Author Topic: Nuurtooy Wax Badso Wax La'aan Ayey Leedahay!! (Sheeko Gaaban)  (Read 17871 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Nuurto waa hooyo soomaaliyeed oo ku nool gobol ka mid ah gobollada soomaaliya, nuurto waxay leedahay uur 9 bilood ah, waxay timid isbitaalka magaalada oo aan ka shaqeeyo, nuurto waxa ay ka cabanaysay xanuun caloosha iyo laab jeex siyaado ah.
Nuurto waxaa baaritaan ka dib ogaanay in ay leedahay uur mataano oo aysan caadi u dhali karin.

Waxaan nuurto u sheegnay si lagu badbaadiyo mataanaheeda iyo nafsadeedaba in ay u baahantahay qaliin.
Nuurto waxa ay diiday in la qalo inkastoo ninkeeda uu ogolaaday markii dambo, laakiin nuurto waxa ay ku adkeysatay go'aankeeda iyadoo taageero buuxda ka heysto waalidiinteeda.

ugu dambeyntii nuurto waxa ay ka baxsatay isbitaalkii oo xaafaddii baa lagu celiyay markii xanuunkii ay u timid ka roonaatay.
laba maalmood ka dib nuurto fool ayaa qabatay waxayna ehelkeedii go'aansadeen in guriga lagu dhaliyo, cunugii ugu horreeyay wuxuu ahaa dabo-keen (breech-presentation).

Markii cunuga la soo baxay qaarkii dambe ayuu garabkii iyo madaxii la soo bixi waayay, ka dib isbitaalka ayaa loola soo cararay.
Markii aan u imid cunugii qeybtiisa dambe la soo baxay meyd ayuu ahaa aad ayuuna u murxsanaa, hooyadiina xaalad halis ah ayay ku jirtay.
markaan baarnay waxaan aragnay in cunugii kale iyo kan ay meesha isku soo ciriiriyeen garkane isla galeen, xaaladaan oo loo yaqaanno (Locked Twins).
Nasiib wanaag cunuggii kale wuu noolaa inkastoo wadna garaaciisa uu sarreeyay iyadoo tilmaameyso in cabburnaan (distress) ay jirto.
Waxaan ehelkii ku boorinay in haddii la qali waayo nuurto ay halis tii hore ka daran ay galeyso.

wadatashi dheer ka dib way naga ogolaadeen, iyadoo cunuggii noolaa uu helistiisa ay sii siyaadeyso, waxaa nasiib xumo nuurto ay ku weysay cunuggeedii labaad inta qalliinka lagu jiray, laakiin iyada ayaa badbaaday.

Nuurto waxaa lagu daaweeyaa qolka daryeelka qalliinka ka dib iyadoo daalkii iyo dhibkii heystay u sii dheeryahay niyadjab umusha ka dib.
Waxaan sheekadaan idinkugu soo bandhigay in aad ogaataan in dhibaatada jahliga halka ay ka gaarsiisantahay bulshadeenna iyo baahida loo qabo wacyi galinta.

Haddii nuurto ay ogaan laheed dhibka uu leeyahay uurka mataanaha iyo sahlanaanta qalliinka ilmo la'aan iyo qalliin isuguma darsami laheen.

Akhristayaasheenna sharafta lahow waxaan jeclaan lahaa in aad ra'yigiinna ka dhiibataan dhibaatooyinka noocaan ah oo ay keentay wacyi la'aanta heysato umaddeenna.

Waxaan xasuustaa sanadkii hore isbitaal aan ka shaqeynayay in aabo loogu dhalay 3 cunug oo caafimaad qabo laakiin miisaankoodu yaryahay, waxaan aabaha u sharaxay halista caruurta sidaan u miisaan yar ay geli karaan sidaa awgeed in isbitaalka lagu hayo lagana war qabo inta uu miisaankooda korayo awoodna u yeelan karaan in banaanka isbitaalka lagu heyn karo.
Aabaha wuxuu yiri: waan la baxayaa caruurteyda oo waxaan u diidanahay in la iga ileysto!.
Ilaah wuxuu qadiray aabihii markii ilamaha uu la baxay 3 maalin ka dib in laba cunug ay ka saqiireen kii sadexaaadne isbitaalka uu la jiifto.

Wallaahi sheekooyinka noocaan ah oo dhexdinta iyo murugada galinayso qof waliba oo qalbi naxariis leh, waxa kaliya ee lagu xallin karo waa in bulshada la wacyi galiyo.

Waana mahadsantihiin
Waxbaro!


Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!


 

Su'aal: Shahwadayda burqo burqo ayay leedahay?

Started by Yahye1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 45186
Last post September 18, 2019, 12:46:48 AM
by Yahye1
Su'aal: Fixisada Qooshka ama Cake-ga lagu daro saamayn caafimaad ma leedahay?

Started by JiidheBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17422
Last post June 05, 2015, 06:18:57 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawada jilcisada la dhaho maxeey dhibaato u leedahay tinta?

Started by Hanna HuteBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10792
Last post March 30, 2016, 04:30:29 PM
by SomaliDoc
Uur miyaad leedahay? Iska baar cagaarshowga nooca B

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 26521
Last post November 10, 2010, 07:52:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal:- Faa;iidadda Ay Xabbagtu U-Leedahay Ruugagga iyo Kala goosyadda?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10109
Last post October 29, 2011, 06:35:37 PM
by SomaliDoc