Author Topic: Xanuunka caadaada (Dysmenorrhoea)  (Read 143160 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Xanuunka caadaada (Dysmenorrhoea)
« on: July 24, 2009, 12:46:06 AM »


Horudhac
Waxay dumarka intooda badan la kulmaan nooc xanuun caado inta ay noloshooda jirto. Erayga caafimaad ahaan loogu isticmaalo waa dysmenorrhoea. Xanuunka uu keeno caadaada dhiigga waxaa laga dareemi karaa qaybta hoose ee calooshaada, laakin waxuu u faafi karaa dhabarkaaga iyo cajiradaada.
Xanuunka caadada waa xaalad iska dhaco. Waxaa daraasaadka la sameeyay qaarkood sheegayaan in ku dhowaad 75% dumarka dhallinta yar iyo 25-50% dumarka qaan-gaarka ah ay la kulmaan xanuun iyo raaxo la’aan inta ay ka qabaan caadada. Ilaa iyo 20% ee dumar ah, xanuunkaan aad ayuu u qabtaa isaga oo ka joojinaayo inay qabsadaan waxqabadyo maalimeedkooda. Xaaladaha badankood xanuunka caadada waxay tahay wax-yeelaynta xun ee ka timaadda hab-socodka dabiiciga ah ee caadada. Si kastaba ha noqotee, mar-marka qaarkood, waxuu xanuunka caadada noqon karaa natiijada ka soo baxdo xaalad caafimaad ee gaar ah.
Waxaa xanuunka caadada lagu daawayn karaa guriga. Hase-yeeshee, haddii xanuunka caadadaada u aad u daran yahay, waxaa u baahan doonaa inaad u tagto dhakhtar.

Calaamadaha
Calaamadda ugu wayn e xanuunka caadada waa murqo xanuun ku dhaca calooshaada hoose. Mar-mar, waxuu xanuunka kuu qabanayaa si xoog leh, waqtiyo kalena waxuu ahaan karaa xanuun fudud, laakin joogsi la’aan ah. Waxuu xanuunka caadada mar-mar u faafaa dhabarkaaga iyo cajiradaada. Waxaad kale oo ogaan kartaa in xanuunka ku qabto uu ku kala duwanaado caado walbo. Ayadoo dheeraad u ah xanuunka calooshaada hoose, waxaa kale kugu dhici karo calaamado kale, sida madax xanuun, labbo-labbo, daalid, war-wareerid, iyo shuban. Waxuu caadi ahaan xanuunka caadaada bilaabanayaa markii uu dhiigga bilaabanaayo, inkasto oo ay dumarka qaarkood xittaa ay la kulmi karaan xanuun dhoowr maalin ka hor intuusan bilaaban caadada. Waxuu xanuunka caadada socon doonaa 12-24 saacadood, inkasto oo xaaladaha xun ku hayn karo dhoowr maalin. Xanuunka wuxuu badanaa ugu xun yahay markii dhiig-baxaada caadada ugu badan yahay.
Xanuunka caadada waxuu caadi ahaan ku fiicnaanayaa markii aad sii waynaato. Dumar badan waxay sidoo kale dareemaan fiicnaansho ka dib markii ay carruur dhalaan.

Sababaha
Xanuunka caadaada badanaa waa wax-yeelaynta xun ee hab-socodka dabiiciga ah caadada dhiigga jirkaaga. Waxuu xanuunka caadada dhacaa markii derbiga muruqeed ee ilmo-galeenka is-qabsado (adkaado). Inta ay jirtoo caadadaada, derbiga ilmo galenkaaga wuxuu isku qabanaaya si culus, sidii uu je-jebiyo dhiigga saaran derbiga kana dhigo caadadaada bil walba kugu dhaca. Waxuu hab-socodkaan keeni karaa inuu jirkaaga sii daayo kiimikada keenayso xanuunka. Inta aad ku jirtid caadada dhiigga, waxuu kale uu jirkaaga soo saarayaa koox kale oo kiimiko ah, ee loo yaqaano prostaglandins. Waxuu kiimikadaan ku dhiiri-gelinaayaa murqaha ilmo galeenka inay si aad ah isku qabsadaan, iyaga oo kordhinaayo heerka xanuunka. Waxaa jiraan labo nooc oo waa-wayn ee xanuunka caadaada. Dysmenorrhoea’da koowaad waa wax-yeelayn xun ee caadi ah ee ka timaaddo caadada. Waxaa dysmenorrhoea’da labaad sababo xaalad gaar ah. Qaar ka mid ah xaaladaha keeni karaan dysmenorrhoea-da labaad waxaa ka mid ah endometriosis (waa markii unugyada ilmo galeenka ay bilaabayaan inay ku koraan ilmo galeenka dibeddiisa), fibroids (burada aan xumayn ee ku dhaco ilmo galeenka) iyo cudurka bararka miskaha (waa bukasho ku dhaco xubnaha dhalidda ee gudaha). Qalabka uurka looga hortago ee minka la dhex dhigo wuxuu xittaa mar-mar keeni karaa xanuunka caadada.

Baaritaanka cudurka
Waxay dumar aad u badan ee la kulmaan xanuun caado fudud oo lagu daaweeyn karo guriga. Hase-yeeshee, waa inaad kala xiriirtaa dhakhtarkaaga waxii talosiin ah haddii caadadaada kuu keenayaan xanuun aad u daran. Inkasto badanaa xaaladaha xanuunka caadada uusan sababin xaalad gaar ah, waxuu dhakhtarkaaga dareemi karaa inay tahay laga maarmaan in la sameeyo baaris jireed si loo ogaado haddii ay jiraan xaalado kale ee xanuunka keeni karo. Haddii xanuunkaaga caadada uusan wax jawaab ah ka bixinaynin daawaynta, ama haddii uu dhakhtarka u malaynaayo inay keentay xaalad gaar ah, waxaa laguu gudbin karaa dhakhtarka dumarka. Waxuu samayn doonaa dhoowr baaris iyo habab-socod si loo ogaado sababta keentay xanuunkaaaga caadada.
Waxaa baaritaanada ku jiri karaan pelvic ultrasound (oo ah baaritaan computer sidii loo soo saaro muuqaalka xubnaha dhalidda ee gudaha ku jiro) ama laparoscopy (oo la gelinaayo microscope yar meel laga jeexay caloosha hoose). Waxaa kale oo uu baahan kartaa hysteroscopy (oo ah sawir qaade yar ee la marsiinaayo cawradaada lana gaarsiinaayo ilmo galeenkaaga).

Daawaynta
Waxaa xanuunka caadada caadi ahaan lagu daawayn karaa guriga. Inkastoo suurto gal ah inaadan awoodin inaad iska wada joojisid xanuunka, waxaa jiraan tillaabooyin kaa caawini karo in la qafiifiyo, ama in la dhimo. Jimicsiga, in la qandiciyo calooshaada hoose, ama in la samaysto qubays qandacan, waxay kaa caawini karaan in la dhimo xanuunka. Farsamooyinka daliigidda iyo nasashada xittaa way kaa caawini karaan. Xaaladaha xanuunka caadada badankooda, waxuu dhakhtarka kuugu la talinayaa inaad qaadatid daawada lagu magacaabo non-steroidal anti-inflammatory drug (NSAID), sida ibuprofen. NSAID waxuu wax u qabtaa qiyaas ahaan ilaa 70% ee dumarka qabo xanuunka caadada dhiigga. Haddii uu NSAIDs wax kuu tari wayo, waxaa lagu qori karaa xanuun-joojiye ka xoog badan. NSAID ma ku habbbono dadka qabo neef, kuwa qabo xanuunka gaaska, killiyaha ama beerka, ama dumarka uurka leh, ama naas-nuujinaayo. Waa inaan la siinin carruurta ka yar 16 sano Asbiriin. Haddii aad u baahato daawada looga hortago dhalmada, waxaa laguu qori karaa kaniiniyada isku dhafan ee laga qaato afka loogana hortegaayo dhalmada. Noocaan kaniini wuxuu dheeraad ugu yahay ka hortagga uurka, inuu xittaa yarayo xanuunka caadada. Haddii xanuunkaaga caadada u keenayo xaalad gaar ah, daawayntaada waxay ku xirnaan doontaa xaaladda keentay xanuunkaaga.

Qoraallo Xiriir la leh:

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Ifraax

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Xanuunka caadaada (Dysmenorrhoea)
« Reply #1 on: January 23, 2010, 02:18:45 AM »
maxaa sababay marka ey caadaada soo socoto in ey naasah bararaan oo ey xanuun markii la tabto??

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Xanuunka caadaada (Dysmenorrhoea)
« Reply #2 on: February 01, 2010, 09:58:36 PM »
Waxaa loo yaqaanaa "Cyclical Mastalgia" waa xanuunka naasaha xilliga xeylka.
Haweenka badanaa waxay dareemaan naaso barar iyo xanuun danqasho wata xilliga ay caadada, waxaana keena isku-dheellitirnaan la'aan xagga hormoonnada ah.

Waxaa jira laba hormoon oo lagu kala magacaabo Estrogen iyo Progesterone.
Haddii heerka Estrogen-ka uu ka yaraado heerka Progesterone-ka wuxuu keenaa naaso barar kadibna bararka wuxuu keenaa xanuun.
Kullamaa bararka naasaha uu bato kullamaa xanuunka uu siyaado.

waxaa xanuunkaan lagu yarayn karaa cunidda cunno nafaqeysan oo isku-dheellitiran iyo jimicsi.

Mahadsanid
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hamdan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
Re: Xanuunka caadaada (Dysmenorrhoea)
« Reply #3 on: February 15, 2011, 08:17:23 PM »
Dr. Waad ku mahad san tahay dhinacan, ku saabsan caadada dumarka, laakiin waxaan kuu sheegayaa in aan arkay xaaladan markaan la mida tan imika halkan aad ku soo sharaxday oo ah caadada dumarka ee keena naaso bararka ama xanuun damqasho ee naasaha xiliga caadada, in kastood sharaxday dhinaca naasaha barara, ayaa waxaanad sharxin dhinaca naasaha damqashada leh oo ah tan aan dareemo marka imika markaa Dr. waxaan kaa codsanayaa inaad ii sharxdo.

Runtii Wax yaalo badana waan ka faaíiday qoraalkan.

Thanks & Regards.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Xanuunka caadaada (Dysmenorrhoea)
« Reply #4 on: February 18, 2011, 10:02:57 PM »
Naaso bararka iyo xanuunka waa wax isku xiran oo xanuunka wuxuu ka dhalayaa in unugyada naaska bararay in bararka dartii la xanuunsadaan.

Hadii xubin ku hurto ama caabuqdo barar iyo xanuun waa astaamo aan kala harin.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Nuqfaa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Xanuunka caadaada (Dysmenorrhoea)
« Reply #5 on: April 09, 2012, 08:03:21 PM »
asc aad marka hore aad baad u mahadsantihin somalidoct alle ajir iyo badal qeer qaba ha dinka siiyo dadalkinan ... aad ban u fahanya aan u soo gudbo su'asheyda waxa jirta in an qabo caado xanuunkan iyo walibo calaamadahaan meesha ku xusan  in kastoo dhaqtar fiicn an leyahy oo ana la kulmay dhaqaatiir badan aada lii bary mudo markaan fiicnado xanuunki wuu igu soo laabtaa marka dhaqtarkeyga wuxu igu xujeyayin an soo ursado ama uu asiga qabka an u gudanhy i jaro ...yacni gudniinka ayu diidaya ama uu la yabyaa oo kuma baro karo ilaa gudah ayan qalab gali lhaa yau i dhah ..maxan sameya qab kale oo liiksu baro ma jirtaa waxaan kaloo sulla idnka weydiin lahaa aan ku wareeray xubinteyda tarnka waxa ku yalo finan ama nabro yaryar cml hada ka horna somali ano jogo aan xooga yar baa wax liiga jar oo li yiri wa waxa dumrka ka soo boxo marka weyna i xanuunta ila hader nabrhaas waa maxay iygna dhaqtarka wan u shegaa goor walbo waxbo ma dhinto ayu i dhaha an xanuun bey igu heysa xita somaliya in wax liiga so jaray wan u shgay maxan sameya //thnz

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Xanuunka caadaada (Dysmenorrhoea)
« Reply #6 on: May 19, 2012, 12:31:13 PM »
Midda ku saabsan gudniinka waa laga yaabaa haddii gudniinka uu yahay nooca xayiri kara in caadada ay si sahal kaaga timaado, taasina waxaan talo ku siin lahaa in aad xanuun baabi'yahaaga iska cuntid inta aad ka guursanaysid, laakiin haddii aad xanuunka uu siyaado yahay ama daawada wax kaa tari la'dahay markaas go'aanka adigaa iska leh.

Midda ku saabsan finanka kaa soo baxay waa in aad u tagtaa takhtar si uu u arko, maxaayeelay nabaraha iyo finanka ka soo baxo cawarada waa noocyo kala duwan isku daawane maahan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Nasriin

  • Newbie
  • *
  • Posts: 11
  • Points: +0/-0
Re: Xanuunka caadaada (Dysmenorrhoea)
« Reply #7 on: May 02, 2015, 09:00:28 AM »
Asc dr
allaha idinka abaal mariyo dadaalkiina
su'aashan qabaa ah
marka waqtiga xaydka lagu jiro
dhiiga xinjiraha aadka u badan ma xanuun baa

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Xanuunka caadaada (Dysmenorrhoea)
« Reply #8 on: May 02, 2015, 01:04:38 PM »
Dhiiga xinjiraha leh xilliga caadada waxay ka tarjumaysaa in caadadaada ay badan tahay, waana xaalad loo yaqaano "menorrhagia"
Caadada badan waxaa keeni karo dhowr waxyaabood oo kala ah:
1-Cillada isu-dheelli tirnaan hormoonada ah.
2-Ugxan sidayaasha oo aan sidii la rabay u shaqaynayn
3-Fiix ama buro-biyood ka soo baxdo minka.
4-Hadduu qalabka ka hortagga uurka kuu xiran yahay.
5-Haddii ay jirto cillad dhiig-bax ama xinjiroobis la'aan.
6-Daawooyinka qaar sida daawooyinka loo qaato xanuunka, roomaatiisamka iyo lafo-xanuunka.
7-Xanuuanda qaar sida infekshanka tubooyinka iyo minka, xanuunada qanjirka thyroid-ka ku dhaco, beer xanuunka iyo kilyo xanuunka.

Haddii aad isku aragtay xinjiro joogto kaaga yimaado xilliga caadada, fadlan la xiriir takhtarkaaga cudurrada haweenka si laguu baaro.

Dhibka ay keensan karto cilladaan waxaa ugu horreeyo dhiig yari, haddii caadada saas joogto kaaga timaado dhowr bil.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Nasriin

  • Newbie
  • *
  • Posts: 11
  • Points: +0/-0
Re: Xanuunka caadaada (Dysmenorrhoea)
« Reply #9 on: May 03, 2015, 10:33:35 PM »
Aad baad u mahadsantihiin

Offline Fatma Funny

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
Re: Xanuunka caadaada (Dysmenorrhoea)
« Reply #10 on: May 05, 2015, 11:21:32 AM »
thanks Somali doc! dhabarka oo ixanuuna xiliga caadada oo aan foorarsan karin waxna qaban midakale wax xanuun baa bi iya ma qaato isbuuca caadada hadana waab ku xanuusada caadadaydana waa yar tahay oo ma badna 1 ama 2 baad marka hello ayaaan waaya caadada 3malmod kadib ayan helaa hadana marka maxa sababa kara ayad is leedahay goo ga caadada

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Xanuunka caadaada (Dysmenorrhoea)
« Reply #11 on: May 07, 2015, 11:22:02 AM »
Fatma, ka faaidayso qoraalkaan ku saabsan Caado-wareerka ama caado go'go'a: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Fatma Funny

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
Re: Xanuunka caadaada (Dysmenorrhoea)
« Reply #12 on: March 18, 2016, 12:30:02 PM »
shukran dr jazzaakallah


 

Su'aal: Xanuunka la dheho "Lupus"?

Started by AbdiweliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16752
Last post October 16, 2016, 06:33:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14344
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33549
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 39937
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Noocyada Feero Xanuunka maxaa lagu kala gartaa?

Started by Abdi KarimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 87187
Last post January 30, 2008, 02:32:49 AM
by Waxbaro!