General Discussions > Feel Free Here

Dhakhaatiita is guursata?! (Dhib iyo Dheef)

(1/3) > >>

Khaliil:
Dhakhaatiirta soomaliyeed ee sharafta mudan salaan iga gudooma
salaan ka dib waxaan jecleystay inaad fikradiina ka dhiibataan mawduucaan ???.
arinta igu dhalisay fikradaan inaan idiin soo bandhigo waa markii aan arkay professors oo macalimiin ah oo ka doodeysa arintaan
waa mahadsantihiin
Dr.Salad

Admin:
waa mawduuc u baahan discussion ayna ka qeyb qaataan both males and females!
Ani hadii aan ka dhiibto ra'yigeyga mawduucaan:
horta ani dhib iyo dheefba waan u arkaa,
Dhib waxa ay noqoneysaa markii labadoodaba shaqo u kallahaan habeenkiina la is la imaado oo ay meeshu u ekaato shirkad ganacsi!
Dhib waxaan u arkaa markii is fahmi waa uu yimaado iyo isla wayni uu qof walba qofka kale u arko qof la tartamayo!
Dhib waxaan u arkaa markii ilmaha hooyo iyo aababa ay waayaan oo shaqaalo looga tago!
Dheef waxaan u arkaa markii guurka inuu shay muqadas yahay loo qiro, shaqada iyo shahaadada aysan wax saameen ah ku yeelan, qof walbane qofka kale uu ka soo baxo wixii xaq ah uu ku leeyahay!
Regards
Dr.Mahdi

Dr.Noora:
Salamo Caleykom .
Run ahaan waa mawduuc xiiso leh aniga dhankeegana hadaa ka fiiriyo see ila tahay waa laga fiicanyahay dad isku majaal ah inee isguursadaan oo aa kawado in dhibka uu ka badanaayo dheefta , kama hadlaayo dawaamka oo dhankaas waa xalin karaan hadee time kooda qorsheeyaan laakiin iskumajaalnimada waxee keeneesaa wax xiiso leh mahelaayaan ee isku sheegaan labadooda coz isku wax ee lakulmaayaan laakiin hadee kala majaal yihiin wee helaayaan, waxaa laakiin dheef noqon karta inee is caawin karaaan labadooda hadaba waxee aniga ila tahay dadka isku majaalka ah inee kala ganbistaan aa fiican coz rootiin aa nolosheedo dileeso hadii kale ...

IsseGole:
salaan ka dib;
Waxaan qabaa anugu in arrintan ay tahay dhib more than dheef, sababtoo ah si equally ah baa loo dhaqmayaa, qawaamadii ninka ayaa meesha ka baxaysa, tarbiyadii iskaba daa, dhanka dawaamka iyo mashquulka iyo dayaca ka imaanaya ayaa badanaya, mindhaa taasu waxay qayb ka tahay fikradda aan qabo ee ah in dumarku aysan shaqayn oo guryohooda fadhiyaan, sorry girls.
Waxay faa'ido ku yeelan kartaa in ay tahay arrin ay ka sheekaysan karaan oo ay isla fahmayaan labadoodaba, medical language bay ku wada hadli karaan, mashaakilka dhan bay isla fahmi karaan, haddii qofkood imtixaan leeyahay ama research leeyahay ama howl noocaas ah qofka kale wuu kaalmayn karaa, waxay isla furan karaan ciyaado, ciyaalkooda takhaatiir bay noqonayaan dabcan oon shaki ku jirin mostly, and so on.
Waxan faa'idooyinka ah laakin kama badanayaan marnaba dhibaatooyinka uu leeyahay een soo sheegnay dhowaan.
that is just my opinion.
Thank you
Ciise Dheere.

Admin:
I agree with you dr.ciise dheere that dhib is more than dheef, but you know we need females in medical field
because there is specialities that females should get into like obstetrics and gynacology.
Regards
Dr.Mahdi

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version