Author Topic: Raajo Saaridda Xangullaha (Myelogram)  (Read 22942 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Raajo Saaridda Xangullaha (Myelogram)
« on: July 24, 2009, 01:30:12 AM »
Waa maxay Myelogram?
Myelogram waa baaritaan raajo si loo hubiyo dabaqanaanta/dabannicistaada. Xaddi yar oo dheeh shucaac ah ayaa baarintaakaan la isu
siiyaa. Dheehu wuxuu jirkaaga ka baxayaa dhowr maalmood ka dib. 
Haddii aad wax xajiin ah ka qaaddid daawooyinka, cuntooyinka ama waxyaabo kale, shaqaalaha u sheeg baaritaanka ka hor.
Haddii aad naas nuujiso, aad uur leedahay, ama ay kula tahay in aad yeelanayso, shaqaalaha u sheeg raajada ka hor.
Xubin qof weyn ah oo qoyska ka tirsan ama saaxiib ayaa loo baahan yahay inuu kula yimaado si ay guriga kuugu kaxeeyaan baaritaanka ka dib.
Ammaan kuuma ahan in aad baabuur waddo ama aad keligaa baxdo. 
Baaritaanku wuxuu qaadanayaa ilaa 1 saac.

Si aad isugu Diyaariso
• Waxna ha soo cunin hana soo cabbin, marka lagu daro biyo, wixii ka danbeeya saqda dhexe ee habeenka baaritaanka ka horreeya. 
• Haddii ay tahay in aad daawooyinkaaga qaadato subaxda baaritaanka, ku qaado kabbashooyin biyo ah oo keliya.
 
Waqtiga Baaritaanka
• Waxaad xiran doontaa goonnada isbitaalka.
• Waxaad caloosha ama dhinaca ugu seexan doontaa miis. 
• Takhtarku wuxuu nadiifin doonaa qayb ka mid ah dhabarkaaga. Waxaa laga yaabaa in aad tan qabow ka dareento.
• Daawo kabuubiso ayaa maqaarka dhabarkaaga lagaaga durayaa.
• Marka uu maqaarku kabuubyoodo, takhtarku wuxuu cirbad gelinayaa inta u dhexeysa lafaha dhabarkaaga. Haddii aad wax xanuun ah dareento, takhtarka u sheeg meesha iyo sida ay kuu xanuuneyso. 
• Xoogaa dheecaan ah ayaa baaritaanka loo soo qaadayaa.
• Xaddi yar oo dheeh ah ayaa cirbadda lagugu siinayaa si markaas meesha ku hareereysan dabaqanaantaada/dabannicistaada loogu arki
karayo raajada.
• Waxaa lagu weydiinayaa in aad si tartiib ah isu geddiso oo uu miisku u dhaqaaqo.
• Raajooyin ayaa lagaa qaadayaa adiga oo siyaabo kala duwan u jiifa.
• Cirbadda ayaa lagaa soo saarayaa ka dibna sharooto ayaa lagaaga dhejinayaa meesha.
• Raajooyin kale ayaa lagaa qaadayaa.
 
Baaritaanka ka Dib
• Daawadii waqtigii baaritaanka lagu siiyey hurdo ayey ku galinaysaa.
Waxaad u baahan doontaa qof weyn oo qoyska ka tirsan ama saaxiib inuu guriga kuu kaxeeyo iyadoo ammaan kuu ah. Waxaad u baahan doontaa in aad baabuurka sii dhex seexato.
• Sariirta ku jiif iyadoo madaxaagu uu kor jiro ilaa iyo 6-8 saacadood ee ku xigta.
• Cab cabitaanno fara badan si aad uga fogaatid madax xanuun. 
• 24 saac ee ku soo xiga: 
─  Waa in qof weyn oo qoyska ka tirsan ama saaxiib uu kula joogaa 
─  Naso 
─  Baabuur ha wadin 
• Natiijooyinka baaritaanka takhtarkaaga ayaa loo diri doonaa.
• Takhtarkaagu wuxuu kula wadaagi doonaa natiijooyinka.
• Isla markiiba wac takhtarkaaga haddii aad isku aragtid:
─  Madax xanuun daran
─  Dareen kabuubyo
─  Faraha ama suulasha ka dareento jilicsanaan
─  In aadan feejigneyn ama jahawareersan tahay
─  Hawlgab maskax ama gariir
─  Daciifnimo
─  Matag 
Sidoo kale wac takhtarka haddii meesha cirbadda lagaaga muday:
─  Ay bararto
─  Ay diirran tahay ama guduudato
─  Ay leedahay dhiig-bax aan joogsaneynin
─  Ay soo deyneyso dheecaan cad

Haddii aad wax su’aalo ama walaac ah qabtid, Halkaan ka weydii
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Raajo Saarista (Taking X-ray)

Started by SomaliDocBoard Radiology & Medical Imaging

Replies: 0
Views: 21032
Last post February 25, 2009, 09:48:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Raajo iyo scan badan?

Started by Hawa omerBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4768
Last post April 21, 2017, 08:24:01 PM
by SomaliDoc