Author Topic: Su'aal:Maxaa keena caadada dumarka oo aan xiligeeda ku iman?  (Read 251797 times)

0 Members and 5 Guests are viewing this topic.

Offline Cadar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
waxaan jeclaan lahaa in aad iiga soo jawaabtan suaashayda  aad ayayna muhiimigu tahay,
mahadsanid.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keena caadada dumarka oo aan xiligeeda ku iman?
« Reply #1 on: July 21, 2009, 10:48:08 PM »
Caado wareerka waa xaalad aad u badan, badanaa dumarkane boqolkiiba illaa 30% ay ka sheegtaan, waxaa loo kala qaybiyaa illaa 4 qeybood:
A- Caadada oo kala fogaato (35 maalmood iyo wixii ka badan)
B- Caadada oo isku soo dhawaato (bishii laba jeer ama ka badan)
C- Caadada oo mudadeeda dheeraato (dhiig bax leh)
D- Caadada oo la waayo (saddax illaa lex bilood ama ka badanba)

Waxyaabaha aan cudurka ahayn oo keeni karo waxaa ka mid ah:
1- Diiqada, welwelka, caadifadda iyo cabsida ama naxtinta
2- Caadada marka ay cusubtahay waxay qaldantaa dhowr bilood inta ay ka tooseyso
3- Cunno xumida iyo mataga joogtada ah
4- Jimicsiga badan (badanaa haweenka jimicsiga badsada caadadooda way qaldantaa).
5- Daawooyinka qaar sida kuwa uurka looga hortago.
6- Cabsi uur ama qofka inuu ka welwelo in uu uur qaadi waayo markii arooska uu cusub yahay oo kale.
7- Sigaarka iyo cabidda aalkoloda ama maandooriyayaasha kale.
8- Naasnuujinta.
9- Xilliga hore ee dhalmo dheyska.
10- Haddii aad xiran tahay qalabka uur ka hortagga.
11- Miisaankaaga oo si dhakhso ah u koro ama u dhaco.
12- Haddii mar dhow aad dilantay ama lagu soo xaaqay.

Waxyaabaha cudurka ah oo keeni karo caado wareerka waxaa ka mid ah:
1- Xaaladaha uu kacsanyahay ama uu dhacsan yahay qanjirka thyroodhka (Ka akhriso halkaan)
2- Xanuunada haweenka sida caabuqa minka, tubooyinka ama ugxansidayaasha.
3- Khalal ku dhaca hormoonada khaas ahaan kuwa kontoroola caadada.
4- Haddii aad qabtidxanuunka "ugxansidaha fiixda leh" (Ka akhriso halkaan)

Sida caadiga ah, haddii caadada la waayo xilligeeda waxa ugu horeeyo oo lagu fekiro waa in uur uu jiro iyo in kale.
Haddii uusan uur jirin waxaa muhiim ah in qofka la gala taliyo waxyaabaha sida dabiiciga u keeno caado wareerka oo aan kor ku soo xusnay.
Haddii qofku daawo qaato caadada saamayn karto waa in lala socodsiiyo, cunno dheellitiran lagula dardaarmo, welwelka iyo walbahaarka la yareeyo, jimicsiga siyaadada ah laga fogaado IWM.

Haddii caado wareerku aysan ka dhalan inta aan kor ku soo xusnay waa in lagu fakiraa cudurro dhawr ah oo keeno caado wareerka sida:
1- Infakshanka ku dhaco haweenka (PID): Calaamadaha la socdo caado wareerka waxaa ka mid ah: xanuun dhabarka ah, xanuun wareegga caloosha qeybteeda hoose ah, qoyaan farjiga ka yimaada iyo tabardarri lugaha ah (Ka akhriso halkaan)
2- Xanuunno ku dhaca xubnaha ku hawl leh habdhiska caadada sida ugxan sidaha, tubooyinka iyo minkaba (tusaale ahaan: kiish ugaxan buro, fiix, iyo cillad ilmogaleenka ah sida xanuunka loo yaqaanno "Endometriosis")
3- Waxaa kaloo jiri karo cudurro badan oo saameeya hormoonnada jirka maadaama ay yihiin kuwa kontoroola caadada sidaasne caado wareer u keeno, cudurradaasoo halkaan lagu soo koobi karin.

Talo:
Haddii aadan xanuun isku ogeyn, da' dhalmo goys aadan iskaga shakisnayn, cunnadaada ay isku dheellitiran tahay, jimicsi siyaado ahne aadan samaynin kadibne aad isku aragtid caadada oo kaa soo daahda ama kugu soo dhakhsata, waxba ha walwalin waxaa laga yaabaa in isbadal hormoonadaada iyo shucuurkaaga ama welwel ama cillado kale oo saameyn kara caadifadaada in ay jiraan.
Laakiin haddii aad isku aragtid, astaamo xanuun kale oo la socdo caado wareerka ama caadada oo wareersan muddo sadax bil ku dhow waa in aad baaritaan guud isku sameysaa adigoo la xiriira takhtar ku taqasusay cudurrada haweenka si laguu baaro, wixii jirane loo ogaado.

Ma jirtaa qaab dabiici ah ama cuntooyinka ka mid ah oo aan kaga hortagi karo ama ku ilaalin karo caadadayda in aysan wareerin?
Waa in aad marka hore ogaataa waxyaabaha keeni karo si aad uga fogaatid, waana midda casharkaan uu kaa caawin doono, midda xigta waxaa jiro dhowr waxyaabood oo dabiici ah oo loo isticmaalo arrintaan waxaana ka mid ah:

1- Sanjabiilka oo shaah laga dhigto wuxuu yareeyaa xanuunka caadada, waxaana lagu daaweeyaa caado yarida ama soo daahiddeeda.
(Qaado nuskeed oo sanjabiil shiidan la dhig koob biyo qandac ah muddo 5 illaa 7 daqiiqo, ku dar waxyar oo sokor ah, kadibne cab hal koob cunna kasta ka dib).
2- Qorfaha isagane wuxuu kontroolaa caado wareerka waxaana ku jirto maaddo ka qeyb qaadato arrintaas (Qaado nuskeed oo qorfe shiidan ku darso koob caano ah oo cab maalin kasta hal waqti ama shaah ku badalo booska caanaha).
3- Sisinta waxay ka mid tahay waxyaabaha qaaliga ah oo jirka ku caawiya soo saaridda iyo habaynta hormoonnada la xiriiro caadada (Cabitaan sisin qaso oo cab hal koob subax kasta inta aadan quraacan labada usbuuc ee ka horraysa xilliga aad caadada filanaysay).
4- Babayga aan aad u bislaanin isagane wuxuu ka qeyb qaataa caado soo saarka, waxaana lagu la dardaarmaa haweenka caadada ka istaagi rabto (Babayga waad jarjarnaysaa, kadib malab saafi ah ayaad ku darsanaydaa, oo qaaddo ayaa ku cunaysaa).
Fiiro Gaar Ah: Isticmaalka talooyinkaan waa in la joogteeyaa dhowr bilood si loo arko faaidada laga helayo, Ha isticmaalin xilliga aad caadada ku jirtid.

Haddii aad qabtid su'aal ku saabsan qoraalkaan ama faahfaahin dheer aa doonaysid, ku soo biir bogga si aad halkaan ugu qortid.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ashwaaq

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 36
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Maxaa keena caadada dumarka oo aan xiligeeda ku iman?
« Reply #2 on: July 23, 2009, 10:50:02 AM »
ASC/  SALAAN KADIB DOCTIER  WAXAA JIRA  GABAR WALASHEY AH OO AAD UGU XANUNSATA WAQTOGA AY CADADA HESHO WALIBA MAALINKA UGU HOREYSA EEY EEY CADADA HELEYSO IN UU QABTO XANUUN  XAGA CALODHA XUDUNTA DHABARKA  EVAN AAD BEY U MATAGEYSAA MALINKAS OO DHAN WAX DHIIG AH KAMA SOO BAXAYAAN, DHAQTAR AYAA LOO GEYAY ISNA WAXUU SOO SIIYAY GANIINIYAAL MARKA EEY KANIINIGA CUNTO XOGA WAY YARO HURDEYDA XANUNKUNA WA YARADA BUT WAX DHIIG AH KAMASOO BAXAAN , MARKA ADOO MAHADSANSAN MAXAANKU NUDAWENKARNAA  JIRADA NOOCAAS AHSE MAXAA KEENIKARA EVAN WAX JIRA AH OO KALE WAA LAGA WAYAY OO AAN  xanuunka dhigaas ad ayaa u mahadsantahey  my docter

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal:Maxaa keena caadada dumarka oo aan xiligeeda ku iman?
« Reply #3 on: July 24, 2009, 12:54:57 AM »
Qoraal ku saabsan xanuunka caadada halkaan ka akhriso
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55860
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162166
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106863
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57877
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62204
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig