Author Topic: MAXAA SABABA VITAMIN D YARAADA  (Read 18711 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Raaliyo

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 42
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
MAXAA SABABA VITAMIN D YARAADA
« on: July 06, 2009, 08:44:28 PM »
SALAMU CALAYKUM;

WALAALAYAAL WAXAAN RABAA INAAD IGA JAWABTAAN SU'ASHAAN OO AH VITAMIIN D HADUU DHAMAADO MA KEENAA MURQO XANUUN IYO LAFO XANUUN WAXAAN ISKU ARKAY MUDDO SADEX SANO MURQO XANUUN XAD DHAAF AH MARKII SI KASTA LA II BADHAY DHAQTARKAYGA WUXUU CADEEYEY IN UU IGA DHACAY VITAMIIN D WUXUU II SHEEGAY INAN HAYSTO 4 KALIYA MEESHII LAGA RABAY 10 ILAA 20 MARKAA WALALAYALOOW WAXAY II QOREEN KINIINI LA MUUR MUURSADO XABAD HABEENKII IYO MAALINTII LAKIIN CILADA I HAYSTA SIDA AY TAHAY UMA CUNO DAAWADA WAX DHIBAATO MA IIGA IMAAN KARTAA VITAMIIN D MARKA UU YARAADO  WALALAYAAL MA II MACNAYN KARTAAN VITAMIN D MACNIHIISA IYO WAXA UU JIRKA U QABTO IYO WALIBA CUNTOOYINKA LAGA HELO MUXUUSE U KEENI KARAA JIRKA DHIBAATO HADUU KA YARAADO...-   :-\




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: MAXAA SABABA VITAMIN D YARAADA
« Reply #1 on: July 08, 2009, 07:58:35 PM »
<a href="http://www.youtube.com/v/emjCzaHtSrg&rel=0" target="_blank">http://www.youtube.com/v/emjCzaHtSrg&rel=0</a>Fitamiin D wuxuu dawr muhiim ah ka ciyaaraa xifdinta iyo isku heynta xunaha jirka, wuxuu kaloo kontorolaa heerka kaalsiyamka ee dhiigga wuxuu kaloo sare u qaadaa difaaca jirka iyo shaqooyin kale oo muhiim u ah biniaadamka.
Fitamiin D oo yaraado wuxuu keenaa dhowr cudur oo ay ka mid yihiin: Gedef (Rickets), Lafo-Jileec (Osteomalacia) iyo Lafo-beel (Osteoporosis).
Gedefka wuxuu ku dhacaa caruurta waxaadne halkaan ka akhrisataa qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1729.0.html
Cudurka lafo-jileeca ayaa u badan dadka waaweyn waxaana calaamadihiisa ka mid ah:
Xanuunka korka oo dhan, murqo xanuun iyo lafo jileec, wuxuuna ka dhashaa cudurkaan fitamiinka D oo ku yaraado jirka, cunno xumi ama qorax la'aan awgeed.
Cudurkaan waxaa lagu daaweeyaa iyadoo la qaato Fitamiinka maqan taasina waxaa xadidayo dhakhtarka la socdo xaaladaada.
Cunnooyinka laga helo fitamiin "D"-ga waa:
1- Caano
2- Kalluunka noocihiisa kala duwan
3- Beerka
4- Jaallaha ukunta
5- Farmaajada
6- Siiriyaalka

SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55935
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162251
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106946
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57958
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62276
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig