Author Topic: Sonkorowga Uurka (Gestational Diabetes)  (Read 36174 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Sonkorowga Uurka (Gestational Diabetes)
« on: February 25, 2009, 10:06:56 PM »


Waa Maxay Saraynta Sonkorta Dhiigga?
Saraynta sonkorta dhiigga macnaheedu waa macaanka (sonkorta) oo ku badan dhiigga. Waxaa kale ood maqli kartaa erayga "Hyperglycemia." Haweenka qaba sonkorowga haddana Uurka yeesha, iyo haweenka ay sonkorta ku dhacdo intay uurka leeyihiin, oo la yiraahdo Sonkorowga uurka waxay u baahan yihiin inay heerka sonkortooda xukumaan.
Haweenka uurka leh, heerka sonkorta dhiiggu waxay u baahan tahay in lagu hayo xadka qiyaasta oo yar una dhexeeysa 60 ilaa 120. Subaxii markaad toosto ugu horaysa, sonkorta dhiiggaaga waa inay ahaato 60-100. Marka aad cabirto sonkortaadu cuntada ka hor waa inay noqotaa 60-105, iyo 2 saac ka dib cuntada, 60-120. Markasta oo sonkortaadu ka badan tahay 120, aad ayey ugu badan tahay Uurka.
Haddii ay wakhtiga Uurka sonkorta kor u kacdo, waxaa surtogal ah in ay dhib u keento hooyada iyo cunuggaba.

Dhibaatooyinka cunugga:
Dhibaatooyin wadnaha, lafdhabarka iyo xubnaha kale oon si fiican u sameysmin bilaha hore ee Uurka hadday hooyadu qabtay saraynta sonkorta dhiigga markay Uurka yeelatay.
Sonkorta aad ugu badan hooyada waxay cunugga u keenta isago aad u weynaada oo keena:
  • Sambabada cunugga oo si ayar ah u kora
  • Khatar in uurka dhicisoobo
  • Khatar dhaawac inta dhalidu socoto
  • Hoosayn sonkorta dhiigga oo cunugga marku dhasho
  • Khatar ilmaha uurka ku dhinta
Dhibaatooyinka hooyada:
  • Hadday hooyadu si xun u kontroshay sonkorowga Uurka wuxuu dhibaato gaarsiiyaa indhaha, kaliyaha ama wadnaha, way ka sii xumaan karaan inta uurku socdo.
  • Gariir iyo miyir doorsoomid ayaa aad caan ugu ah. Cadaadin badan ayaa kaliyaha ku dhacay tanina waxay keeni kartaa dhiig kar, barar iyo dhalid soo hormarta.
  • Haddii cunugu wayn yahay oo keentay saraynta sonkorta dhiigu,qallin (uur-doox) baa laga yaaba in looga dhaliyo.
Maxay Saraynta Sonkorta Dhiiggu u Dhcdaa?
Inta uurku socdo, jirkaagu wuxuu u baahan yahay Insulin badan, khaasatan saddexda bilood oo ugu dambaysa.Waxaa jira dhowr sababood oo keenta saraynta sonkorta dhiigga. Sababaha ugu caansan inta uurka socdo waxaa ku jira:
  • Isbedelka hormoonaha inta uurku socodo
  • Adiga cuna cunto ka badan qorshahaaga cuntada
  • Cunida cunto sonkorta ku badan yahay ama karbohaydraytku ku badan yahay
  • Qaadasho la'aan daawo kugu filan (insulin)
  • Dhaafid, ka boodid ama ka daahida daawada (insulin)
  • Walaac
  • Hurgun/cudur
  • Helitaan la'aan jir-dhis ku filan

Waxaa xataa dhici karta marar aadan u helayn sababta keenta saraynta sonkorta dhiigga.

Sidee Baan Dareemayaa Marka Sonkorta Dhiiggu Aad U Sarayso?
Ma dareemaysid wax gooni ah marka sonkorta dhiigaagu aad u sarayso.Waa sababtaas waxay ay muhiim u tahay inaad fiiriso sonkorta dhiigaaga sida ay dhakhtarkaaga iyo kalkaalisadaadaba kugu waaniyaan. Inta badan haweenka uurka lehi ee sonkorowga qaba waxay fiiriyaan sonkorta dhiigooda 4-8 goor maalin kasta, cuntada ka hor iyo 2 saac cuntada ka dib.
Haddii heerka sonkorta dhiigaagu ay ka kormarto 120 sedex beri ka badan oo isku xigta adiguna aad raacayso cuntadaadii, waa inaad la xiriirta dhakhtarkaagii ama kalkaalisadaadii. Waxaa laga yaaba inaad u baahan tahay insulin inaaad bilowdo ama haddii aad insuliin qaadato, qiyaastaada waa in la bedelaa.

Maxaan Sameeyaa Markaan Qabo Saraynta Sonkorta Dhiigga?
Sida ugu wanaagsan ee lagu daaweeyo saraynta sonkorta dhiiggu waa adigoo isu dheeli tira cuntada, jimicsi iyo/ama insuliinka.

Sidee Baan Uga Hortagi Karaa Saraynta Sonkorta Dhiigga?
Waxaad uga hortagi karta saraynta sonkorta dhiigga adoo raaca qorshaha sonkorowga.
  • Raacida qorshahaaga cuntada
  • Qaadashada insuliinka sidii laguu faray
  • Sonkorta oo joogto u baartid
  • Raacida xarakaadkaaga iyo jimicsigaaga si joogto aha
  • La xiriirida dhakhtarkaaga haddaad aragto calaamada saraynta sonkorta dhiigga.
  • Raacida qorshaha xanuunkaaga haddaad xanuunsantahay.

Haddii aad qabtid su'aalo ku saabsan qoraalkaan, halkaan ka waydii.
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Sidee uurka looga hortagi karaa hadduu dhakhtarka ku taliyo?

Started by CeeblaaweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 75380
Last post June 28, 2015, 11:26:21 AM
by SomaliDoc
Su'aal: maxaa sababa gabadha uurka leh oo aan kaadida xejin karin?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 39610
Last post March 30, 2011, 01:35:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haween uurka laga joojiyay, masiin karaa plis 21?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 20424
Last post May 14, 2011, 10:14:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xulbadu maxay u tartaa hooyada uurka leh iyo ilmaha uurjiifka ah?

Started by FarhyaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25808
Last post July 05, 2016, 11:28:25 AM
by SomaliDoc
haweenka uurka leh dawooyinka antibiotics-ka dhib ma u keenaysaa?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32352
Last post June 22, 2009, 08:13:49 AM
by Cmqalinle