Dhuusada waa wax si dabiici ah u yimaada iyadoo aanan cudur tilmaamin, laakiin waxay noqon kartaa mid xad ka bax ah oo qofka u keeni karta walwal iyo yaxyax khaas ahaan markuu la joogo dad.
Dadku way ku kala duwan yihiin inta jeer ay dhusuaan maalintii, ma jirto tiro go'an oo la rabo qofka in aysan dhuusadiisa ka yaraato ama ka badato.
Maxaa keeno dhuusada caadiga ah?Qofka markuu laqayo biyaha, cunanda ama calyada waxaa badanaa soo raaca hawo, hawadaas waxay ku aruurtaa caloosha iyo mindhicirrada, markay caloosha cunanda shiidaysane waxay samaysaa hawo.
Hawadaas ku timid labada siba waxuu jirka u baahan yahay in uu iska saaro, sidaas ayayna dhusuada ku timaadaa.
In qofka uu dhuuso waa caafimaad.
Marmarka qaar waxaa dhacda in aadan dareemin dhuuso in ay kaa timid, maadaama ay aad u yaraan karto oo aysan cod samaynaynin, wax urne aysan lahayn.
Qasab ma ahan in dhuusadu aysan urin, dhuusooyinka qaar way uri karaan haddii ay ka dhasheen cunanda aad cuntay in ay ku jiraan wax dhuusada uriyo sida maadada "sulphur-ka"
Dhuusada badan maxaa keeno?Dhuusada badan waxay ka timaadaa dhowr xaaladood oo kala ah:
- Adigoo liqa hawo aad u badan
- Adigoo cuna cunno calooshu aysan shiidi karin ama cillad dheefshiid aad qabto, akhriso waxa dheefshiid xumadu ay tahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3218.0.html
- In ay jirto cillad ku dhacda caloosha ama mindhiciarrada sida cudurka gaaska iyo mindhicirrada kacsan.
Akhriso qoraal ku saabsan cudurka Gaaska:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.htmlAkhriso qoraal ku saabsan mindhicirrada kacsan:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3417.0.htmlGoorma ayay muhiim tahay in aad aragto dhakhtar?Inkastoo aysan jirin tiro la isku ogyahay oo haddii ay dhuusada ka badato ay muhiim tahay in aad dhakhtar aragtid laakiin haddii aad isku aragtid waxyaabahaan soo socdo dhakhtar la xiriir:
- dhuuso la socoto calool majiir ama dibbiro ama daaco badan ama caloosha oo shanqarayso
- dhuuso la socoto shuban ama calool fadhi
- dhuuso la socoto in saxarada uusan qofka ceshan karin
- dhuuso la socoto saxaro dhiig
- dhuuso la socoto qandho, matag, kalgoysyo xanuun iyo qarqaryo.
Dhuusada maxaa lagu yareeyaa?Haddii aysan dhuusadaadu badan tahay, wax calaamado kale oo xanuuna aadan lahayn, waxaad samayn kartaa talaabooyinkaan soo socdo si aad u yarayso:
- Ka fogow cunnooyinka dhuusada badan keeno sida: caanaha, baradhada, baastada, qamadiga, mooska, tufaaxa cayriinka ah, cabitaanada aashitada leh, looska, basasha, barbarooniga iyo cabitaanka warshadaysan.
Waa in aad ka fogaataa isticmaalka xanjada iyo nanaca. - In aad cunanda si aayar ah u cuntid.
- In markaa cuntid aadan horay ka jiifanin
- In aad samayso jimicsi joogto ah
- In aad ka fogaato dharagta badan iyo in aadan cunnada iyo biyaha aadan isku cabin
Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay ama su'aal aad qabtid iigu soo dir halkaan:
http://somalidoc.com