Author Topic: Su'aal: Biyo-bax degdeg ah?  (Read 107811 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Faarax

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Biyo-bax degdeg ah?
« on: July 09, 2009, 12:55:17 PM »
Asalaamu claeeykum

wlala yaal waxaa rabay in wax bixin la iga siiyo ragaga biyaha deg deg oga imaadaada maxaa keena

macudur ruuxa ku dhashay miyaa mise waa cudur ku dhaca ruuxa nalaga daa ween karo

waxaan rabaa in l aiga siiyo informeeshin buuxa oo ku saabsan mowduucaaaa

wackusmalaaaaaaaaaaaam




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Biyo-bax degdeg ah?
« Reply #1 on: July 11, 2009, 11:06:39 PM »
Waa maxay biyo-bax degdeg ah?
Biyo-bax degdeg ah ama waxa loo yaqaano caafimaad ahaan "Premature Ejaculation" loona soo gaabiyo "PE" waa xaalad ragga uu ku biyo-baxo muddo labo daqiiqo gudahood ah.
Ragga badankood waxay la kulmaan xaaladaan ugu yaraan hal mar noloshooda, waxay kaloo diraaso la sameeyay sheegtay isku celcelis muddada ay ragga ku biyo-baxaan inay tahay 5 ilaa 6 daqiiqadood.
Waxaa klaoo jira qeexid kale oo oranaysa hadduu ninka biyo-baxo iyadoo weli xaaskiisa dhamaysan inuu qabo "PE".
Howsha galmada waxay u baahantahay inuu jiro Rabitaan (Lipido), Kacsi (Arousal) iyo Biyo-bax (Orgasm), haddii saddexdaas mid la waayo hawlgab ayaa jiro.

Maxaa keeno biyo-bax degdeg ah?
Biyo-baxa waxaa loo kala qeybiyaa labo marxaladooda oo kale ah:
Wejiga saarista biyaha (Emission) oo ah illaa ay ka soo gaarto ibta.
Wejiga gamista biyaha (Expulsion) oo ah wixii ka dambeeyo xaaladda kor ku xusan.
Biyo-baxa degdegga ah haddii qofku isku arko isagoo awal fiicnaa waxaa loo yaqaanna "Secondary PE" laakiin haddii uu qabay inta uu ka qaangaaray waxaa loo yaqaannaa "Primary PE" waxayna ku kala duwanaanayaan daaweynta.
Waxaa la aaminsanyahay in sababaha keeno PE-da ay yihiin badanaa dhibaatooyin nafsaani ah oo ay ka mid tahay niyad-jabka, welwelka, cabsida iyo waxyaabo kale.
Waxaa kaloo keeni kara dhibaato maskaxeed, isbedel heerka hormoonada, dhibaatooyinka prostaytka, cudurro dhaxal ah iyo daawooyinka qaar.
Si loo ogaado waxa keenay dhibaatadaan waxa loo baahanyahay in qofka laga qaado warbixin buuxda oo taabanayso qeybaha noloshiisa sidaa awgeed, waxaa habboon in aad u tagto dhakhtar.

Sidee loo daaweeyaa xaaladdaan?
Daaweynta waxaa loo kala qaadaa 3 nooc oo kala ah:
1- In la daaweeyo haddii ay jiraan cudurro kale oo keeni karo xaaladdaan (Tusaale: heerka cunsurka magniisiyamka oo ku yaraada qofka)
2- Tababar nafsaani ah: tababarkaan waxaa lagu dheeraayaa mudada biyo-baxa iyadoo la isku dayo in la joojiyo dibne loo bilaabo galmada dhawr jeer ama tababar lagu magacaabo "Kegel Excercise" oo lagu xoojiyo murqaha miskaha si qofku awood ugu yeesho inuu kontorooli karo murqahaas.
3- Daawooyin la qaato: waxaa ka mid ah daawooyinka dheereeya mudada biyo-baxa "SSRIs" waana daawo ah lidka-diiqada iyo welwelka.
waxaa kaloo jira bamaato kabuubiso (Lidocaine) ah oo la marsado taasoo keento in dareenka uu yaraado sidaasne ay ku dheeraato muddada.

F.G: waxaa dhici karo inaad aragtid ama maqashid daawooyin iyo waxyaabo kale oo tira badan oo la xayaysiinayo oo la leeyahay waxaa lagu daaweeyaa xaladaan iyo wixii la mid ah ee adigoo la tashan takhtar aqoon u leh xaaladaada, ha isticmaalin maxaa yeelay waxay keeni karaan dhibatooyin hor leh.

Waxaa kaloo muhiim ah in xaaladdaan laga sooco kacsi la'aanta oo ah iyadane mushkilad kale oo keento hawlgabka galmada.
Waxaad hoos ka heli kartaa qoraallo iyo su'aalo kale oo la xiriira qoraalkaan:
1- Howlgabka Kacsiga
2- Waa maxay farqiga u dhaxeeyo kacsi la'aanta iyo biyo-baxa degdegga ah?

Haddii aad qabto su'aalo kale ama u baahantahay faahfaahin dheeraad ah, isla halkaan ku weydii
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Faarax

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Biyo-bax degdeg ah?
« Reply #2 on: July 12, 2009, 02:28:24 PM »
Asalaamu caleeykummm

walala aad baad umahsantihiin sida fiican aad noogu sharax  deen moduucaas
walala marka dhakhtarkee baad iigu tali laheed in aad ugato

wackumalsam

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Biyo-bax degdeg ah?
« Reply #3 on: July 13, 2009, 10:32:28 PM »
Waxaad u tagi kartaa dhakhtar guud kadibne waxaa dhici karo in uu kugula taliyo in aad aaddo dhakhtar ku takhasusay climi-nafsiga (Psychologist).
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Jamaal

  • Newbie
  • *
  • Posts: 11
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Biyo-bax degdeg ah?
« Reply #4 on: August 27, 2009, 08:13:37 PM »
ASLAAAMUI CALEEYKUMM


DAHAMAMAN WALALAHA SOOMAALIYEED MEEEL WALIBA JOOGAAAAAAAAAN RAMADAAN KARIIIIIIIIIIIM


MARKALABAAD MAAAMULKA WEB WAAN IDISNSALAAMAY SIDA SAAFIGA AAD NOOGU JAWAABAYSAAAN SU,AAL IYO NOO GU SOO GUD BINAYSAAAAAAAAAAN    AQOONTA CAAFIMAADKA INTAA MARKAAN KABAXO MOWDUUCAAN WAXAAN RABAAA IN AAN SU,AAL  IDINKA WAYDIIYO   


SU,AASHAA OO AH


NINKA QABA CUDURKAAN ALAHA KA DAAWEEY

KAWRAMA HADII UU RUUXAAS SAMEEYO  AALIMIITO  IYO  JIMICSI MAALINTII 2SAAC    HADII KU DADAALO  RUUXAAS JIMISIGA IYO JIIMKA AMA AALIMIINTO SI UU UDHISO MURQIHIISAN  JIRKA KUWA HOOSE   ........................................ WAX IS BADAL MA IMAAN KARAA ??? 
SIDOO UU HORAY AHAAAA
DAKHTARKA AADISTIISA MA KAMAARMIKARAAA RUUXAA HADUU SAMEEYO INTAA AAN SOO SHEEGAY  ...

FADLAN IGASII YA INFORMESHIN BUUXA WACKUMALSAAAAAAAAAAAAAAAAAM

PLEASE FULL IMFOMESHIN

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Biyo-bax degdeg ah?
« Reply #5 on: August 30, 2009, 09:29:58 AM »
Caafimaad dhameestiran wuxuu ka hortagaa cudur waliba laakiin jimicsi kaligii daawo uma noqdo dhibaatadaan
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ugaaas

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Biyo-bax degdeg ah?
« Reply #6 on: November 12, 2009, 12:58:51 PM »
SU<AAAL


- Daawooyin la qaato: waxaa ka mid ah daawooyinka dheereeya mudada biyo-baxa "SSRIs" waana daawo ah lidka-diiqada iyo welwelka


??  Kilinigaa  ma laga helaa soomaaliya ama kenya?/


kawran hadaan utago dhakhtar Dirta wax ku daaweeya??

