Author Topic: Su'aal: Maxaa keeno dhuusada badan?  (Read 56945 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Ifraax

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Maxaa keeno dhuusada badan?
« on: May 29, 2009, 03:23:48 PM »
asc walalayaan waxaan rabaa in aada iga kaalmeesan su ashaan waxaan isku arkayaa in muda 5 bilood ah dhuuso bara badan taas oo an umalenayay in ey tahay wax aan cuno bal marka aan u kuurgalay eesan aheen wax aan cunee ee an umaleyay dhanka caloosha maxaa yeelay caloosheeda mar mar qaar wey qelineysaa xataa hadii oo qof i ag fadhiyo wuu maqli karaa mid kalena saxaradeda marna weey adagtahay marna waa jilee lakin waxaan garan lahay ilaa hada sida caloosheeda u aryo badantahay fadlan iga soo jawaba su ashan sida oogu dhaqsida badan oo ad u awoodan thanks




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keeno dhuusada badan?
« Reply #1 on: May 29, 2009, 09:03:18 PM »


Dhuusada waa wax si dabiici ah u yimaada iyadoo aanan cudur tilmaamin, laakiin waxay noqon kartaa mid xad ka bax ah oo qofka u keeni karta walwal iyo yaxyax khaas ahaan markuu la joogo dad.

Dadku way ku kala duwan yihiin inta jeer ay dhusuaan maalintii, ma jirto tiro go'an oo la rabo qofka in aysan dhuusadiisa ka yaraato ama ka badato.

Maxaa keeno dhuusada caadiga ah?
Qofka markuu laqayo biyaha, cunanda ama calyada waxaa badanaa soo raaca hawo, hawadaas waxay ku aruurtaa caloosha iyo mindhicirrada, markay caloosha cunanda shiidaysane waxay samaysaa hawo.
Hawadaas ku timid labada siba waxuu jirka u baahan yahay in uu iska saaro, sidaas ayayna dhusuada ku timaadaa.
In qofka uu dhuuso waa caafimaad.

Marmarka qaar waxaa dhacda in aadan dareemin dhuuso in ay kaa timid, maadaama ay aad u yaraan karto oo aysan cod samaynaynin, wax urne aysan lahayn.
Qasab ma ahan in dhuusadu aysan urin, dhuusooyinka qaar way uri karaan haddii ay ka dhasheen cunanda aad cuntay in ay ku jiraan wax dhuusada uriyo sida maadada "sulphur-ka"

Dhuusada badan maxaa keeno?
Dhuusada badan waxay ka timaadaa dhowr xaaladood oo kala ah:
  • Adigoo liqa hawo aad u badan
  • Adigoo cuna cunno calooshu aysan shiidi karin ama cillad dheefshiid aad qabto, akhriso waxa dheefshiid xumadu ay tahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3218.0.html
  • In ay jirto cillad ku dhacda caloosha ama mindhiciarrada sida cudurka gaaska iyo mindhicirrada kacsan.
Akhriso qoraal ku saabsan cudurka Gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html
Akhriso qoraal ku saabsan mindhicirrada kacsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3417.0.html

Goorma ayay muhiim tahay in aad aragto dhakhtar?
Inkastoo aysan jirin tiro la isku ogyahay oo haddii ay dhuusada ka badato ay muhiim tahay in aad dhakhtar aragtid laakiin haddii aad isku aragtid waxyaabahaan soo socdo dhakhtar la xiriir:
  • dhuuso la socoto calool majiir ama dibbiro ama daaco badan ama caloosha oo shanqarayso
  • dhuuso la socoto shuban ama calool fadhi
  • dhuuso la socoto in saxarada uusan qofka ceshan karin
  • dhuuso la socoto saxaro dhiig
  • dhuuso la socoto qandho, matag, kalgoysyo xanuun iyo qarqaryo.

Dhuusada maxaa lagu yareeyaa?
Haddii aysan dhuusadaadu badan tahay, wax calaamado kale oo xanuuna aadan lahayn, waxaad samayn kartaa talaabooyinkaan soo socdo si aad u yarayso:
  • Ka fogow cunnooyinka dhuusada badan keeno sida: caanaha, baradhada, baastada, qamadiga, mooska, tufaaxa cayriinka ah, cabitaanada aashitada leh, looska, basasha, barbarooniga iyo cabitaanka warshadaysan.
    Waa in aad ka fogaataa isticmaalka xanjada iyo nanaca.
  • In aad cunanda si aayar ah u cuntid.
  • In markaa cuntid aadan horay ka jiifanin
  • In aad samayso jimicsi joogto ah
  • In aad ka fogaato dharagta badan iyo in aadan cunnada iyo biyaha aadan isku cabin

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay ama su'aal aad qabtid iigu soo dir halkaan:

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55866
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106875
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57880
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62207
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28933
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc