Author Topic: Maxay Kala Yihiin Hargab iyo Ifilo?!  (Read 18076 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Maxay Kala Yihiin Hargab iyo Ifilo?!
« on: July 01, 2009, 08:54:37 PM »
Hargabka
Bacdamaa ay jiraan boqolaalo fayrusyo ee keeno hargabka, waxaa suurto gal u ah carruurta inay qaadaan hargabyo iska dabo xiga. Waxay hargabyada caadi ahaan yimaadaan xilliga jiilaalka, markii ay dadka waqtigooda ku qaadanayaan gudaha guriga.
Waxay sababtaan tahay inay fayrusyada hargabka si aad u fudud ugu faafaayaan meelaha qandaca ah oo oodan.
Waxay xittaa kululaysta qalalinaysaa xidaddada yar-yar ee sankaaga, oo u ah difaaca ugu muhiimsan ka hortagga fayrusyada.
Waxaa hargabyada layskugu soo gudbiyaa qunfaca, hindisidda iyo hadlidda.
Haddii aad soo neefsatid qiyaas yar oo hawo ah ee ku jira fayrusyo, waxaad qaadi kartaa fayruska.
Waxay kale oo ay hargabyada ku faafi karaan markii qof buko taabto sheey, sida gacan-qabsiga lagu furo albaabka ama telefoonka. Waxaa calaamadaha lagu garto hargabka ka mid ah sanko oo xirmo ama da’o, hindisidda, dhuun-xanuun, qunfac, xumad yar iyo daalid, waxuuna caadi ahaan ku dhammaada 2-14 maalin gudeheeda.
Waxaad cudurka gudbin kartaa laga soo bilaabo maalinta koowaad ay calamadahaada soo baxan ka hor ilaa afar maalin ka dib markii ay dhammaadaan.
Waxuu jirka cunuggaaga la dagaalamayaa hargabka isaga oo la daawaynin laakin waa inaad hubisaa inuu cabo dareere badan. Paracetamol-ka waa xanuun-dile waxuuna ka caawinayaa inuu kaa dhimo xumadda.
Waxaa carruurta u heli kartaa nooca shiroobada ah.

Ifilo
Waxaa ifilada (durayga) keeno fayruska influenza. Waxuu ku soo gudbaa oo keliya xiriir-taabasho oo lala yeesho qof buko, ay ku jiraan waxyaabaha ay taabanayaan, ama dhibacyada ka soo tifqaayo qunfacooda iyo hindisiddooda.
Waxay ifilada keeni kartaa xumad sare (ka sareeya 38.3°C ama 101.0°F), jar-jarayn, madax-xanuun, cuntada oo laga go’o, qunfac iyo daalid.
Carruurta qabo ifilada weey matagaan waana shubmaan.
Ifilada ma laha daawo sidaas darted waa inaad xannaanaysataa cunuggaaga.
Waa inay aad u nastaan iyo qaataan dareere badan si aysan u biiyo-bixin.
Waxaa loo isticmaali karaa paracetamol-ka in lagu yareeyo xumadda waxuuna yahay xanuun-dile.
Waa inaan la siinin aspirin carruurta.ka yar 10 jir Waxay daawada sanka furto kaa caawinayaan inay furan sanka xiran iyo dhuunta.
Waa inaad waxii talo ah waydiisaa farmashiistahaaga.

Ka hor-tagga
Si buuxdaa kama difaaci kartid carruurtaada hargabyada iyo ifilada, laakin waxaad ka caawini kartaa inaad ka yaraysid fursadaha ay ku qaadaan fayrusyada.
Waxaad hubisaa inay carruurtaada iska dhaqaan gacmahooda.
Waxay sidaan ka yaraynaysaa fursadda ay fayrus ka qaadaan waxyaabo uu taabtay qofka buko.
Haddii hal ka mid ah saaxibadooda uu qaaday hargab ama ifilo, ku dhiirigeli inay ku ag ciyaarin inta ay ka soo fiicnanayaan.
Haddii caafimaadka carruurtaada sareeyo, waxuu jirkooda u muuqanayaa inuu iska celin karin hargabka iyo ifilada.
Hubi in cunuggaaga oo u hurdo si ku filan oo ayna cunaan cunto miisaaman oo leh miro iyo khudaar badan.
Waxaa muhiim ah quraac habboon inay helaan ka hor intaysan bilaaban maalinta dugsiga Haddii uu cunuggaaga qabo hargab, waxaad bartaa inuu daboosho afka markii uu qufacaayo ama uu hindhisaayo, iyo inuu isla markiiba tuuro warqadaha uu isticmaalay.
Waxuu kani ka caawinayaa inay ka yaraato halista u hargabkooda ama ifiladooda ku faafo dad kale.

SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66569
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69580
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62509
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46764
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45008
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc