Author Topic: Su'aal: Low Sperm daawo ma leeyahay?  (Read 34205 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ifraax

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Low Sperm daawo ma leeyahay?
« on: August 20, 2009, 02:25:43 PM »
asc dhaman Dr somaliyeed ee wabkan sifican dadka uugu sacid

Salaam kadib waxaan rabilaha in aad iisheeg hadii ninka ragi ah leyahay low sperm ma waxaa jirto wax daawo ah oo lasiiyo oo kor u soo qaado sperm kiisa misa qofkii sidaas ayuu adanayaa oo wax lagu caawin karo ma jirto
Mahad sanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Low Sperm daawo ma leeyahay?
« Reply #1 on: August 29, 2009, 11:58:30 AM »


Waa maxay Low sperm count?
Low sperm count (Oligospermia) waxaa loo yaqaanno Xaw-yari waxay ka mid tahay waxyaabaha keeno in raggu madhalays noqdaan.
Waxaa la dhihi karaa qofka wuxuu qabaa xaw-yari markii 1ml of manidiisa ah laga hel0 in ka yar 20 million oo xaw ah (sperm).
Waxaa badanaa la isku qaldaa xaw-yari (Low sperm) iyo Mani-yari (Low semen).|
Mani-yari waa biyaha ragga oo yar, xaw-yarina waa unugyada abuurka ragga oo u qaabilsan bacriminta ugxanta oo yar.
Mani-yarida wuu ogaan karaa qofka laakiin in xaw-yari jirto ma ogaan karo illaa inta laga baarayo oo sheybaar la geeyo manida ka dibna la tiriyo meeqo xaw ayaa ku jirta halkii 1ml oo mani ah.

Maxaa keeno xaw-yarida?
Xaw-yarida waxaa keeno dhawr xaaladood oo ay ka mid tahay, cudurro, daawooyin, hormoonnada iyo vitaminnada qaar oo yaraado.

Waxyaabaha keeno xaw-yarida waxaa ugu horreeya kuwaan:
  • Dhibaatooyin la xiriira samaysanka xawada, kuwaanoo ku dhaca dadka ku dhasha iinta (hidda-socod).
  • Xaniinta oo dhaawacanta waxay keeni kartaa xaw-yari ama xaw-la'aan.
  • Nafaqo darrida waxay keentaa xaw-yari weliba markuu jirka ku yaraado curiyayaashaan (Zinc, Selenium, Vitamin C IWM)
  • Kuleel siyaado ah oo gaaro xaniinta sida Saunas-ka lagu qubeysto ama biyo aad u kulul oo ku istinjooto.
  • Sigaar cabidda waxay keentaa xaw-yari.
  • Daroogada sida Cocaine iyo Marijuana waxay yareeyaan xawada 50%.
  • Khamriga sidoo kale wuxuu dilaa xawada sidaa darteed dadka aad u cabo waxay u keentaa xaw-yari.
  • Waxaa jiro daawooyin badan oo keeno xaw-yari sidaa darteed daawo ha qaadan adigoo kala tashan dhakhtar.
  • Sunta iyo shucaaca waxay aad u yareeyaan xawada.
  • Xaw-yarida waxay ku badantahay oo kale ragga aadka u cayilan.
  • Welwelka iyo fikirka wuxuu keenaa xaw-yari.
  • Arooriyaasha xiniinyaha oo barara (Varicocele) waxay keenaan xaw-yari iyo madhalaysnimo.
  • Waxaa kaloo la sheegaa in baaskiil wadowga muddada dheer uu keeno xaw-yari maadaada korsiga baaskiilka uu cadaadis joogto ah ku hayo xidada iyo neerfaha ku shaqo leh xawada.
  • Waxaa kaloo xaw-yarida laga qaadaa in qofku uu gacantiisa biyo isaga keeni jiray in muddo ah taasoo loo yaqaanno (Siigeysasho)
    Akhriso dhibaatooyinka caafimaad ee laga dhaxlo siigeysiga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html

Sidee loo daaweeyaa xaw-yarida?
Sida aan kor ku soo xusnay daaweynta xaw-yarida waxa ay ku xirantahay waxa keenay, sidaa awgeed waxaa muhiim ah haddi adiga iyo lamaanahaada aad ka cabanaysaan madhalaysnimo in aad la tashataan takhtar maxaa yeelay waxaa keeni kara dhawr dhibaato oo kala duwan.
Midda kale xaw-yarida qofku ma sheegi karo mana dareemi karo illaa in baaritaan sheybaar lagu sameeyo.
Haddii aad xaw-yari lagugu sheegay baaritaan sheybaar ka dib waxaad kaalmaati ahaan u sii samayn kartaa adigoo la kaashanaya dhakhtar waxyaabahaan soo socda:
  • Caafimaadkaaga ku dadaal, cun cunno isku dheellitiran iyo khudrad.
  • Jimicsi joogto ah sameey
  • Yarey diiqada iyo welwelka
  • Miisaankaaga hoos u dhig
  • Jooji isticmaalka sigaarka, tubaakada, khamariga iyo maandooriyaashaba.
  • Ha isticmaalin daawo uusan dhakhtar kuu qorin ama aadan kala tashan.
  • Waa in laga fogaadaa gacanta oo biyo la isaga keeno
  • Ka fogow in aad gashato dhar aad kugu dhagan sida jiinisyada qaar.
  • Iska ilaali in aad ku qubeysato biyo aad u kulul ama aad dhex fadhiisato.

Waxaa jiro kaniini loo yaqaanno kobciye xaweed (Semen enhancement pill), inta aadan isticmaalin daawadaan waa in aa fikrad ka heysatid shirkadda soo saartay maxaa yeelay shirkado aad u badan oo aan la garaneyn oo xayeysiiya kaniiniyadaan ayaa jira taasoo haddii lagu dagdago dhibka kuu kordhin karata.
Midda labaad inta aadan kaniiniga isticmaalin kala tasho takhtar in aad u baahantahay iyo in kale iyo waliba sida aad u isticmaaleysid.

Akhriso Cunnada Ragga U Roon: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5937.0.html
Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah iigu soo dir halkaan:

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Bagaax

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Low Sperm daawo ma leeyahay?
« Reply #2 on: April 06, 2019, 09:27:11 PM »
Dr khayr allaha ku siiyee
Waxan ku waydiinaa ninka goormee la dhihi karaa waxa uu qabaa xawo yari tiro intee la leg ayaa la dhihi karaa haday intaas ka yaraato waxa ad qabtaa xawo yari

Offline Abdi Hafow

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Low Sperm daawo ma leeyahay?
« Reply #3 on: May 16, 2019, 09:33:34 AM »
Asc digtore
Suasheydu waxa weeye. Waxaan isku arkay hadaan riyoodo anoo galmo sameynaya shahwaa iga imaan jirtay hada se mar dhow iga imaan mayso.

Tankale xiniyahaygu waa ay dheeradeen sidoodi hore ma ahan


 

Su'aal: Faa'idada uu leeyahay "KONTAKT LINSEN"?

Started by Maajid DalabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6091
Last post July 21, 2017, 07:37:20 PM
by SomaliDoc
Daawo ayuu qaatay Qamaar ayuu ku waashay!

Started by PharmacistBoard Medical Stories and Jokes

Replies: 1
Views: 11751
Last post November 02, 2007, 07:35:10 PM
by Admin
Su'aal: kala dambeynta biyo-baxa lamaanaha saameyn ma ku leeyahay uureynta?

Started by Suldan10Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16348
Last post March 10, 2012, 02:06:35 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Gacan Xanuun iyo Astaamaha uu leeyahay Carpal Tunnel Syndrome?

Started by RaaliyoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23017
Last post January 11, 2011, 10:28:07 PM
by SomaliDoc
Su?al: Maxaa ka jira in dhibatooyin xaga ragnimada uu leeyahay prednisolone-ka?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10189
Last post March 03, 2011, 01:25:49 AM
by Dr. Acromion