General Discussions > Feel Free Here

Gabdhaha & Jaceelka

(1/1)

Dr.Noora:
1: Guurku waa tarjumaada Rasmiga ah ee Jaceylka

2: Haweenka waa halxiraalle furihiisu yahay Jaceyl

3: Haweenka qaar wexey isku bedelaan sida dabeysha. 

4: haweenka wanaagsan waa Sanduuqa luul ah oo maalinba quruxdiisa la soo baxaya .

5: haweenta Caqliga badan waxa ay sokor ka dhigtaa oraah kasta oo ninkeeda ku yiraahdo, waxa ayna tuurtaa wixii cusbo ah.

6: ninkii haween ku guursada qurux waa sidii nin iibsaday guri la dhalaaliyay .

7: wax haka sheegin dhadhanka xaaskaaga , waayo markii hore adigaa ku doortee heybadaas.

8.Gabadha waxa ka adag fiiro qurux badan oo uu fiiriyo ninkeeda.

9.Hawenku wexey Jecel yihiin ninka ka qosliya.

10: sadax nooc oo ka mid ah Bani’aadamka awood uma laha inay fahmaan haweenka waxaa ka mid ah nin dulqaad yar, nin xanaaq badan, nin naxariis yar.

11: ninka waxa uu gabadha u sheegaa waxa uu doono , balse gabadha waxa ay ninka ku sameysaa waxa ay doonto .

12: jecloow waa ay ku jeclaaneysaa , waxa ey jeceshaheyna jecloow.

13: si aad u kasbato xaaskaaga waxaad dhageysataa hadalkeeda .

15: Raganimadu waxa ay ku jirtaa inuu ninka raga ah raali geliyo xaaskiisa hadey carooto,  haweentuna waa iney raali gelisaa seygeeda.

16: Haweenta foosha xun waxa ay wajigeeda ku eegtaa Muraayadda , haweenta qurxoon waxa ay wajigeeda ka dhex aragtaa wajiyada kale .

17: qof waliba oo isla weyn waxaa ka dambeeya haween.

18: had iyo jeer la tasho seygaada ka hor inta aadan go’aan qaadan.

19: waxaa muhiim ah inaad fahamto haweentu marka ay ooyeyso sida warqada ay dabeysha u gediso .

20 : gabadha maanta hadii ay is qurxiso waxbey fitneysay , hadii ay dhoolacadeyso layaab ayey dhigtay , hadii ay cunto kariso waa ay dhameystirtay .

21: haweentu waa sidii leer ifaaya hadii ninka uu garto qaabka loo qabsado wadada ayey u ifisay , balse hadii uu gefo waxa ay gubtay labadiisa Gacmood .

21: haku faanin inaad ku wanaagsan tahay cunta karinta , taasi cadeyn u noqon meyso wax walba.

22: haweenka waxa kasbada qofkii u naxariista.

23: haweenka waxa ugu caqli badan tan fahamta ninkeeda waxa uu rabo intuusan xata sheegin, ragana sidoo kale.

24: Calaamadaha Jaceylka dhabta ah ee Ninka waa dhiiranaan , haweentuna waa xishood.

25: Waqtiga Shukaansiga wiilka waa uu hadlaa gabadhuna waa ay dhageysataa , xiliga guurka caruusadu waa ay hadashaa , caruuskuna waa uu dhageystaa , guurka ka dib waa ay wadahadlaan labaduba deriskuna waa uu dhageystaa .

26: raggu waxa ay awoodaan inay ka qosliyaan dumarka.

27: Farxada dumarka wexee ku jirtaa quruxdooda, awoodoodana akhlaaqdooda 

28: Hawenka waxey jeceshahey ninkeeda marka hore, marka dambana ilmaheeda.

29: markuu Jaceylku guriga joogo , qalbigu waxa uu noqdaa mid diiran .

30: haweenka waa sida midabka gidaarka oo kale oo sanad kasta isbadal lagu sameeyo.

31: afadu waa midda ilaalisa dhamaan wixii uu u sheegey seygeeda .

32: ka hor guurka ninka jecel gabdha, kadib guurkana iyada jecel ninka.

33: Ninku waxa uu jaceylyahay in haweentu ay fahamto , iyaduna waxa ay dooneysaa inuu jeclaado .

34: Xulashada haweenka waa sidii dagaal aad galeyso oo aadan ogeyn dhibka iyo dheefka aad kala kulmeyso.

35: haweenta wanaagsan waa buug xiran , aanu aqrin Karin ilaa iyo ninkii horey u xushay mooyee.

36: waxa ugu qurux badan guurka waa ixtiraamka.

37: ninka markuu Jacelyahay haween waxa uu u sameeyaa wax kasta , marka laga reebo sii ambaqaadka jaceylka kaligeeda ah mise ku kooban .

38: haweenku waa ay fahmaan ragga , laakiin waxa is fahma waa haween .

39: Ninka wuxuu rajeeyaa farxada, haweentana wey sameysaa farxada. 

40: waxa ugu macaan haweenka waa sheekadooda , raggana waxaa ugu weyn midkii leh dhego wax lagu maqlo.

41: gabadhu waxa ay dunida ka dalbataa waa nin , hadii ay hesho wax kale uma baahna .

42: nin kastoo guuleysta waxaa ka dambeeya haween dhiiri gelisa .

43:Ninka raga ah waa ninka raga ku ad adag xaaskiisana u jilicsan.

44: hadii aad dooneysid inaad waasho haween , waxaad ka yeeshaa maalintaa oo idil muraayad la’aan .

45: nolosha qof waliba waxaa ugu dhib badan laba shey , kan koowaad waa marka uu la’yahay jaceyl , tan labaadna waa marka uu helo .

46: haweenka waxey wax ku jeclaadaan dhagahooda, Ragana indhahooda.

47: Jaceylka gabdhah wuxuu u yahay iftiinka nolosha, ninkana siduu ku gaari lahaa gabadhaas. 

48: dhunkashada waa wadada kaliya ee mararka qaar hadalka ka hakin kara dumarka .

48:Gabdha waxey rabto dhakhso ma sheegto, ninkana waxba ma sugo.

49: Jaceylka ma aha hadal, laakiin waa ficil.

50 : guurku waa dhabaha kaliya ee lagu ogaado qofka nabadda Jecel.

51: hadii Jaceylku noqon lahaa badeeco lama heleen qof iibsada .

52: hala doodin haween careysan waayo waxa ay kaa lumineysaa waqti , hala doodin sidoo kale haween raalli ah waayo waxaad ka lumineysaaa waqtigeeda.

53: haweentu hadii ay layaabto ninka aamusnaantiisa , waxa ay moodaa inuu iyada ka aamusan yahay.

54:Gabar walba wexey jeceshahey ninka aabaheed shabaha.

55: haweenka oo idil waa ay qurxoonyihiin ilaa iyo inta laga guursanayo.

56:Dumarka guurka wey ka cabsadan, ragana guurkaa wax walba uga fudud. 

57: qalbiga haweenku waa sida jawharad aan la garan karin wanaagiisaa ilaa  marka la tijaabiyo.

58:Haweenka tan ugu tabar yar wexey maamushaa nin laga baqo. 

59:Haweenka waa farxada asaaskeeda. 

60 : xaaskaaga yaaney dooran indhahaaga , ha doorato dhegahaaga .

Munim:
Shukran Dr Noora cala mowduucak algamid, bilmunasabah adiga aad baa noola shaqaynaysaa hadii aan nahay male oo asraartii Femaleka daaha ayaad ka qaaday tasoo awood u siinayso male in ay dumarkoda si xikmadaysan ula dhaqman si labada dhinac ay nolasha ugu wada raaxaystaan.

With my Best regards 4 U.

Dr.Noora:
Alcafw ya Dr Munim for the incoragement , bes leesh mataquul inaa dumarka aad ula shaqeenaayo si eey raga u fahmaan si gabdhaha aduunka dhan ugu noolaadan farxad and Sacada , that is what i hope in Qalbi , ...

waxaan kurajeynaya nasiib wanaagsan in ur own life..

Dr:Noora

MISK:
موضوع جميل اختي نورة مشكوووووووووووووورة اوي واتمنى لك كل خير

Navigation

[0] Message Index

Go to full version