Author Topic: Guuxa Dhagaha ka Baxaya (Tinnitus)  (Read 63091 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Jamayassin

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Guuxa Dhagaha ka Baxaya (Tinnitus)
« on: February 23, 2009, 08:34:12 AM »
S.c

Salaan kadib, walalyaal waxan rabay inan wax ka ogaado xanuunka i haya ee Ah Tinnitus oo i haya muddo Afar sano ah. dhamaan dhakhaatiirtu waxba way ka garan waayo midkasta isagoon wax baadhitana samayn buu dawooyin ku qoraya waxan jooga Hargeisa ilaa Adis baan tagay wax is badalana ma hayo.

Qanjidhada sare baa aad ii  bararay markii la i baadhayna TB-da qanjidhada la iga helay waxanan moodayey inay iyadu sababtay laakin hada oo 4 bilood aan dawada isticmaalayey Bararkina iga tagay wali dhagihi Guuxi baa ka baxaya waxna maqli maayo.

Xanuun kale iyo dhibaato kale oon ku qaba ma jirto wax samayn ah oon ka ahayn inanan wax maqlayn iguma hayaan.

Jama Yassin.
Hargeisa




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Guuxa Dhagaha ka Baxaya (Tinnitus)
« Reply #1 on: February 25, 2009, 09:47:42 PM »


Tinnitus ama guuxa dhegta waa cod la maqlo iyadoo aysan jirin wax dhawaaq dibadda dhegta ah.

Guuxa waxaa laga maqli karaa hal dheg, labada dhegood ama gudaha madaxa.
Guuxa aad maqlaysid maahan cudur ee waa calaamad tilmaamayso cudur jiro, cuduradaasoo kala duwan.

Cudurrada keena guuxa dhegta waxaa ka mid ah:
1- Hurgunka bartamaha dhegta
2- Qashin kaa galay dhegta ama dhukay ku raagay
3- Dhibaatooyinka gaara qanjirka troodhka
5- Yaraanta fitaamiinka B12
6- Cudurrada maskaxda sida isku buuqa iyo diiqada.
7- Jug gaartay madaxa
8- Xuubka dhegta oo dillaacsan.
9- Daawooyinka qaar sida (Asprin, Gentamicin, Chloramphenicol, Erythromycin, Tetracycline, Vancomycin, Kanamycin, Sterptomycin, Bleomycin, Interferon, Methotrexate, Vinctistine, Chloroquine, Quinine Iyo Dareeriyaha Furosemide.
10- Cudurka dhiig-karka oo aan xakamaysnayn

Guuxa laga dareemo dhegaha wuxuu la kordhaa da'da qofka, wuxuu kaloo qofka dareemi karaa cadaadis ka saaran dhegaha.

Talo ahaan waxaan kula talinayaa Jaamac in aad u tegto Dhakhtar dhagaha, cunaha iyo sanka ku taqasusay "E.N.T doctor" ama dhakhtar ku taqasusay cilmiga maqalka (Audiologist) si loo ogaado waxa kuu keenay guuxaan maadaama isaga laf ahaantiisa uusan ahayn cudur.

Guuxa badanaa waxaa aad loo dareemaa habeennada maadaama buuqu uu yaryahay wuxuuna buuqa siyaadaa marka aad daalan tahay.

Inkastoo ay jiraan geedo daaweed badan oo loo isticmaalo yaranta iyo joojinta guuxa dhegta laakiin maahan kuwo si rasmi ah loogu daaweeyo guuxa dhegta. Guuxa dhegta maahan mala awaal ee waa wax jira una baahan daaweyn waxayna ku xirantahay cudurka keenay in la helo.

Talooyin:
  • Waxaa looga hortagi karaa guuxa dhegta iyadoo dhegta laga nadiifiyo dhukeyga s uusan u xerin.
    Akhriso qoraal ku saabsan faa'idada dhukeyga uu leeyahay jirka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7183.0
  • Xifdi maqalkaaga haddii aad ka shaqeyso meel buuq badan adigoo iska ilaaliya dhawaaqa iyo codadka dhaadheer.
  • Daawooyinka u qaado sida dhakhtarka kuugu qoray.
  • Waxaad guuxa ku yarayn kartaa adigoo ka fogaado buuqa, daalka iyo diiqada inkastoo guuxa joogtada laftirkiisa uu keeni karo niyad jab iyo nolol naceeb.
  • Xakamay cadaadiska dhiigga, yareynta cunidda cusbada iyo cabidda kaffeeyga.
  • Jooji cabidda sigaarka.
  • Iska yaray isticmaalidda Aspirin-ka.
  • Daawooyinka aad qaadanayso kala tasho takhtarkaaga, maadaama daawooyinka qaar ama ay maqalka tiraan.
  • Guuxa dhegta wuu iska baabi'i karaa daawo la'aan, marmarka qaarne wuxuu calaamad u noqon karaa dhego-beelis.

Haddii ay jiraan su'aalo kale oo dheeraad ah, halkaan ka weydii
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Balqiisahaaji

  • Newbie
  • *
  • Posts: 23
  • Points: +0/-0
Re: Guuxa Dhagaha ka Baxaya (Tinnitus)
« Reply #2 on: May 28, 2015, 12:15:34 AM »
sc docter allaha kheer  ku siiyo wllo aniga dhagaha  dhagaha way icun cunaan  markastana waxaan jeclahay inaan xoqo markan xoqayo aniga waxaan  guuxaa guux afkaa wllo allaha ku xifdiyee iso jwb siden yeelaa

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Guuxa Dhagaha ka Baxaya (Tinnitus)
« Reply #3 on: May 28, 2015, 10:12:35 PM »
Dhagaha oo ku cuncuno waxay astaan u noqon kartaa caabuq gudaha dhegta aha ama in dhukay uu ku xirmay, haddii aadan qandho lahayn ama dheecaan dhagta ah ama maqalka oo is badalay, dhagaha iska nadiifi oo siticmaal alaabta lagu nadiifiyo oo suufka wadato, ha isticmaalin qori ama wax kale oo dhaawici kara dhagahaaga.

Laakiin haddii ay la socdaan astaamaha aan kuu soo sheegay mid ka mid ah, fadlan la xiriir dhakhtar dhagaha si lagaaga eego.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Caanaha naaska dhagaha ilmaha malagu shubi karaa?

Started by BalqiisahaajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12470
Last post February 06, 2016, 02:44:30 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!

Started by Zaki Cade20Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 15072
Last post January 14, 2016, 02:14:59 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!

Started by Maanka007Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 7826
Last post February 06, 2016, 05:42:34 PM
by Maanka007
Suaal ku saabsan xanuunka dhagaha ku dhaca

Started by Hussein FowzzyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 12862
Last post February 17, 2016, 03:42:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qaabkee loo daweenkaraa maqalka dhagaha?

Started by FeysalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5115
Last post November 29, 2016, 03:32:42 PM
by SomaliDoc