Dhakhtarka Caadiga iyo MIdka wax ku daaweeya dhirta

kee rooon   walala?????/

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Biyo-bax degdeg ah?
« Reply #7 on: November 12, 2009, 06:27:30 PM »
Daawooyinka SSRIs waa laga helaa soomaaliya.

Waad u tagi kartaa takhtar dhireed oo aqoon leh.

Takhtarka caadiga iyo midka dhirta waxaa roon kii aqoon u leh waxa aad ka cabanayso.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Ibraahim

  • Guest
Re: Su'aal: Biyo-bax degdeg ah?
« Reply #8 on: November 14, 2009, 12:58:01 PM »
Salaamu caleey kum

walalayaal aad baad umahadasntihiiin
barnaamijaakaan ama mawduucaan waxaan raadinayay marbadan

laakiin waan  helay maanta alxadulilaaaaaaaaaah

walaal waxaan joogaa kenya

cudurkaan waaan waaan ka qabaa marka walaal dhakhaatiir wali maan u agin

kenya wee iska mushkila badan tahay walala dhina dhakhaatiirta

macana qarashaka

waxaan rabay in aan tako kinyata hosbila laakii  qarash kali buu noqday

waxaa kale oo aan xayeesiin ku arki dhakhtar  soomali ah oo 8 ka kuyaala

oo qaabilsan wax ku daaweeya diinta 

marka walala webkan waxaan umalaanayaa kenya  joogaan

xagee tagaa oo aad saacideeneysaaan walaal

salaamulaaaaaaaah

Offline Ugaaas

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Biyo-bax degdeg ah?
« Reply #9 on: November 15, 2009, 05:02:53 PM »
Waan idin salaamay

su,aaal baan ka qabaaa  qadobkaaann,,
3- Daawooyin la qaato: waxaa ka mid ah daawooyinka dheereeya mudada biyo-baxa "SSRIs" waana daawo ah lidka-diiqada iyo welwelka.
waxaa kaloo jira bamaato kabuubiso (Lidocaine) ah oo la marsado taasoo keento in dareenka uu yaraado sidaasne ay ku dheeraato muddada.


su,aaal baan ka qabaaa  qadobkaaann,,

waxaan rabaa in aan ogaado cuntootinka la gahelo lidka diiqada iyo welwelka  lidka-diiqada .....

waxaan rabaa in la ii sheego hadii ay  jirto cuntiitinka la cuno cuntooyinka la ga helo

waxaan rabaa cuntiiyinkaa magacaydooda ?????

Waaad mahadasantihiin

marlabaad waad ku mahadsantihiin
webka sida fiican aad wax nooga jawaabaysaaan oo aad noogu soo gudbinaysaaaan Aqoon korarsiga
Adimintonka waan idin mahad celinyaaa

IYo Dhakhaatiirta dhamaaaaaaaan iyo Xubnaha dhamaan webka

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Biyo-bax degdeg ah?
« Reply #10 on: November 17, 2009, 07:47:55 PM »
Halkaan ka akhriso waxay diiqadu ay tahay, waxa keena, calaamadaha lagu garto iyo waxa lagu daaweyaba?
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=878.0

SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Markaan biyo badan cabo ilaa (750 ml) waxyar kadib kaadi baa iqabanaysa?

Started by Mohamed AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 18457
Last post September 04, 2016, 07:49:05 PM
by SomaliDoc
Su'aal: kala dambeynta biyo-baxa lamaanaha saameyn ma ku leeyahay uureynta?

Started by Suldan10Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16357
Last post March 10, 2012, 02:06:35 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena in lugaha biyo galaan dadka sokorta qaba?

Started by Iraado MacalinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9130
Last post March 26, 2016, 02:29:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haweenayda aan marnaba usuurto galin inay heer biyo bax gaadh?

Started by Naawila HuseinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 8124
Last post April 10, 2016, 01:26:31 PM
by Samawade5151
Su'aal: Sidee kula dagaalami lahaa biyo baxa dagdaga ah?

Started by GuursadeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17084
Last post March 04, 2011, 09:03:44 PM
by SomaliDoc