinta bidix ay labo noqoto ayadoon xanuun iyo wax kala ay san jirin markay labo noqotayna ay yaraatay maxaase lagu daawayn karaa waa mahadsan tihiin

SomaliDoc:
Sidee lagu ogaaday in labo xiniinyo ku jiraan qooraha bidix? Ma wax cusub baa mise waa wax aad ku dhalatay oo aad isku ogeyd?
Haddii aadan ku dhalan, ma wax sidii xaniintii oo kale ah oo ka baxsan xaniinta ayaa ku arkaysaa qooraha dhexdooda oo saas ayaa ku tiri xiniin kale ayaa ka soo baxday meesha?!!

Fadlan faahfaahin dheeraad ah ku soo dar su'aashaada.

Adow:
haaaaaa aqii waa xiniin ku dhex jirta mida kale waana dareemaysa in ay tahay xaniin kale xidid baa isku haaya labadooda marka maxay noqonkartaa mise tahay wax dhici kara in labo xiniin ay meel kuwada yaalaan

SomaliDoc:
Waxaan kugula talin lahaa in aad takhtar la xiriirto si marka hore loo hubiyo waxa kale in ay xaniin yihiin ama in ay wax kale yihiin.
Waxaa laga yaabaa cad dheeraad ah ama xididada qooraha oo dhinac u guntamay ama dhiig meesha ku aruuray haddii hadda ka hor jug kaa gaartay xaniinta.
Laakiin qaabka aad u tilmaantay waxay iila egtahay xanuun la yiraahdo Varicocele oo dadka badanaa ku qaldaan in xaniin kale xaniintii hore ku agsamaysanto, laakiin waa xididada arooriyaasha dhiigga ka qaado xaniinta oo barar kadibna yeesho wax kuuskuusan, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3852.0

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version