Author Topic: Suáal: Fin ka soo baxday foolka?  (Read 8667 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Tahani

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Suáal: Fin ka soo baxday foolka?
« on: August 11, 2009, 03:30:19 PM »
asc diktore, waxaan ahay gabar 18 jir eh. waxaa isku arkay 3 sano ka hor,in eey iga soo baxday fin yar oo u ekeed markaaas fi nanka cadiga ah ee dadka ka soo boxo. waxeeyna ka soo baxday  foolka , mesha ah sujuudka kor keda. oo ah mesha eey iska galan wajiga iyo  timaha.meshii waxeey isku badashay dhoor mal mood kadib cadaan sida baraska oo kale, dawooyin fara badan ayaan qatay, jarmalka waa tagay.wali wax natiijo ma garin.inta aan dawadaas qadanayay weey faaftay wax yar. timihii mesha ku yilayne ciri ayee isku badaleen. aniga wax daawoyin oo jirkeyga dhibato u keni karo oo an istimcalay ma jiraan. waxaa aniga iyo walidkeeygaba uqaadanay in la i cunay. cudurkan basar miyaa mase wax kale. aniga mesha lee iga cad. mee diktor iga soo jawaab fadlan sida ugu dhaqsiyaha badan adiga oo mahadsan.





Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Suáal: Fin ka soo baxday foolka?
« Reply #1 on: August 26, 2009, 02:12:52 PM »
Badanaa su'aalaha ku saabsan dhibaatooyinka maqaarka loogama jawaabi karo on-line, maxaa yeelay waxaad u baahantay in meesha uu arko dhaktar maqaar ku taqasusay.

Sidaa darteed la xiriir "dermatologist", haddii dhibkaaga la garan waayayne maahan in lagu cunay maxaa yeelay badanaa nabrro badan ayaa jiro oo markii ay bogsadaan haar ama bar ku reeba jirka waxaa kaloo dhici karo in daawooyinka aad isticmaashay haddii ay ku jiraan kuwa la maraniyay nabarka in ayagaba ay maqaarka badaleen.

Mahadsanid
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Suáal: Maxaa keena qarqaryo saaid ah dididka habeenkii?

Started by Saiid6666Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15279
Last post September 07, 2009, 10:37:35 AM
by SomaliDoc
Suaal hurdo la'aan iyo wadna garaac hadii aan jamaac sameyo

Started by SiyaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9047
Last post June 04, 2012, 07:05:31 PM
by SomaliDoc
Suáal: Cudurka macaanka galmada ma layskugu gudbiyaa?

Started by Ahmed333Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26607
Last post June 12, 2009, 12:08:53 AM
by SomaliDoc
Suáal: Cunto cusbo laáan ma cuni karo?

Started by Samawade180sBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 18648
Last post October 06, 2009, 11:14:22 PM
by SomaliDoc
Suáal: Xaada raga iyo sidee u heli karaa??

Started by MalaqaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13771
Last post October 12, 2009, 11:53:35 AM
by SomaliDoc