Author Topic: Burburka Carjaw Laabatada - Riixa (Osteoarthritis)  (Read 37611 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3924
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Burburka Carjaw Laabatada - Riixa (Osteoarthritis)
« on: August 09, 2009, 03:52:49 PM »


Riixa waxaa afka qalaad lagu dhahaa (Osteoarthritis) waa cudur waxyeeleeyo halka ay xubnaha iska galaan oo baab'iyo carjaw laabatada, sida jilbaha, sinaha iyo laf-dhabarka.
Waxaa mar-mar loo yaqaanaa "Burburiyaha Carjaw Laabatooyinka". Riixa wuxuu yimaadaa markii carjawda ku jiro halka ay xubnaha iska qabsadaan ay dhaawacmaan oo ay kala baxaan, iyaga oo keenaayo adeeg, xanuun iyo dhaq-dhaqaaq la’aan qaybta xubnaha iska qabsadaan oo wax-yeeloobay.
Caadi ahaan, waxuu burburka carjawda laabatada waxyeelaysaa dadka ka wayn 50 jir, waxayna aad caan uga sii tahay dumarka haddii loo bar-bardhigo ragga. Si kastaba ha noqotee, waxuu ku dhici karaa oo kale dadka dhallinta yar, mar-marna, wuxuu sabab u yahay dhaawac ama xaalad caafimaad kalagoysyada xubnaha. Waa iska caadi in khalad loo fahmo in burburka carjawda ay mar kasto tahay dhibaato iyo xaalad naafonimo.
Waxay dad badan oo waayeel ah ee ku sugan xaaladdaasi lee-yahiin calaamadaha lagu garto oo qafiif ah oo aan si aad ah u sii xumayn.
Si kastaba ha noqotee, mar-marka qaarkii, waxuu burburka carjawda laabatada noqon karaa mid aad u daran, gaar ahaan haddii hal ama labo xubno-kalagoys ay si xun u waxyeeloobaan.
Ma jiro wax daaweeya burburka carjaw laabatada, laakin calaamadaha lagu garto waxaa lagu dhimi karaa iyada oo loo isticmaalaayo dhowr daawooyin kala duwan.

Calaamadaha
Waxay calaamadaha waa-wayn ee lagu garto burburka carjawda laabatada yihiin adeeg, xanuun, iyo dhibaato ku timaado dhaq-dhaqaaqidda kalagoysyada xubnahaada. Hase-yeeshee, waxaa dhici karto inaadan qabin gabi ahaan wax calaamado ah ee lagu garto. Waxaad ka dareemi kartaa calaamadaha osteoarthritis hal ama labo kalagoysyo oo keliya, ama waxaad isku arki kartaa in kalagoyso badan wax gaareen. Xittaa waa suurto gal in astaamaha osteoarthritis imaado kadiba iska joogsado.
Waxaa calaamadaha kale ku jiri karaan kalagoysada oo u muuqato inay xoogaa ballaaran yihiin ama ‘kuusan yihiin, awoodda dhaq-dhaqaaqidda oo xadidan (haddii ay kalagoysyada jilibkaaga iyo misigtaada ay wax-yeeloobaan), iyo hur fudud ( barar) wax-yeeleeyo kalagoysada wax gaarey.
Haddii aad qabtid osteoarthratis, waxaad isku arkeysaa in kalagoysyada wax gaarey ee waxyeeloobay ay huraan (bararaan). Kani ma ahan wax aan caadi ahayn, inkasto oo ay loo baahan yahay inaad u tagtid Takhtarkaaga Guud haddii mid ka mid ah kalagoysyadaada aad u bararaan ama ay ballaartaan, bacdamaa ay sababta noqon karto nooc ka duwan ee riix ah. Waxa ka qaadi kartaa osteoarthratis kalagoysyada misigtaada, jilibkaaga, qaybta hoose ee laf dhabarkaaga iyo gacmahaada (gaar ahaan kalagoysyada farahaada iyo suulalkaaga).

