Author Topic: Hababka Daaweynta ee Xanuunada Maskaxda  (Read 28089 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Hababka Daaweynta ee Xanuunada Maskaxda
« on: March 09, 2009, 11:50:13 AM »
Kala dooraashada hababka daweyntu waxay ku xiran tahay xaaladda iyo heerka jirada ay gaarsiisan tahay.
hababka guud ee daaweynta waxaa ka mid ah isbitaaljiifin, daaweyn daawo ah iyo mid hadal ah.

Isbitaal-jiifinta
Markii bukaanku uu sababayo waxyeelo nafsadiisa ama dadka kaleba mudada cudurku bilowga yahay ama marka uu soo laabto waa in qofka loo diraa isbitaalka si loo daaweeyo loolana socdo xaaladiisa.
Bukaanka waxaa loo diraa isbitaalka miyirka ama qeybta miyirka ee isbitaalada guud. Qaar bukaanka ka mid ah laga yaabee iney u fududahay iney aadaan Isbitaalka guud sababtoo ah wuu ka khalo yar yahay kuwa kale.

Aqbalista: Marka bukaanku la aqbalo waxuu maraa baaritaan uu baarayo dhaqtarka miyirka ama dad xirfad u leh caafimaadka miyirka si loo ogaado xaaladdiisa. Dhakhtarka miyirku waxuu kaloo ururiyaa wixii macluumaad ee ay hayaan dhaqtarka qoyska, dhakhaatiirta bukaan socodka ama shaqaalaha bulshada ee la xiriirta bukaanka xaaladihiisii hore si ay u helo xanuunka rasmiga, daawada u qorsheeyo, isla markaana u diyaariyo mustaqbalka sidii loo saari lahaa.

Waqtiga Joogista Isbitaalka: Waqtiga joogista isbitaalka, laga yaabee inuu helo daaweyn kala duwan iyadoo ay ku xiran tahay xaaladda miyirka qofka.
daaweyntaas waxaa ka mid ah daawo siin, daawo hadal ah, shaqo daaweyn ah, daaweyn kooxeed amase daaweyn qoyseed.

Ka-saaris Isbitaal: Qorshaha ka saaritaanku waxaa la sameeyaa markii bukaanku xaaladiisa miyireed la dejiyo calaamadaha xanuunkiisana gacanta lagu qabto. Caadiyan, isbitaalku waxuu u diyaariyaa bukaanka, xubnaha qoyska kulan, macno u sameneysa kuwa kale iyo shaqaalaha si ay uga manaaqashoodaan go’aana ugu gaaraan qorshaha isbitaal ka saarista. Badanaa, dhakhtarka bukaan socodku ayaa diyaariya daaweynta iyo waxyaabaha kale habka dhaqancelinta maalmaha loo diaarinayo.

Waxyaabahan Samee.
La samee xiriir shaqaalaha isbitaalka
• Adigoo baranaya magaca iyo habkii aad ula xiriiri laheyd dhaqtarka miyirka, kalkaaliyayaasha iyo shaqaalaha bulshada oo ka mas’uul ah bukaanka.
• Toos iyo run ka sheegis waxyaabaha jira iyo isweydaarsi warbixinada kooxda daweynta (tusaale ahaan, dhibaatada ay daawadu keeni karto iyo raacis la’aanta bukaanka).
• Markasta ahow mid faraha kula jira habka daaweynta si aad u hubiso daawada ku haboon bukaanka.
• La soco kala duwanaanta dhaqanka iyo luqad ahaanba.

Daaweynta
Daaweyntu waa muhiim si loo ilaaliyo xanuunka loogana hortago dib u soo noqoshada xanuun laga bagsooday. Bukaanka qaarkii waxuu u baahan yahay daaweyn waqti dheer. Daaweyntu waxaa laga yaabaa iney keento dhibaato kale. La xiriir dhaqtarka miyirka talo iyo sidii daawada aad ula qabsan laheyd. Ha yareyn daawada hana joojin adigoon kala tashan dhaqtarka.

Dawynta-Hadalka Ah (Psychotherapy)
Daweynta hadalka ah waa hab daaweyn ah oo dhista aaminka xiriirka u dhaxeeya dhaqtarka iyo bukaanaka.
Waxay ka caawintaa bukaanka inuu sheego dhibaatada, xal u helisteeda, isla markaana loo raadin lahaa qaboojin laab-lakaca waqtiga wada hadalka.
Intaa waxaa raaca, daaweeyuhu waxuu soo gudbin doonaa macluumaad bulshada, xirfadaha, waxbarashada iyo ururada bulshada iwm. Si looga diyaariyo bukaanka in uu dhexgalo bulshada.

Daaweynta Kooxeed (Group Therapy)
Hawalaha koox ahaan bukaankadu waxay bartaan iney ka doodaan isla markaana la qeybsadaan dhibaatooyinka iyo xalalka dhibaatada heysata. Daaweyn kooxeedku waxay isu keentaa awoodda kooxda taas oo ku hogaamisa kobcitaan iyo horumar.

Daaweyn Qoys (Family Therapy)
Daaweynta qoysku waxaa loo isticmaalaa quwadeynta iyo kheyraadka qoyska sidii uu u dhimi lahaa qoysku xanuunka laab-la-kaca isla markaana u hagaajin lahaa awooda qoyska si uu uga caawin lahaa xubinta jiran sidii loo dhaqan celin lahaa. Arintaasi waxay keentaa isku xirnaanta xubnaha qoyska. Waana in ay ka soo qeyb galaanxubnaha qoyska oo dhan waqtiga daaweeynta.

Hababka Dhaqameed Ee La Isku Daaweeyo (Traditinal Healing Methods)
Qoysasku iyo bukaanadu waxay isku dayi karaan daaweynta hab dhaqameedka, sida geedo daaweedka ama cirbado isku duris. Waxaa haboon in bukaanku kala tashado dhakhtarkiisa Haddii uu isticmaalayo daaweyn hab dhaqameed ah nooc kastaba ha ahaatee.
Weligaa ha isku dayin inaad ku bedasho daawo galbeedka daawo dhaqameed tashi la’aan. Sababtoo ah waxaa lagu sheegay baaritaan ka dib in waxqabadka daawo dhaqameedku uusan waxba ka tareyn cudurada miyirka.
Qoysaska qaarkood waxay raadiyaan daawo dhaqameedka si ay ugu kontorolaan dhibaatada daawooynka dhakhtarku u qoro. Waxaa lagagu waaninayaa in aad la socodsiiso dhakhtar dhaqameedka iyo dhakhtarka caadiga ahba labada dawo ee kale duwan ee aad istcmaaleyso.

Haddii aad ka qabto su'aal qoraalkaan halkaan ka weydii
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41597
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Ha Isku Qaldin Jinniga, Sixirka, Isha iyo Cudurrada Maskaxda ku Dhaco!

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 41723
Last post July 05, 2015, 10:14:33 AM
by Darmaan123
Sidee baan u hagaajin karaa caafimaadkayga xagga maskaxda?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maskaxda

Replies: 0
Views: 30643
Last post March 17, 2008, 06:18:55 PM
by SomaliDoc
Kolba-aariyada makeeni kartaa inay maskaxda waxyeesho?

Started by BarkhatBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 21022
Last post May 29, 2009, 08:18:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena faaliga ku dhaca qaybta danbe ee maskaxda?

Started by QawdhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8312
Last post November 21, 2011, 10:05:19 PM
by SomaliDoc