Author Topic: Su'aal: Siigeysashada iyo Caafimaadka?!  (Read 231444 times)

0 Members and 11 Guests are viewing this topic.

Offline Ahmed333

  • Newbie
  • *
  • Posts: 14
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Siigeysashada iyo Caafimaadka?!
« on: August 24, 2009, 12:41:04 AM »
waad salaamantiin dhamantiin waxaan doonayaa inaan wax ka ogaado dadka gacanta biyaha iskaga keena  cafimaadka galmada ama guud ahaan cafimaadka ma dhaawici kartaa sidee se u dhaawici kartaa inaan waxa ka ogaadaan rabaa waad mahdsantiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Suáal: Siigeysashada iyo Caafimaadka?!
« Reply #1 on: August 29, 2009, 11:59:11 AM »
Waa Maxay Siigeysi?
Siigeysasho ama waxa loo yaqaanno "masturbation" waa in qofku uu biyo iska keeno isagoo ku falaadayo xubnihiisa taranka.
Caadadaan ma ahan mid diinta, dhaqanka iyo caafimaadkaba u roon, dhibaatooyin badan ayaaa laga dhaxlaa, dhalinyaro badan oo cadadaan joogteysay ayaa illaa hadda la rafaadsan dhibaatadii ka soo gaartay oo weli xal u heli la'.

Dadka ugu badan oo cadadaan sameeyo waa dhalinyarada waliba wiilasha xilliga qaangaarka ku jiro iyo sanadaha ku xiga.

Waa maxay dhibaatada caafimaad ee Siigeysashada?
Caadeysiga siigeysashada waxay keentaa dhawr dhibaato oo caafimaad darro ah, waxaa ugu muhiimsan:
1- Daal iyo tabardarri joogto ah weliba khaas ahaan hadduu qofka joogteyso maadaama xilliga qofka uu samaynayo arrintaan uu jirkiisa oo dhan wda kacsan yahay oo dheecaanno iyo hormoonno badan la soo daayo kuwaaso ay ka mid tahay in murqaha jirka dhan ay giijismaa, qanjirrada sida kuwa dhididka oo wada shaqeeyo, korontada iyo dhambaallada maskaxda oo aad u sarreeyo. marka haddii xaaladdaan jirka uu la qabsado waxay saamaynaysaa habdhiska jirka noocyadiisa kala duwan.
2- Xanuun dhabarka qeybtiisa hoose ah, kaasoo saamayn kara murqaha, ricirrada lafdhabarta iyo carjawda u dhaxeyso intaba, tan mustaqbal ahaan waxaa dhici karto inay carqalad u keento galmada dabiiciga ah.
3- Timaha oo yaraadaan ama daataan, joogteynta caadeysiga siigada waxay khalal ama isbaddal ku samaysaa hormoonnada jirka, tan waxaa ka mid ah kuwa qaabilsan korrinta iyo kobcinta timaha, taasoo haddii ay yaraato ama la waayo ay timaha daciifi karaan ama si sahlan u daadan karaan.
4- Kacsi la'aan (Hawlgabka kacsiga ee dhalinta), hami yarida iyo kacsi la'aanta waa cillad ay keenaan waxyaabo badan, siigeysiga wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ugu horreeeyo oo arrintaan ay keento khaas ahaan markuu qofka la qabsado siigaysiga, fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan howlgabka kacsiga iyo xalkiisa intaba: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html
5- Biyo-bax degdeg ah, in qofka uu in muddo ah uusan celin karin biyahiisa xilliga galmada waxay noqon kartaa raad uu siigeysiga ku reebay waana dhibaato aad ugu badan dhalinyarada guursatay awalne caadadaan joogteyn jiray, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan biyo-baxa dagdagga ah: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2121.0.html
6- Aragga oo caad yeesho ama aragtida oo daciif noqoto waa xaalad lagu arko dhalinyarada ku duqowday siigaysashada oo muddada dheer soo samaysay, mana ahan caadkii indhaha fuuli jiray ee la yaqiinnay "cataract" ee waa nooc ka duwan.
7- Bisqinleyda iyo xiniinyaha oo xanuuna.
8- Xanuun iyo casiraad laga dareemo moqor miskeedka iyo dabaqanaanta.
9- Qofku wuu ku walfi karaa oo dhib ayay hadhowdii ku noqoneysaa in uu iska gooyo caadadaan, waxayna saameyn kartaa nolosha guurka iyo qoyska, hadduu qofka arrintaan iska jari kari waayo.
10- Wuxuu kaloo keenaa waxa loo yaqaano "Semen leakage" oo ah in biyuhu soo dareeraan iyadoo wax dareen kacsi ah uusan jirin ama iyadoo kacsi jirin in qofka uu biyo-baxo ama isagoo aan dareeminba.
11- Dhibaato nafsaani ah sida hilmaamidda iyo xifdin la'aanta, tanni waa mid ay dhakhaatiirta arrintaan la tacaalo ay ka sheegaan dadka caadaystay howshaan, waana arrin ay dhib badan tahay in caafimaad ahaan loo xalliyo haddii ay kaa soo gaartay siigeysiga.

Sidee loo joojin karaa Siigeysiga?
Waxaan kula talin lahaa dhalinyarada arrintaan samayso in ay diinta wax khilaafsan ay tahay, caafimaadka iyo mustaqbalkoodane saameyn weyn ku leh, sidaa awgeed haddii aad awooddo in aad guursato oo arrintaan si sharci ah oo caafimaadne ku heli doontid ay kuu suuragalayso waan kugu la taln lahaa, haddii aadan awooddaas aadan haynin, waxaan kugula talinayaa in aad raacdid taladii rasuulkeena nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee in uu dhalinyarada kula dardaarmay in ay soomaan haddii uu dareenkooda uu kacsan yahay, waana wax cilmi ahaan loo arkay in soonka uu hoos u dhigo hormoonnada la xiriira kacsiga.
Haddii aad caadadaan ku walaftay ama aad 'addict" ku tahay, waa in aad aragtd dhakhtar 'psychologist' si lagaaga gooyo caadadaas.

Haddii dhibaato ay iga soo gaartay Siigeysiga, Sidee ku xallin karaa?
Siigeysiga haddii la joojiyo waxuu jirka isku dayaa in uu dib isku habeeyo oo uu saxo wixii isbadala ama khalal ku dhacay xagga dheecaannada iyo hormoonnada kontroola jirka qeybihiisa kala duwan, way ku kala duwan yihiin qofka inta uu caafimaadkiisa ku soo ceshan karo, waxayne ku xiran tahay muddada aad caadadaan samayn jirtay.
Haddii ay dhibaatooyinkaan kugu daaheen oo ayna kaa go'antahay in caadadaan aad joojisid, fadlan la xiriir takhtar aad ku kalsoon tahay si uu talo kaa siiyo.

Talo Guud:
1- Fadlan jooji cadaadan.
2- Cunto isku-dheelli tiran cun, waxaad badsataa khudradda iyo fruits-ka, qeybihiisa kala duwan.
3- Sameey jimicsi joogto ah sida in aad rucleyso ama socod lugta ah aad gasho muddo nus saac ah.
4- Iska jooji caadooyinka kale ee xunxun oo arrintaan kuu horseedi karo sida daawashada filimaanta xunxun iyo isticmaalka maandooriyayaasha sida Qaatka iyo wixii la mid ah.
5- Haddii aad waalid tahay oo aad caruurtaada uga cabsi qabtid arrintaan waa in aad si waalidnimo iyo saaxiibtinnimo ku jirto aad kala sheekaysataa caruurtaada adigoo si dadban oo aan cannaan iyo ciqaab ku jirin uga wacyi galiya.

Haddii aad u baahantahay faahfaahin dheeraad ah ama su'aalo aad qabtid waad na soo weydiin kartaa.
Caafmaad baan idin rajaynayaa.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Faaciye

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Suáal: Siigeysashada iyo Caafimaadka?!
« Reply #2 on: September 06, 2009, 03:38:29 PM »
su,aaal

walalahi webkaa waan ku faraxan markaan arkay sida Suuban oo layku dhaafasanato su,aalaha helths


su,aasheeda waxa weeye

waxaan qabaa dhibaato ah sida hilmamida iyo xifdinta 

tan kale biyah shahwada dhakhso bee iga imaadaan

haduu yahay qodobkaan ugudanbeeya
10- Dhibaato nafsaani ah sida hilmaamidda iyo xifdin la'aanta.

xalka maxuu noqon karaaaaa???

Maxaa se daawo U ah

Shukran

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Suáal: Siigeysashada iyo Caafimaadka?!
« Reply #3 on: September 07, 2009, 10:26:36 AM »
Waxaan filayaa in suáashaada xifdin laáanta ku saabsan aad halkaa ka akhrisan karto:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1745.0.html

Suáasha kale ee biyo bax degdeg ahne halkaan ayaa kaga bogan kartaa
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2121.0.html

Haddii aad qabto suáalo kale oo ku saabsan halkaan ka sii weydii
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ahmed333

  • Newbie
  • *
  • Posts: 14
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Suáal: Siigeysashada iyo Caafimaadka?!
« Reply #4 on: September 13, 2009, 06:28:04 AM »
dhiibato ma ku yeelataa siinagysigu xaga dhalmada macnihii ma dhalays xaga raga taa maxaa ka jira qofku hadii uu ku walfo
maxaad kula talin lahaydeen inuu sameeyo si uu iskaga daayo waad salamantiin aqyaarta aad ayaay u mahdsanyihiin.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Suáal: Siigeysashada iyo Caafimaadka?!
« Reply #5 on: September 15, 2009, 11:32:37 AM »
In siigeysigu uu keeno madhalaysnimo weli lama sheegin, qofka hadduu ku walfo wuxuu u baahanyahay inuu qaato goáan adag oo sida qofka iskaga gooyo sigaar cabidda oo kale.

TALO: Haddii aad tahay nin nalinyaro ah oo aan xaas laheyn guurso.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Dr.Barkhadle

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Suáal: Siigeysashada iyo Caafimaadka?!
« Reply #6 on: October 07, 2009, 08:45:12 PM »
Fadlan walaal si wacan bal iiga soo qanciya su,aalahan ? Tusaale ahaan qofka waxan oo kale sameeya
Siigaysigu Maxaa xal u ah ?
SIdeese layskaga dayn karaa xaas la,aan ?
Mustaqbalka Caafimadkiisa waxyeelo inteese leeg bay ugaysata

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Suáal: Siigeysashada iyo Caafimaadka?!
« Reply #7 on: October 12, 2009, 11:56:43 AM »
Walaal waxaan filayaa in sáashaada laga jawaabay.
Akhri qoraalka kore.

Mahadsanid
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Salaadyare

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Suáal: Siigeysashada iyo Caafimaadka?!
« Reply #8 on: November 25, 2009, 09:23:26 AM »
asc dhamaan walasha somaliyed salan kabacdi drka qeyr alaha siye waxa uu shegay sigeysiga ay keento waxyaaba badan oo caafimad daro ah waxa kamid ahaa indhaha oo arag xumada  ama caad yeesho marka caadkaas side buu qofka usameyn karaa qofka aragiisana wax ma udhibaa mana labaabi inkaraa caadkaas maadaaba ay sababtay siigada sida qoralka ku cad qofkuna miyuu u baahanyahay classes ama oo kiyaale?
 waana mahadsantihin dhaman walalaha qaas ahan drka asc.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Suáal: Siigeysashada iyo Caafimaadka?!
« Reply #9 on: December 02, 2009, 08:46:23 PM »
Caadka ama humaaga indhaha fuula siigada awgeed wuxuu daciifin karaa aragga.
Inkastoo weli la isku waafaqsanayn qaabka siigadu indhaha u waxyeeleyso laakiin waa laga hortagi karaa dhibaatadaan iyadoo laga fogaado caadadaan lana cuno cunno nafaqeysan.

Haddii qofku uu ka cabanayo dhibaatada aragga noocaan oo kale ah waa inuu la xiriiraa dhakhtar ku taqasusay indhaha si loo baaro wixii daawo ama ookiyaalo ahna loogu qoro.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Xussen

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Suáal: Siigeysashada iyo Caafimaadka?!
« Reply #10 on: January 06, 2010, 12:24:42 PM »
Assalaamu calaykum dhamaan bahda webka somalidoc

bacda salaan walaoyaal aad ayaad ugu mahadsantihiin su aasha iyo walaiba jawaabtan haboon

haseyeeshee walaalayaal maxaa lagaga goonkaraa qof bartay siigeesiga?

Offline Qadafi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Suáal: Siigeysashada iyo Caafimaadka?!
« Reply #11 on: June 09, 2010, 11:20:29 AM »
sw walayaal bacda salaan waxaan doonayaa in aan idin waydiiyo anigoo ka faa'iidaysanaya fursadan aadka u qaaliga ah  qofka caadaystay siigeysiga siddee looga daawayn karaa specially markuu qofku yahay dhanyaro  talo iy tusaale fiican ayaan idinka sugayaa
mahadsanid

Offline Ashwaaq

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 36
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Suáal: Siigeysashada iyo Caafimaadka?!
« Reply #12 on: June 10, 2010, 03:21:18 PM »
]W/wasalaam, Salaan kadib waxan u shegayaa  dhalinyaadan somaliyeed kuna birinaya figradeyda yartaa
   horta waxa barato wa baaska bey tiraahda somalidu, saas ayadoo ah hadii aad rabto in  aad iskaga goyso siigada
1 guurso hadii aad  awooeo sida ugu dhaqsiyaha badan
tankale ku samee noloshaada isbadal
sida waqtiyadii aad sameen jirtay oo aad seexato
 in ad i ka ka aado  kubada cagta  si aad iskugu mash quuliso
in aad sameeyso   camal / shaqo oo aad inta badan waqtigaaga siiso si aad u iloowdo
makaas aad noloshada isbadal gareyso waa macquul in aad iska goyso Sigadaan,

Ogoow siigadu cafimaadkaaga uma wanaagsana thanks all  ;D[/color]

Offline Xog-doon

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Siigeysashada iyo Caafimaadka?!
« Reply #13 on: October 13, 2010, 11:30:06 AM »
Assalaamu Caleym.
Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin bahda Somalidoc. Aad ayaan ula dhacay howlahiina, qeyr Allaha idin siiyo... Aamin Amiin Amiin.

Waxaan daneynayaa in aan ogaado arrimahan:

1. “Timaha oo daata ama yaraada” - bidaar ama salxo mala dhihi karaa way keeni kartaa siigadu?
2. “Xifdin la’aan” - xifdil la’aantaasi xal maloo heli karaa oo ma ka soo kabsanayaa, hadiiba ay dhacdo in aan iska gooyo siigadu?
3. Gabdhaha saameyn maku leedahay siigadu, sida wiilasha oo kale?
4. (Tusaale ahaan), waxaan ahay wiil mudo ka badan 10 sano ayaana sameynayay arrintan (asbuucii 2/3 jeer) (markii hore waxaan isku arki jiray in aan si degdeg ah u biyo-baxo markii aan sameynayo mudo ka dibse waxaan isku arkay ilaa 10/20 daqiiqo inay iga yimaadan) Marka, ma isla sidii ayay ii saameyneysaa mise...??

Jawaab wanaagsan ayaan idinka rajeynayaa, waadna mahadsan tihiin mar kale.  ;D

Offline Abdiman

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Siigeysashada iyo Caafimaadka?!
« Reply #14 on: March 17, 2015, 08:15:38 PM »
A.caleykum w.w.
salaan kadib walaal waxaan qabaa su'aal ah "waxaan ahay nin 38 jir ah waxaan si joogto ah u samayn jiray seegada muddo ku siman ilaa 14 ah oo ka bilaabma qaan gaadhkaygi oo haa 11 jir ilaa 25 jirkaygii oo ah ka hor intii aanan guursan" markaa hadda waxaan dareemaa jilbo xanuun dhabar xanuun, hamada oo marka aan hamoodo halmar wax ka badan aanan samayn karin 24-ka saac sidoo kale biyaha hore iiga yimaada iyada oo aan weli ka imaan xaaska" fadlan maxaa talo ama xal ii haysaan inaan 2 jeer ama ka badan samayn karo galmo 24 ka saac ama ka badan.
Aad ayaad u mahadsantihiin wll iyo su'aal wacan.