Calaamadaha aad dareemeysid, baaritaannada lagugu sameeyay iyo xaaladda lagaa helay intaba way is leeyihiin.
Urethral stricture waxaa laga wadaa "Ciriiriyowga Ibta".
Penile urethral stricture: waxay tilmaamaysaa in ibta guska dhexdiisa ah ay cariiri noqotay taasoo ku badan dhalinyarada, qeybta kale waa midda qanjirka prostate-ka ku aadan waxayna ku badantahay dadka waaweyn, midda dadka waawayn ka akhriso halkaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1105.0Ciriiriyowga ibta waxaa keeno dhaawac ibta gaaray hadda ka hor kadibna bogsaday ama cudur ku dhaco sida infekshanka ibta (Urethritis).
Maxaa keeno Ciriiriyowga Ibta?Waxa ugu badan ee keeno waa caabuq ibta ku dhacay, caabuqyada ibta ku dhaco waxay ku badan yihiin dhalinyarada, waana sababta ciladaan badanaa dhalinyarada loogu arko ama xilliga dhalinyarannimada ay billaabato, caabuqyada dhibka keeno waxaa ka mid ah kuwa galmada lagu kala qaado sida cudurka Jabtida, cudurka kalamiidiyaha iyo cudurro kalaba, cudurradaan waxay caabuq ku dhaliyaan ibta, kadibne waxaa qofka ka yimaado dheecaan soconayo dhowr maalmood ama usbuuc, taas ayaa keenayso in caabuqaan uu boog ka dhigo ibta, kadibne qaab haaro leh ayay u bogsataa, halkaas ayuuna ka imaadaa ciriiriyowga.
Akhriso qoraal ku saabsan Jabtida:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1030.0.htmlAkhriso qoraal ku saabsan Kalamiidiyaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1040.0Calaamadaha waxaa ka mid ah:- Xanuun marka aad kaadinayso.
- Awood darro inaad faaruqiso kaadiheysta.
- Kaadida oo gantamin oo tistisleyso.
- Kaadida oo kugu go'go'do.
- Dhowr jeer oo aad kaadiso maalintii iyo habeenkii.
Haddii aan la daaweyn cilladaan, waxay keeni kartaa in kaadida dibu ugu laabato killida, kadibne ay barar keento "Hydronephrosis"
Dhibaatooyinka gadaal ka yimaado waxaa ugu caansan haddii dhibka in muddo ah jiro:- Kaadida oo kugu ceshoonto.
- Ibta oo malaxaysato.
- In ibta ay faruuranto (Fistula).
- In dhagax ku samaysmo kaadimareenka.
- Eerno iyo baabasiir oo ka dhasho jiirashada kaadida awgeed.
Waxaa lagu garan garaa cudurkaan 2 baaritaan:
1- Urethroscopy: Weyneyso lagu eego ibta.
2- Urethrography: Raajo lagu eego ibta.
Daaweynta waa laba nooc:1-Weyneyn la adeegsanayo qalab loogu talo galay ibta.
2-Qalliin oo lagu soo jarayo hilibka ama waxa ciriiriga ka dhigay ibta.
Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah, iigu soo dir qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0http://somalidoc.com