Author Topic: Su'aal: Maxaa Sababa Hurdo La'aanta?  (Read 92296 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Cmqalinle

  • Newbie
  • *
  • Posts: 11
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Maxaa Sababa Hurdo La'aanta?
« on: June 08, 2009, 10:37:18 AM »
asalamu calaykum walaal waxa jira dad ka cawda hurdo la,aan wax xanuun kale ma jiro hadaba maxaa sababa hurdo waayida habeenkii




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Maxaa Sababa Hurdo La'aanta?
« Reply #1 on: June 12, 2009, 12:03:11 AM »


Hurdo la'aantu waxay ka timid dhibaatooyinka la xiriiro hurdada, waxaana lagu gartaa in qofka oo hurdo ku soo dhici karin ama hurdada ku raagi karin.
Dadka qaar oo ka sheegto hurdo xumada waxay kaloo dareemaan daal iyo tabardarri markii ay soo toosaan subaxii ama haddii ay ka soo toosaan habeenkii kuma laaban karaan ama waqti hore oo qofka hurdada ka dhamaato.

Noocyada hurdo la'aanta:
1- Hurdo la'aan aan xiriir la lahayn wax xanuun jirka.
2- Hurdo la'aan ka timid cudurro kale sida:

Waxaa kaloo hurdo la'aanta loo kala qaadaa hurdo soo booddo ah iyo hurdo la'aan soo raagtay, haddii qofka uu sadax maalin usbuucii uu hurdo la'aan noqdo muddo bil ama ka badan waxaa lagu tiriyaa hurdo la'aan raagtay.

Maxaa keeno hurdo la'aanta?
Asbaabaha keeno hurdo la'aanta soo boodada ah:
  • Welwelka ka dhasho isbadalka nolosha sida shaqo la waayo, qof aad jeceshahay oo xanuunsado ama dhinta, furriin ama qofka oo safro ama ka guuro meeshuu daganaa
  • Niyad jabka iyo isku-buuqa
  • Isbadalka deegaanka sida qeylada, iftiinka, jawiga oo kulul ama qabow intaas waxay kaa qasi karaan hurdada.
  • Daawooyinka qaar sida kuwa loo qaato hergabka, xasaasiyada, dhiigkarka iyo neefta.
  • Waqtiga hurdada oo la badalo sida habeenkii oo la shaqeeyo

Asbaabaha keeno hurdo la'aanta raagto waxaa ka mid ah:
  • Xanuun jirka oo joogto ah
  • Welwel iyo diiqo joogto ah

Astaamaha lagu garto qofka hurdada ku yar tahay:
  • Maalintii oo shaqada ama iskuulka lagu hurdoodo
  • Daal guud
  • Kacsanaan iyo xanaaq
  • Hilmaan badan iyo fahmi yari

Sidee loo daaweeyaa hurdo yarida ama hurdo yarida?
Badanaa hurdo la'aanta soo boodada ah wax daawo ah looma qaato, qofka wuu helaa hurdo markii ay ka gudbaan waxyaabaha uu dhibsanayo.
Haddii aad ka welwelsan tahay in hurdo la'aantu ay saameyn ku yeelato shaqadaada ama waxbarashadaada waa in aad dhakhtar la xiriirta si laguugu caawiyo wax hurdo ku siiyo.
Iska ilaali in aad qaadato daawo hurdo oo uusan dhakhtar kuu qorin maxaa yeelay waxay saameyn ku yeelan kartaa hurdadaada mustaqbalka.
Hurdo la'aanta la xiriirto xanuunada kale waa in la daaweeyaa si qofka u helo hurdo fiican tusaale ahaan hadduu qofka qabo neef ama wadne xanuun waa inuu helaa daawoyinka xanuunadaas.

Talooyin kugu caawin karo hurdo lagu nasto:
  • Jiifo habeen kasta waqti go'an, iskuna day in aad soo toostid waqti go'an
  • Ka fogow cabista qaxwada iyo kaffeyga, sigaar cabista, qaad cunista.
  • Sameey jimisi joogto ah , ha jimicsanin markii aad hurdi rabtid ama 4 saac hurdada ka hor
  • Haku cashaynin cunno culus
  • Ka dhig jawiga qolkaaga mid hurdo waa in uu mugdi ahaado, dagan, diiran oo aan buuq lahayn - hadduu buuq jiro dhagaha iyo indhaha daboolo.
  • Hurdada ka hor ku qubeyso biyo diiran ama akhriso quraan.
  • Is bar in aadan sariirtaada u isticmaalin wax aan hurdo ahayn, sariirta u aad hurdo kaliya.
  • Markii aad jiifato haddii aad ka fakarayso wixii maanta aad la soo kulantay isku day in aad ku badasho wixii aad qaban lahayd markii aad soo toostid subaxii.

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Akhaa Binu Jowhari

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 130
  • Points: +0/-0
  • Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
Re: Maxaa Sababa Hurdo La'aanta?
« Reply #2 on: December 28, 2017, 10:05:35 AM »
Doc, Dadka Da'da ah ama Sheebabka, Mathal 75 jir ilaa 80 jir aya in badan kuu sheegayaa in ay hurdaan 2 ilaa 3 sac habeenkii ayadoo aysan wehlin wax xanuun ah. Marka Dadka nuucaas ah, hurdadooda ma soo yaraataa sidii awal ahayd? Kulamaa da'diisa sii weynato makeentaa hurdo yari?
Allow Dhakhaatiirteenna Noo Dhowr Meel Walba Oo Ay Joogaan.

Aamiin Aamiin.


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55935
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162248
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106946
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57954
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62276
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig