Author Topic: Daryeelkaaga Cisbitaalka - Qalitaanka ka Dib  (Read 21444 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Daryeelkaaga Cisbitaalka - Qalitaanka ka Dib
« on: July 03, 2009, 10:51:57 PM »
Daryeelkaaga Cisbitaalka - Qalitaanka ka Dib

Qalitaanka ka dib, waxa aad ka soo toosi doontaa Qolka Bogsashada.
Kalkaalisada ayaa marrar badan ku eegi doonta oo ku siin doonta dawo xanuun. Marka aad soo toostid, waxa lagu geyn doonaa qolkaaga haddii loo baahdo.

Saacadaha Ugu Horeeya Qalitaanka ka Dib
• Ehelkaagu wuu ku soo booqan karaa marka aad joogtid qolkaaga.
• Kalkaalisada ayaa marrar badan eegi doonta heerkulkaaga, cadaadiska dhiigga, garaaca wadnaha iyo tirada neefsashadaada.
• Kalkaalisada ayaa eegi doonta faashaddaada iyo gororka dheecaanka ka imanaya meesha lagaa jeexay.
• Haddii aad raaxo-daro dareemaysid, u sheeg kalkaalisada.
• Isla markiiba u sheeg kalkaalisadaada haddii meesha lagaa jeexay bararto ama dhiig ka yimaado, ama haddii aad dareentid xanuun, kabaabyo ama lugta ama gacanta oo jiririco leh.
• Waxa laga yaabaa in lagugu xiro oksijiin iyo qalabka la-socodka wadnaha mudo dhawr saacadood ah.
• Waxa laga yaabaa in lagu galiyo tuubo kaadida ka soo saarta kaadihaystaada ama tuubooyin kale oo gororiya dheecaano kale.
Tuubooyinkaa intooda badan waxa lagaa saari doonaa inta aadan guriga tagin ka hor. Haddii tuubooyinka lagugu dhaafayo marka aad guriga tagaysid, waxa lagu bari doonaa sida loo daryeelo.
• Waxa laga yaabaa in laguu sameeyo baadhitaanka EKG, raajo laabta ah ama baaritaano dhiig.
• Dhakhtarkaaga ayaa kaala hadli doona qalitaankaaga.

Dheecaano iyo Antibiyootiko Lagaa Siinayo Xidid (IV)
• Waxa lagu siin doonaa dheecaano lagaa siinayo tuubo galaysa xidid dhiig (IV) mudo gaabaan. Tuubadu way kugu jiri doontaa ilaa inta aad cabitaanada si fiican u qaadanaysid qalitaanka ka dib. Haddii tuubada lagaa siinayo dawo, waxa laga yaabaa inay kugu sii jirto mudo intaa ka sii dheer.
• Waxa laga yaabaa in lagu siiyo antibiyootiko si looga hortago caabuq/fashfash kugu dhaca.

Jeexidda/Qalitaanka
• Meesha lagaa qalay waxa lagu dabooli doonaa faashad. Dhakhaatiirta iyo kalkaalisooyinka ayaa eegi doona faashadda oo beddeli doona haddii loo baahdo. Marka meesha la qalay ay bogsato, waxa sii yaraan doona faashadda saaran.
• Meesha lagaa qalay waxa lagu xiri doonaa tolmo, qabatooyin ama dhejisyo gaar ah oo loo yaqaano “steri-strips”. Waxa kuwaa lagaa saari doonaa 7 ilaa 14 maalmood gudahood marka aad dhakhtarkaaga booqasho la-socod ah ugu tagtid.
• Kalkaalisada ayaa ku bari doonta sida loo daryeelo meesha lagaa qalay.

Xakameynta Xanuunka
• Waxa aanu isku dayi doonaa in aad nafistid. Kalkaalisada ayaa ku weydiin doonta heerka xanuunkaaga iyada oo la isticmaalayo cabir ah 0 ilaa 10, iyadoo 0 uu la mid yahay ma jiro xanuun, isla markaana 10 ay tahay xanuunka ugu xun.
• Waxa aad filan kartaa inaad xoogaa xanuun ah ku yeelatid barta lagaa qalay mudo dhawr maalmood ah qalitaanka ka dib. Waxa kale oo laga yaabaa inaad xoogaa ah danqasho ku yeelatid qaybo kale oo ah jirkaaga sababta oo ah sidii lagu meeleeyay wakhtigii qalitaanka.
• Dhakhtarkaaga ayaa kuu dalbi doonaa dawo xanuun. Hubso in aad kalkaalisada u sheegtid marka aad xanuun yeelatid ama aad u baahan tahay dawadaada. Weydiiso dawo xanuun ka hor inta aan xanuunkaagu ka soo darin. Haddii aan la maamulin xanuunkaaga, wakhtiga bogsashadaada ayaa sii dheeraan kara.
Badanaa waxa gargaar leh in dawada xanuunka la qaato hawsha ka hor ama ka hor inta aan xanuunku ka sii darin. Haddii xanuunkaagu ka sii daro ama aan dawadu waxba kaa taraynin, u sheeg kalkaalisada.

La soco qeybta 2-aad
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Qalitaanka Saarista Xameetida (Cholecystectomy)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Qaliinka

Replies: 0
Views: 40735
Last post August 10, 2008, 07:55:47 PM
by SomaliDoc