Author Topic: Kansarka Sambabka (Lung Cancer)  (Read 33426 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Kansarka Sambabka (Lung Cancer)
« on: March 09, 2009, 12:04:44 PM »


Sambabadu waa xubnaha jirka ee inaga gargaara neefsashada. Waxay oksijiin siiyaan dhamaan unugyada jirka.
Unugyada kansarku waa unugyo aan caadi ahayn. Unugyada kansarku way ka korniin badan yihiin waana ay ka iskala-qaybin badan yihiin unugyada caafimaad qaba.
Unugyada kansarka qaarkood waxay sameyn karaan goobo loo yaqaano burooyin.
Kansarka sambabku waxay dhacdaa marka unugyo ku jira wadnaha is beddelaan oo ay noqdaan kuwo aan caadi ahayn.
Unugyada kansarka sambabku waxay ku safri karaan dhiigga ama dheecaanka jirka oo ay degi karan goob ama xubin kale ee jirka ah, waxaa tan loo yaqaanaa  "metastasis".

Qodobada Halista
Waxa aad halis dheeraad ah u tahay kansarka sambabka:
  • haddii aad cabtid sigaar
  • haddii aad neefsatid qiiqa sigaarka ee dad kale cabayaan
  • haddii ay ku soo gaarto asbestos, neefta radon ama hawo wasakheysan oo badan
  • haddii uu jiro qof ehelkaaga ah oo ku dhacay kansarka sambabka

Calaamadaha
Kansarka sambabka ee cusubi ma laha wax calaamado ah. U tag dhakhtarkaaga haddii aad leedahay mid ka mid ah calaamadahan:
  • Qufac aan tagaynin
  • Dhiig aad soo qufacdid
  • Neefsashada oo dhib kugu ah
  • Xiiq
  • Rabitaanka cuntada oo luma iyo miisaan lumis
  • Daal weyn oo aad dareentid

Noocyada Kansarka Sambabada
Waxa jira 2 nooc oo waaweyn oo ah kansarka sambabka. Nooc kasta si gaar ah ayuu ku koraa, u fidaa, loona daweeyaa.
  • Kansarka Sambabka ee Aan Ahayn Unug Yar (Non-Small Cell Lung Cancer)
Kani waa nooca ugu badan ee kansarka sambabka. Waxuu u koraa oo u fidaa si ka gaabis badan kuwa kale.
  • Kansarka Sambabka ee Unug Yar (Small Cell Lung Cancer)
Noocan ah kansarka sambabka waxuu u koraa oo u fidaa si ka dhakhso badan kuwa kale.

Daryeelkaaga
Dhakhtarkaaga ayaa kuu sameyn doonaa baaritaan jirka ah oo fiirin doona sambabadaada iyada oo la isticmaalayo baaritaano ay ka mid yihiin:
  • Raajo laabta ah
  • Sawirid computarka ah "Computerized Tomography"? (CT) ama "Magnetic Resonance Image" (MRI)
  • Sawirid ah "Positron Emission Tomography"? (PET)

Sidoo kale, waxa lagaa qaadi karaa qayb yar oo ah cad iyo dheecaan (biopsy). Qaybo yaryar oo ah burada (biopsy) ayaa la qaadaa si loo ogaado nooca kansarka aad qabtid. Warkaasi waxa uu dhakhtarkaaga ka caawin doonaa in la qorsheeyo daweyntaada. Ikhtiyaarka daweynta ayaa lagaala hadli doonaa. Daweynnada ugu badan waxa ka mid ah:
  • Qalitaan lagu saaro burada iyo cadka u dhow
  • Daweyn ah shucaac si loo burburiyo unugyada qaba kansarka
  • Dawooyin ah kiimiko (chemotherapy) si loo burburiyo unugyada qaba kansarka
  • Isku-dar ah daweynadaa

Akhriso Kansarka Hunguri Mareenka oo soomaalida aad ugu badan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5500.0.html

Haddii aad qabtid su'aalo caafimaadka ku saabsan iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0

http://somalidoc.com[/list]


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Prostate infection iyo prostate cancer?

Started by Mustafe MadooweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9748
Last post December 20, 2018, 10:10:24 PM
by SomaliDoc
Combination of a new oral Vinorelbine pluz Trastuzumab 4 anti breast cancer

Started by AbdicadeBoard Pre-Pharmacy and Pharmacy

Replies: 1
Views: 24381
Last post April 25, 2009, 07:21:16 AM
by hanad_1987
Daawo Filin: Baraarujinta Kaankarada Naaska (Breast Cancer Awareness)

Started by AdminBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 2
Views: 40554
Last post May 28, 2015, 10:04:42 PM
by SomaliDoc
3-D Mammography Adds New Dimension to Breast Cancer Screening

Started by MankayBoard Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 8537
Last post January 02, 2008, 11:19:47 PM
by Mankay
Young cancer survivors face future hurdles

Started by dr-awaleBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 7698
Last post September 22, 2009, 03:44:04 PM
by dr-awale