Author Topic: Su'aal: Garbo xanuun iyo qoor xanuun?  (Read 23880 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Raaliyo

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 42
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Garbo xanuun iyo qoor xanuun?
« on: April 27, 2009, 06:22:07 PM »
salamu calaykum;

bacda salaan aad baan idiin salamayaa waxaan raba inana idin weydiiyo walalaheey  noo bartay xaga caafimaadka suaal ah marka aan qabto howl badan waxaan dareemaa garbaha muruqa oo i booda ina xanuuna waxaana dareemaa qoor xanuun iyo wareer si kasta oo aan u masageeyo wali waan dareemaa inay kacsan yihiin murqaha markaa muddo baan qabay jiradaan labada garab iyo labada feerood iyo qoorta way isla socdaan tan kale hadaan qaado wax yar oo culus laba maalin iyo laba habeen waxaan dareemaa xanuun inta muruq oo dhan markaa walalayaal iga soo siiya wixii fakirkiina ah ama cilmiga aad igu dhaantaan iga hagar bixiya suashayda.

waadna mahadsantihiin.




Offline Dr.Sharbele

  • Newbie
  • *
  • Posts: 14
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: garbo xanuun iyo qoor xanuun
« Reply #1 on: April 28, 2009, 10:20:49 PM »
 Waa su'aal aad u kooban, balse waxan isku dayeynaa inaan waxaan ka fahanno ka jawaaabo. Qoor-xanuun, garbo-xanuun, madax-wareer iyo markaa howl-qabatid feero-xanuun iyo daal.
 waxan aad u jeclaan lahayn inaad faahfahin ka bixisid xilliyada uu xanuunka badan yahay, dhinaca uu xanuunka ka bilowdo iyo waqtiyada uu siyaado xanuunku.
Calaamadahaas kuwa lamida waxa leh (Heart failure) ama (Angina Pectores) ama (Ischemic Hearts Diseases) oo dhamaantood ay keento markii ay Oxygen-ku ku yaraado wadnaha, ama uu isticmaalkeedu yaraado, waxa inta badan la dareemaa:-
- Xanuun dhinaca bidix ee laabta
-Xanuun garabka bixid, ka dibna u gudba garabka midig
-Xanuun caloosha korkeeda (costal Margin)
-Dhabar xanuun
-xanuunka oo siyaada waqtiyada Socodka, ama Exercise-ka

Maxa sababa

-Buurnaanta xad-dhaafka ah
-Isticmaalka sigaarka ee daran (Heavy Smoker)
-Cudurada qaarkood sida, Sonkorowga (DM) ama Dhiig-karka (HTN)

Baaritaan Caafimaad:

dhaqtarka waxa uu diri doonaa si uu hubiyo xanuunkaaga:-

-E.C.G
-C. X-ray
- U/S

Hadaba si aad u ogaatid, waxad si dhekhso leh ula xiriirtaa, dhakhtar takhasus u leh, cudurada Gudaha gala, faahfaahin dheerad ah inaa uga waranto waa muhim,sida Haddii uu xanuunku ku qabto xilliga hurdada, ama aad hurdada ka toostid xanuun owgii  iwm.



 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33224
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32262
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23455
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41585
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hadaan qabo Xanuunka Qoor Xanuunka?

Started by CadaweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8119
Last post December 26, 2018, 09:42:12 PM
by SomaliDoc