Sababaha
Waxuu osteoarthratis dhacaa markii uu dhaawac ku yimaado unugyada soo saara dheecaanka kalagoysyada ku jiro. Wuxuu carjawga noqonaayaa mid la isticmaaley oo aan sax eheen, kaaso keenaayo adkaansho iyo xanuun kalagoysyada wax gaarey. Sababta saxda ah ee keento osteoarthratis si buuxdo looma ogo, inkasto oo ay dhoowr sabab ay ka qayb qaataan inay abuuranto xaaladdaas. Tusaale ahaan, waxuu osteoarthratis caadi ahaan ku dhacaa dadka ka wayn 50 jir waxuuna aad u sii badan yahay intii aad sii waynaanaysid.
Hal nooc ka mid ah osteoarthritis, qoysaska ayaa la iska dhaxli karaa. Waxuu noocan ku dhaca gacmahaaga, gaar ahaan ka dib markii uu dumarka ka istaago xeelka (caadada dhiigga). Intooda badan noocyada kale ee osteoarthratis ma la kala dhaxlo, inkasto oo dadka qaarkood u muuqdaa inay dabiici ahaan u nugul yahiin xaaladdaasi.
Baaris lagu sameeyay osteoarthratis waxay muujisay inay cayilaanta ay culays dheeraad ah sareeyso kalagoysyadaada gaar ahaan misigaha iyo jibka. Waxuu kale osteoarthritis aad ugu sii xumaan karaa dadka cayilan. Waxuu burburka ku dhici karaa is-qabsiga horay ugu soo halaabay dhaawac, qalliin ama xaalad kale.

Baaritaanka cudurka
U tag Dhakhtarkaaga Guud haddii aad u malaynaysid inaad qabtid osteoarthritis. Waxay ku waydiin doonaan wax ku saabsan calaamadahaaga iyo waxay ka sameyn doonaan baaris kalagoysyadaada iyo murqahaada.
Si laguu xaqiijiyo ogaasho inaad qabtid osteoarthritis, waxaa dhici karto inaad u baahatid raajo in lagu sameeyo is-qabsiinadaada wax-yeeloobay. Waxay raajada isticmaashaa tamarta shucaaca si ay u soo saarto muuqaalka gudaha ee jirkaaga, waxuuna muujinayaa sida ay u hormansan tahay xaaladdaada. Waxay raajada muujin kartaa waxii ka maqan ama ka jaban carjawga, dhaawaca lafahaada, ama osteophytes (kuus-kuus lafeed ee keenay osteoarthritis).
Si kastaba ha noqotee, waxay raajada awoodin inuu muujiyo osteoarthratis-ka dhacay waqti aan fogayn.
Haddii uu Dhakhtarkaaga Guud u malaynaayo inay calaamadahaaga ay ku yimaadeen nooc ka duwan ee cudurka xubnaha (riix), sida midka lagu magacaabo rheumatoid arthritis (Roomaatiisam), waxaa lagaaga baahanayaa in lagu sameeyo baaris dhiig.

Daawaynta
Haddii osteoarthratis’kaaga yahay mid fudud, ma u baahanaysid daawayn. Si kastaba ha noqotee, waxaa jiraan daawooyin badan, daawayn iyo qalab loogu talogalay osteoarthratis oo fududeynaayo inaad ugu noolaatid xaaladdaasi. Waxay dad badan u qaataan xanuun dile (xanuun-dilayaal) osteoarthratis. Haddii paracetamol-ka iyo gel-ka xanuun-dilaha ay kaa xakamayn waayayaan xanuunka, waxuu Dhakhtarkaaga Guud kuu qorayaa xanuun-dile aad uga xoog badan, sida co-codamol ama co-dydramol. Waxaa kale oo lagaa cirbadayn karaa kalagoysyada, oo joojinayso xanuunka iyo bararka. Waxuu kale oo u Dhakhtarkaaga Guud kuu qori karaa baakadaha qandhaciska ama qaboowga ee la saaro kalagoysyada.
Transcutaneous electrical nerve stimulation (TENS) waa nooca fiisiyoterabiyada ee osteoarthratis kaasoo lagu dhimaayo xanuunka iyo calaamadaha lagu garto. Waxuu u dareem la’aan ka dhigaayaa qaybta dambe ee dareemeyaasha ku yaalo laf-dhabarkaaga, sidii aad mar dambe wax u dareemin. Haddii dhibaato ku qabtid dhaq-dhaqaaqa ama waxqabadyo maalimeedka, waxaa jiraan qalab waxtar u leh oo la heli karo, sida kobo-gashi gaar ahaan loogu talogalay, qalabka kaa caawino socodka iyo qalbka lagu furo ama xiro biiyaha.

