Author Topic: Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?  (Read 106872 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Cmqalinle

  • Newbie
  • *
  • Posts: 11
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?
« on: June 29, 2009, 05:31:33 PM »
sc walaal toxobta ama nabka(dandruff) maxa ku dhalata maxaa ku haboon oo lagu dawaynkaraa ka hortag maleedahay




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa lagu daweeyaa Dandruff-ka?
« Reply #1 on: July 01, 2009, 08:09:43 PM »


Waa maxay Agool?
Agool waxay basada ku samaysaa toxob badan oo badanaa la dareemo marka la shanlaysanayo.
Unugyada maqaarkeenna waa la cusbooneysii mar waliba oo ay duqoobaan laakiin haddii cusbooneysiinta ay noqoto mid dhakhso ah waxay keeneysaa in la dareemo unugyo badan oo dhinta kadibne loo dareemo toxob ama jirif ahaan oo ka soo daadato basada.

Agoolka waxuuu kaloo ku dhacaa dadka ka shaqeeyo meelo heerkulkooda sarreeyo taasoo keenta in unugyada basada ay dhakhso is badalaan, Agoolka waxaa loo yaqaannaa "Dandruff" ama "SCURF" ama caafimaad ahaan "Pityriasis Capitis"

Waxaa kaloo jira cudur loo yaqaanno "Seborrheic Dermatitis" oo ah caabuq ku dhaca maqaarka basada, wuxuuna keenaa in agool badan uu sameeyo.

Calaamadaha agoolka waxaa ka mid ah toxob cad oo basada saarsaaran ama tinta ku dhegan, basada oo leh cuncucn iyo hanbab.
Xaaladaha agoolka badankood uma baahna in dhakhtar loola tago inkastoo dadka cuncunka siyaadada dareemo oo xoqa basadooda u baahanyihiin in daawo ay raadsadaan.

Maxaa keeno Agoolka?
Waxa si toos ah u keeno agoolka lama garanayo laakiin waxaa la isku waafaqsanyahay in nadaafad xumi aysan lug ku laheen.
Waxyaabaha keeno in agoolka ay bataan ama helis uga dhigo qofka waxaa ka mid ah:
  • Madaxa aan la shanleyn si joogto ah.
  • Dadka xasaasiyad u leh khamiirka.
  • Maqaarka oo qalalan (dadka saliidda aan isticmaalin)
  • Caabuqa basada
  • Isticmaal la'aanta shaambada
  • Cudurrada qaar sida: Parkinson's-ka, Faalijka iyo Kaasaliimka.
  • Xasaasiyad laga qaado waxyaabaha la marsado tinta
  • Fangaska sida Malassezia oo kale
  • Nafaqo yarida sida Zinc-ga, Fitamiin B iyo dufannada qaar.
  • Diiqada iyo niyad jabka (waxaa la ogaaday in xiriir uu ka naxeeyo)
  • HIV (11% dadka qabo AIDS-ka waxay leeyihiin agool)
  • Bidaarta cudurka ee "Alopecia"

Garashada Agoolka?
U ma baahnid dhakhtar si aad u gaatid in aad qabto agool, haddii aad leedahay toxob cad oo basadaada ku samaysantay ayaa kugu filan.
Haddii aad u baahantahay in aad dhakhtar aaddo horay u soo qaad haddii ay jiraan waxyaabo cusub oo aad bilawday in aad timaha marsato.

Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka?
Laba shay ayaa muhiim ah in la ogaado marka aad iska daaweyneyso Agoolka:
1) da'daada iyo 2) heerka Agoolkaaga.
Waxaa lagu daaweeyaa shaambooyin loogu tala galay ka hortagga iyo daaweynta agoolka umana baahnid rijeeto si aad u soo gadato.
Waxaa kaloo jira shaambooyin ka hortaga agoolka uu keeno fangaska, loona yaqaano "Anti-dandruff Shampoo".
Haddii shaambooyinka waxba iskaga garan weydo waa inaad la xiriirtaa dhakhtar si loo ogaado waxa keenay agoolkaaga.
Haddii ay la socdaan timaha oo khafiif ah ama daato, qoraalkaan akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,687.0.html

Haddii ay jiraan su'aalo caafimaadkaaga ku saabsan iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Mr.cabdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Maxaa lagu daweeyaa Dandruff-ka?
« Reply #2 on: January 06, 2015, 11:57:44 AM »
Madaxa kaligiis yuu sameynaa dufin hadii aan saliid mariyana timaha ayaa aad usidaata Timo jilcan ayaan leyahay salaxyadii ayaa igu si fogaaday..

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa lagu daweeyaa Dandruff-ka?
« Reply #3 on: January 06, 2015, 08:30:19 PM »
Si aad u hubsatid in ay tahay bidaar dhaxal ah oo ku gali rabto ama cillad kale maadaama aad su'aashaadii hore ku sheegtay cuncun iyo qolof madaxaaga uu leeyahay, la xiriir takhtar maqaar.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55866
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162171
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57880
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28932
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc
Maxaa Keena: Calaacalaha Gacmaha Iyo Cagaha Inta Cadcad Oo Marna Kulul Marna Qabow?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26787
Last post March 10, 2012, 02:33:13 PM
by SomaliDoc