Author Topic: Wallac (Morning Sickness)  (Read 98099 times)

0 Members and 6 Guests are viewing this topic.

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Wallac (Morning Sickness)
« on: August 30, 2007, 11:47:45 AM »


WALACA AMA MORNING SICKNESS
Walacu ama waxa loo yaqaano "Morning Sickness" waa calaamad asaasi ah oo lagu garto markey haweenku uurka qaado waxaana ugu caansan lalabo iyo matag (95% ka mid ah haweenka uurka leh way dareemaan walaca).

Calaamadahaas oo noqon kara kuwo fudud ama kuwo daran oo ubaahaneyso qofta uurka leh in isbitaal lagaliyo si loo fuuqceliyo.
Walaca wuu dhici karaa waqti walba maalinta gudaheeda laakiin wuxuu u badanyahay subaxii hore badanaane sababta ay tahay sokorta dhiiga oo meesha ugu hooseysa joogta gaajada habeenka awgeed.
Badanaa walacu waxa uu bilawdaa bisha ugu horeysa ee uurka ilaa bisha 3aad laakiin ilaan bisha 7aad wuu gaaraa haweenka qaarkood.

Waxyaabaha loo maleynayo in lalabada iyo matagga keena xilliga wallaca waxaa ka mid ah:
1- Hormoonka estrogen-ka loo yaqaano oo jirka ku bata.
2- Sokorta dhiiga oo hoos u dhacda.
3- Hormoonka progestron-ka oo siyaado, kaasoo keena in murqaha minka adkeeyo kan calooshane uu dabciyo markaasne ay ku badato aashitada cuntada shiida.
4- Hrmoonka HCG-ga oo ku bato jirka.
5- In waxyaabaha udgoon ay xasaasiyadooda siyaado taaso sida caadiga ahba lalabada keento.

Wallaca badanaa daawo ma u baahno markuu caadiga yahay wuuna iska baaba'aa laakiin talaabooyin la qaado oo lagu yareeyo calaamadahaas ayaa jira:
1- Calooshaada ka ilaali inay faaruq ahaato.
2- 6 jeer cunto qaado maalintii, markiibane waxoogaa yar, oo iska ilaali 3dii jeer oo caadiga aheyd (Small frequent meals) badanaa 2dii saacba mar wax cun.
3- Nasasho joogto ah khaas ahaan uurka markuu bilaw yahay, kana fogaatid waxyaabaha walwalka iyo fakarka keena.
4- Inaa ka fogaatid shaashadaha sida television-ka iyo computerka, kuwaasoo siyaadiya lalabada.
5- Inaad cuntada aad cuneyso ay tahay mid ku badantahay carboheydratka.
6- In aad ka fogaatid jikada iyo meelaha cuntada ka soo carfeyso hadaa awoodid, tan kale perfumes-ka iyo catarka.
7- Qaxwada iska yarey 3 bil ee ugu horeysa, mooskane cunitaankiisa badso maadaama ay ku jirto potassium badan kaasoo lalabada daawo u ah.
8- Subaxii markaa soo kacdid malab ku qaso biyo aadne u khafiifi, wuxuu kaa dajinayaa aashitada caloosha ka buuxdo.
9- Vitamin B6 (Pyridoxine) 50mg laba jeer qaado maalintii.
10- Cuntada ugu habboon Wallaca ee lagu bilaabo subixii waxaa loo soo gaabiyaa (BRATT) oo kala ah Bananas (moos), Rice (bariis), Applesauce (cabitaanka tufaaxa), Toast (hilib shiilan sida buskeetiga oo kale) and Tea (shaah).
11- In markaa cunto cuntid aadan hal mar biyo kadaba cabin oo nus saac gudaheeda aad ku cabtid waxey yareyneysaa lalabada.
12- kadibna aadan jiifan oo aad xoogaa fadhisid ama meel aad ku tiirsatid.
13- hadii cuntada lalabo kugu qabato iska jooji oo markaa caadi noqotid tartiib tartiib u cun, hadii lacalla matagtidne 5 daqiiqo ka dib cunto cun, iskana ilaali inaa adiga is matajisid.

Wixii su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan mawduucaan halkaan ku weydii adigoo mahadsan
Uurka alle ha kuu fududeeyo.

Halkaan ka akhriso talooyin dheeraad ah oo loogu tala galay la tacaalidda wallaca

http://somalidoc.com


"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com


 

10 Reasons Why You Should Drink Warm Lemon Water in the Morning.

Started by Ahmed_07Board Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 8372
Last post August 29, 2012, 07:56:58 PM
by Ahmed_07
Wallac (Lalabo iyo Matag Xilliga Uurka)

Started by Waxbaro!Board Cudurrada Haweenka

Replies: 4
Views: 51965
Last post January 25, 2015, 12:08:48 PM
by SomaliDoc
Exercising, in the Morning.

Started by DomenicBoard Topics in Healthcare

Replies: 1
Views: 6161
Last post July 07, 2012, 02:41:19 AM
by Henrywronger
Morning

Started by PenguinBoard New Members

Replies: 1
Views: 5482
Last post January 07, 2008, 11:59:39 AM
by Sumayya
SU'AAL: MOTION SICKNESS?

Started by FaizBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4938
Last post January 14, 2019, 10:19:47 PM
by SomaliDoc