QalliinWaxaa qalliinka osteoarthratis loogu baahan karaa oo keliya markii ay jiraan arrimo yar. Waxaa lagugu samayn karaa qalliin haddii ay daawayn kale wax kuu teri-waydo. Waxaa jiraan dhowr noocyo kala duwan ah ee qallin loogu talagalay osteoarthratis.
Waxaad qalliin u samayn kartaa sidii loo simo dusha kalagosyadaada, ama dib loo soo celiyo carjawga (ee loo yaqaan arthrostomy), ama waxa qalliin lagaga beddeli karaa kalagoyska oo dhan (arthroplasty), ama waxaa layskugu gayn karaa hal meel (arthrodesis). Waxuu anthroplasty-ga caadi ahaan loo isticmaala in lagu beddelo misigyada io jilibyada. Waxuu Dhakhtarkaaga qalliinka kaa saarayaa kalagoyska wax gaarey iyo lagu beddelo kala-goys ka samaysan balaastiik gaar ah ama macdan (prostheses).
Haddii aan laguu samayn karin arthroplasty, waxuu Dhakhtarkaaga qalliinka kuugu la talinayaa in lagugu sameeyo qalliinka anthrodesis, oo labada kalgoys si joogto ah isku dhejinaayo. Waxaa sidaan loola jeedaa in kala-goyskaaga xoog yeelan doono, xanuunna ma ka dareemi doontid, inkasto oo aad dib u dhaqaajin karin.

Iskaa wax u qabso
Waxaa aad muhiim u ah jimicsiga si loo daaweeyo osteoarthratis. Ma aha keliya inuu jimicsiga joogtada ah kaa shaqaysiinaayo oo aad ku dhaq-dhaqaaqaysid, waxuu kaa caawinayaa inaad dhistid murqahaaga iyo xoojisid kalagosyada xubnahaada.
Waxay Dhakhtarkaaga Guud, fiisiyoterabiistahaaga, ku siin karaan qorshaha jimicsiga si aad ugu samaysid guriga. Haddii aad cayilan tahay, waxaad isku daydaa inaad dhintid culayska adiga oo samaynaayo jimicsi iyo adiga oo cunaayo cunto dheelitiran. Ahaanshada qof cayilan wuxuu saarayaa culays saa’id ah ama kalagoysyada xubnahaada, wuxuuna osteoarthratis ka dhigaaya mid sii xumaanaysa. Waxaa kale oo jiraan daawayno gaar oo kale ee loo heli karo osteoarthratis, sida daawaynta chiropreactic (oo diiradda lagu saaraayo inay toosido laf-dhabarkaaga), agobuntuurada iyo daliigid. Si kastaba ha noqotee, waxaa jiro caddaymo caafimaad oo yar ee muujinaayo inuu kani wax-tar leeyahay. Waxaa calaamadaha osteoarthratis kaa caawini karaan waxyaabo lagu darsado cuntada, sida glucosamine sulphate, chondroitin, iyo saliidda kallunka (omega-3 fatty acids).
Mar kale, waxaa jirto caddaymo yar inay kuwaan wax-tar leeyihiin, inkasto oo barista muujisay in qaadashada glucosamine sulphate-ka ama salidda kalluunka, ay yeelan karaan natiijo fiican.
Ha qaadan daawanadaan haddii aad u lee-dahay xasaasiyad (alarjiyo) kallunka shellfish.
Maadaama xanuunkaan kuwa lala noolaado uu ka mid yahay oo qofka muddo hayn karo, waa muhiim in dhakhtar joogto loola xiriiraa si talooyin caawimaad ah loo helo, haddii aad xanuunkaan la nooshahay, waxaad cabashadaada iyo talo raadintaada toos ugu hagaajin kartaa dhakhtarka adigoo farriin ugu dira qeybta messages-ka ee Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/

CUDURRO XIRIIR LA LEH:

Haddii aad su'aal qabtid caafimaadka ku saabsan iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

 

Su'aal: Ilka burburka caruurta?

Started by CabdulqadirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 686
Last post March 18, 2016, 12:30:42 PM
by SomaliDoc
6 Tips for Osteoarthritis Prevention

Started by Ahmed_07Board Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 1834
Last post August 30, 2012, 10:47:41 AM
by Ahmed_07