Author Topic: Qasnaan  (Read 10426 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Warsan110

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Qasnaan
« on: May 25, 2009, 01:26:50 AM »
asc salaan kadib waxaa jawaab loo rabaa idinkoo mahadsan xanuun astaamihiisa ay yihiin sida soo socoto
dhadhan qaraar ah ayaan ii soo dhadhamaayo kadibne dareenkeyga oo dhan waa qasmaa waxaa intaas la jiro dhuunta iyo bogga ayaan ka dareemaa in wax ku taaganyihiin marka bal faahfaahin ka bixiyo wsc




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Qasnaan
« Reply #1 on: May 26, 2009, 09:48:11 PM »
Goormaad xanuunka isku aragtay?
Qaabkee ayuu kuugu bilawday?
Imisa ayaa xanuunku ku hayaa?
Wax laqidda miyaa ku dhibaysa?
Wax calaamado kale ma leedahay sida qandho, qufac, dhuun xanuun, barar iyo calyo badan?
Wax daawo ah miyaa isticmaashay? Takhtarne ma u tagtay?

SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Warsan110

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Qasnaan
« Reply #2 on: May 27, 2009, 09:09:43 PM »
waa mahadsantahay walaal
hadii aan ka jawaabo suaalihi aad i soo weydiisay isla markaasne wax yar oo sharaxaad ah aan raaciyo sida cudurka uu u jiro waa sida tan.
xiliga cudurka uu jiro: waa ilaa 10 sano.
wax liqida              : ima dhibeyso marka laga reebo xiliga quunka uu igu kaco.
barar                    : waxaad moodaa in barar yar uu ku jiro quunka.
Qandho                 : mar mar waxaan arkaa qandho ilaa iyo saacad i heyso kadibne iska baaba`do.
calyo (candhuuf)    : calyo badan wey jirtaa.
Qufac                   : waxa uu yimaadaa marka dhuunta qeybta hoose ee halawda lagu magacaabo  a                           aan aniga gacanta ku qabto sida qof ceejinaayo oo kale.
waxaan kuugu darayaa astaamaha kale ee jiro si fahmida jawaabta kuugu saacido
madax wareer
dhadhanka qaraarka ah
Qasnaanq
madax wareer qafiif ah
dikaan joogto u dhaw oo ka jiro xiska (dhagaha iyo indhaha xididka  u dhaxeeyo) oo aniga aan iska iraahdo madax xanuun
daal maskaxda ah iyo mararka qaar jirka oo dhan waxaa xusid mudan waqtiyada aan isku dayo jirdhiska oo kale socodka dheer oo kale waxaan dareemaa daal degdeg ah iyo madax xanuun wareer qafiif ah uu ku jiro
sanka qeybta kore waxaad moodaa in aan ka cabursanahay sida qof hargab haayo oo kale
waxaa jirto oo kale haraad  marmarka qaar
waxey ila tahay in aan kuugu badiyay hadalka laakiin waxaan uga jeedaa in si fiican arrinta u cadaato si ay u fududaan karto jawaabta
fiiro gaar ah: waxaa la xiriiray dhakhtar waxaa leyga qaaday dhiigag laakiin dhamaan waa negetive.
wsc.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Qasnaan
« Reply #3 on: May 29, 2009, 08:21:48 PM »
Walaal waxaad u baahantahay in lagu arko ee u tag dhakhtar ku taqasusay dhegaha, sanka iyo cunaha "ENT Specialist"
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: