Eebe wuu adkeeyay lafaha madaxa si ay u ilaaliyaan maskaxda.
Haddii madaxa lagugu dhufto ama xoog loo dhaqaajiyo, maskaxda dhaawac ayaa gaara markay ku dhaqaaqdo xawaare xawli ah. Maskaxda ama qayb maskaxda ka mid ah jug ayaa gaari karta, way kala jiidmi kartaa ama kala dillaaci kartaa si uu dhiig uga yimaado.
Qofka waxaa laga yaabaa iney soo gaaraan hal nooc ama noocyo badan oo dhaawac maskax ah. Ka soo kabashada dhaawaca maskaxdu wuxuu qaadan karaa waqti dheer.
Waxyeellada Dareemayaasha (Neerfaha)Marka ay maskaxdu gadaal iyo horey dhaqaaq xawaare leh ugu samayso, dareemayaasha maskaxda ayaa kala jiidma ama kala dillaaca. Dhakhtarkaagu waxaa laga yaabaa inuu ku tilmaamo dhaawac fudud, mid dhexe ama mid daran.
Calaamadaha waxyeellada dareemayaasha waxaa ka mid ah miyir beelid, loo yaqaanno kooma, dhaq-dhaqaaqid aan caadi ahayn ee gacmaha iyo lugaha, cadaadiska dhiigga oo sare u kaca iyo qandho.
Ogsijiin La’aanogsijiin la’aanta dhammaan ama qaybo ka mid ah maskaxda waxaa loo yaqaannaa anoksiya (anoxia). Dhaawac ku yimaada socodka dhiigga maskaxda kaasoo yareeya ogsijiintu wuxuu waxyeello u keeni karaa maskaxda. Tan waxaa ka mid ah
wadne qabad,
hawlgab maskax (faalig), isku dhexyaacid ama dhaawac ka yimaada dhiig la’aan. Waxaa laga yaabaa iney jiraan dhibaatooyinka sida xusuus beelid, dabeecadda qofka oo isbeddesha, dhibaato hadalka ah, ama kala go’ qofka ku dhaca. Marka la qabo anoksiya (anoxia) daran, kooma waqti dheer ama dhimasho maskax ayaa laga yaabaa iney qofka ku dhacdo.
JugJugta ama dhaawac jug waxay dhici karaan marka madaxa wax lagu dhufto isla markaana maskaxdu ay gadaal ama horey ugu dhacdo qolfoofka. Dhiig maskaxda gudaha ugu baxa ama dillaac qalfoof ayaa laga yaabaa inuu dhaco. Jugtu waxay keeni kartaa barar, kooma, suuxdin, waxyeello maskax ama cadaadis sarreeya oo ka dhex dhaca qalfoofka.
Hematoma (Kuus dhiig ah oo madaxa fadhiistoHematoma waa mug ama kuus dhiig ah. Waxaa jira 3 nooc oo hematomas-yo ah iyagoo ku saleysan mugga dhiigga.
• Dhiigga ku urura lakabka sare ee maskaxda (Epidural hematoma)—lakabka sare ee maskaxda ee u dhexeeya maskaxda iyo qalfoofka.
• Dhiigga ku urura lakabka dhexe ee maskaxda (Subdural) hematoma—lakabka dhexe ee maskaxda.
• Dhiigga ku urura qaybta gudaha ee maskaxda ( Intracerebral hematoma)—qeybta gudaha ee maskaxda.
Hematomas-yadu waxay keeni karaan barar maskax, cadaadis sarreeya oo ka dhex dhaca qalfoofka, ama kooma. Qalliin ayaa laga yaabaa in lagu sameeyo si meesha looga saaro hematomada. Tan waxay ku xiran tahay meesha ay hematomadu ku taallo iyo iney sii ballaaranayso ama dhibaatooyin keeneyso iyo in kale. Hematomada waxaa laga yaabaa ineysan keenin saameyn sii jirta, laakiin dhaawacyada kale ee maskaxda ayaa laga yaabaa iney isku mar dhacaan hematomada.
Dhiig ku furmo MaskaxdaDhiig gudaha ugu baxa maskaxdu waa dhiig maskaxda gudaha uga furma.
Dhiig baxu wuxuu ku imaan karaa 3 meelood oo maskaxda ka mida:
• Maskaxda duleedkeeda waxaana loo yaqaannaa dhiig baxa maskaxda duleedkeeda (subarachnoid hemorrhage).
• Nudaha maskaxda ama marinnada maskaxda waxaana loo yaqaannaa dhiig baxa maskaxda gudeheeda (intraventricular hemorrhage).
• Gudaha maskaxda waxaana loo yaqaannaa dhiig baxa maskaxda gudeheeda (intracerebral hemorrhage).
Halkaan ka akhriso xanuunka "Storke-ga": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3552.0.html
Haddii aad su'aalo qabtid ku soo gudbi halkaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com