Author Topic: Kateetarka Foley (Foley Catheter)  (Read 21057 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Kateetarka Foley (Foley Catheter)
« on: March 09, 2009, 11:53:42 AM »
Kateetarka Foley waa tubbo la geliyo kaadi haysta si kaadida jirka looga soo saaro. Kateetarka foley wuxuu ku jiri karaa kaadi haysta saacado ama toddobaadyo.
 
Kateetarka oo lagu gelinayo
1. Waxaa lagu weydiin doonaa inaad seexato.
2. Kalkaalisada ayaa nadiifin doonta maqaarka ku xeeran daloolka meesha ay kaadidu kaga soo baxdo jirkaaga.
3. Kateetarka ayaa la gelinayaa daloolka ka dibna si tartiib ah loogu riixayaa kaadi haystaada. 
4. Marka uu kateetarku gaaro kaadi haysta, buufin yar oo meesha ugu sarreysa ku yaalla ayaa biyo nadiif ah laga buuxinayaa. Buufinku kateetarka ayuu meesha ku haynayaa kana celinayaa inuu dibedda kaadi haysta uga soo baxo.
5. Kateetarka waxaa lagu xirayaa bac soo ururineysa kaadidaada.
6. Bacda waxaa lagu sii xirayaa sariirtaada ama dharkaaga.
 
Daryeelka inta uu kateetarku kugu jiro
• Gacmaha saabbuun iyo biyo isaga dhaq markaad kateetarka hawl ka qabato ka hor iyo ka dib.
• Nadiifi maqaarka ku xeeran kateetarka maalin kasta.
• Nadiifi maqaarka iyo kateetarkaba mar kasta oo aad saxarooto ka dib.
• Bacda kaadida ku xafid meel ka hooseysa sinaha si aad uga dhowrto in kaadidu dib ugu soo noqoto kaadi haysta oo ka soo noqoto bacda kaadida iyo tubbada. Dib u soo noqoshada kaadidu waxay keeni kartaa cudur.
• Xiro nigis suuf ah si aad u oggolaatid hawo isu socota oo engejisa cawradaada.
• Cab ugu yaraan 8 koob oo biyo ah ama cabitaanno ah maalin kasta. Ka fogow cabitaannada kafeyiinta leh, sida shaaha, qaxwada iyo koollooyinka.
• Tubbada ha soo jiidin. Ha ku istaagin tubbada marka aad soconeysid.
Waxaa laga yaabaa in aad dooneysid qabato ama biin inaad tubbada kula xirto dharkaaga. Xaqiiji in biinka ammaanku uu maro kateetarka dhinacyadiisa ee uusan dhex marin.
• Marka aad sariirta aadayso, sur bacda kaadida sariirta dhinaceeda ama geeska sariirta. Xaqiiji in aad bacda ku hayso heerka ka hooseeya sinaha.
• Tubbada ka ilaali laalaab ama wareeg.
• Kala saar kateetarka iyo tubbada keliya si aad u beddeshid bacda kaadida. 
 
Sidee loo nadiifiyaa meelaha ku xeeran kateetarka
1. Gacmaha biyo iyo saabbuun isaga dhaq.
2. Nadiifi maqaarka u dhow kateetarka. Qaado dhar wax lagu dhaqo oo nadiif ah ka dibna ku qoy biyo diirran iyo saabbuun. Si tartiib ah u dhaq meelaha ku xeeran daloolka ay kaadidu ka soo baxdo. 
3. Qabo dhammaadka kateetarka si aad uga ilaaliso inuu soo jiidmo. Dhaq meelaha ku xeeran kateetarka si aad meesha uga saarto wixii dhiig ah, qolof ah ama dheecaan ah. 
4. Meelaha ku xeeran futada ku dhaq dharka wax lagu dhaqo iyo biyo diirran. 
5. Cawrada ku engeji shukumaan nadiif ah.
6. Kateetarka sharooto kula dheji meel sare oo lugtaada ah si aad uga ilaaliso inuu soo siibmo. Xaqiiji iney jirto tubbo gelin ku filan si markaas kateetarku uusan u siibannin markaad lugta dhaqaajiso.
 
Cabbiridda kaadida laga soo qaatay bacda kaadida
Bannee bacda kaadida marka ay soo gaarto 2/3 ama ugu yaraan 8-deeddii saacadoodba mar. 
1. Haddii ay tahay in aad diiwaan geliso xaddiga kaadida, weel wax lagu cabbiro dhig dhulka kugu xiga. Haddii ay tahay inaadan diiwaan gelinnin xaddiga, waxaad kaadida ku banneyn kartaa musqusha.
2. Dareerka ka saar meesha ugu hooseysa ee bacda kaadida adigoon taabannin meesheeda ugu sarreysa. Fur isu hayaha dareerka.
3. Kaadida bacda dibedda uga soo saar kuna shub weelka ama musqusha. Tubbada ay ka dareereyso yeysan meelna taabannin.
4. Marka ay bacdu marnaanto, dhammaadka dareerku ka soo baxay ku nadiifi biyo iyo warqad wejiga la isaga tiro. Isu hayaha xir ka dibna kaadi saaraha geli celiyihiisii ku yaallay meesha ugu hooseysa bacda kaadida.
5. Haddii ay tahay in aad cabbirto xaddiga kaadida, diiwaan geli inta kaadi ah ee weelka ku jirta. Weelka cabbiridda ku bannee musqusha. Biyo nadiif ah raaci.

Beddelidda iyo nadiifinta bacdaada kaadida
1. Soo qaado bac kaadi oo cusub oo nadiif ah oo tubbo gelin leh.
2. Isu-hayaha geli tubbada kateetarka ee u dhow dhammaadka ee ku xirta tubbada bacda kaadida. 
3. Kateetarka ka soo saar tubbada bacdii hore. 
4. Dhammaadyada tubbada bacda cusub iyo kateetarka ku nadiifi aalkolo ka hor inta aadan dib isu gelin. 
5. Kateetarka ku xir bacda cusub. 
6. Fur isu-hayaha ku xiran tubbada kateetarka.
7. Biyo diirran raaci bacdii hore.
8. Bacda ka buuxi 2 qaybood oo khal cad ah ilaa 3 qaybood oo biyaha tubbada ah. Milanka khasha iyo biyaha ku dhaaf bacda ugu yaraan 20 daqiiqadood. Waxaad isticmaali kartaa midab tiraha koloriinta halkii khalka aad ka isticmaali lahayd.
9. Bacda bannee oo biyo raaci. Meel sur oo soo foorari una daa in hawadu engejiso.
10. Marka ay bacdu engegto, ku kaydi bac balaastik ah oo nadiif ah ilaa aad diyaar uga noqoto inaad mar kale isticmaasho.
 
Iska saaridda kateetarka
Takhtarkaaga ama kalkaalisada ayaa kaa saari doona kateetarka marka aan dib danbe loogu baahneyn. Saliinge ayaa loo isticmaali doonaa in meesha looga saaro biyaha buufinka ee ku jira kaadi haystaada. Kateetarka ayaa ka dibna si fudud dibedda loogu soo jiidayaa.
 
Xallinta Dhibaatada
• Haddii kateetarkaagu uusan dhibcaha soo saareynin:
─  Hubi si aad u aragtid haddii tubbadu ay maroojisantay ama laabantay.
─  Arag haddii aad ku jiifto kateetarka ama tubbada.
─  Xaqiiji in bacda kaadidu ay ka hooseyso heerka sinaha.
• Haddii kateetarkaagu uu soo baxo ama dareere deynayo:
─  Tuwaal ama cad biyaha celiya is hoos dhig. 
─  Ha isku dayin in aad kateetarka dib meesha ugu celiso.
 
Isla markiiba takharka wac haddii:
• Kateetarkaagu uu dibedda u soo baxo ama uu dareere deynayo.
• Ay kaadidaadu isu beddesho mid culus ama daruur oo kale ah, ama ay
jirto malax ama dhiig la socda.
• Ay kaadidaadu ur xooggan leedahay.
• Aysan wax kaadi ah kateetarka ka imaannin 6-8 saacadood.
• Uu xanuun ama gubasho ay kaa hayso kaadi mareenka, kaadi haysta ama dhinaca hoose ee dhabarka.
• Aad isku aragto lulasho ama qar-qaryo ama heerkulkaagu uu ka sarreeyo 101 darajo F ama 38 darajo C.

Halkaan ka weydii haddii aad wax su'aalo ama walaacyo ah qabtid.
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: